Qiyaas Qaadashada tirada Ardeyda Fasalka(I) (WQ: Cabdifataax M. Axmed)

 

Sannadaha hore ee waxbarashada tirada ardeyda fasalka  fadhiisataa ma xaddidna,Waxaannad arki kartaa fasal ah 50 ama 60 ardey,waayo waa sannadihii billaabida waxbarashada,is-Dhex-galka iyo wadaagida Markii ugu Horreysey Aqoonta.Wakhtiyada dambe ee Waxbarashada sarre Ayaa la xaddidaa tirada ardeyda fasal loo qaadanaayo sida Dugsiyada sare ama  Jaamacaddaha oo kale.

“Si  Xiisada iyo Gudbinta Casharka looga helo Ujeeddadii laga rabey waa in laga fekiraa Tirada ardeyda fasalka soo fadhiisaneysa cadadkoodu inta uu noqonaayo”.

Imtixaanada,wakhtiga,Aqoonta horre,Shahadooyinka iyo Shuruudaha qaadashada ardeyda ayaana sababa in la kala reebo ardey badan laguna yareeyo buuqa dadka waxbarasho doonka ah,haddiise shuruudahaasi dano kale laga doorbido waxa fasalada qaarkood lagu arki 70 Ardey fadhiya.

Fasal kasta oo loo qaato waxbarasho gaar ahi, wuxuu leeyahay tiro cayiman oo loogu tallo galay,isla markaasina la rabo in macallinku maareeyo hawlahooda wax-barid.Tiradda saxmada ah ee Fasalka wax ku baraneysaa waxa ay sababtaa maqal xumo,Buuq,iyo edebta amma akhlaaqada oo aan laga korin.

Markaan la xadidin Ardeyda Fasal loo qaadanaayo,Ardeyda wax dhiganeysa waxa mashquuliya buuqa iyo saxmada fasalka ka jirta.Dabeecada iyo Hab-dhaqanka ardeyda in la bedelaana wey adkaaneysa mararka qaarkood.

La soco Qeybta dambe……………….Maqaalladani waxbarashada ,Ciwaankooduna yahay “Jidka Aqoonta”.