Qodobo ay ku kala duwan yihiin dawladda Siilaanyo iyo tii Rayaale

Rayaale

Dawladdii Mudane Daahir Riyaale Kaahin ee xisbigii UDUB waxay  ahayd dawlad ka fayow qabyaalad iyo nin jacleysi oo si wada jir ah gacmaha la isku wada haystey.

Shaqaalaheeda ama madaxdeeda ciddii xaalad cafimaad oo culusi la soo daristo waa la qaadi jiray oo dibedda ayaa lagu soo daweyn jiray xilkana sidaa ayuu ku hayn jiray oo waxay ahayd dawlad qof walba qiimo uu la leeyahy. Haddii masuul shaqo ka haya dawladda qof qoyskiisa ka mid ahi xanuunsado iyana la mid ayay ahayd.

Mudane Rayaale had iyo goor waxa uu u taagnaan jiray ictiraaf-raadinta. Afka lagama qaadi jirin oo hadh iyo habeen waa la hadal hayn jirey oo kolba rajo fiican ayaa la qabi jirey, xitaa dadka ayay dhirigelin u noqon jirtey oo tahriibku muu jirin haddii uu jirayna muu badnayn.

Dawladdii Mudane Rayaale waxay ahayd dawlad mabda’a Somaliland ku adag oo ay ka dhab tahay. Soomaaliya lama maqli jirin cidna shir lalama geli jirin oo cidda soo hadal qaaddaa waxay ahayd dambiile qaran.

Dawladdii Mudane Rayaale waxay ahayd dawlad xagga caddaladda ka dhisan oo dadka maxkamadda ku jira hore u kala saari jirey.

Xagga dhismaha ayay dawladdii Rayaale ku fashilantay oo waxba may dhisi jirin haddii ay waddo ama deyr noqoto.

Siilaanyo

Dawladdan hadda joogta ee Mudane Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo uu hoggaanka u yahay waa dawlad qaraabo-kiil badan oo xigto ah.

Iska daa shaqalaha ee wasiiradiiba iyagoo xanuunsanaya oo dalka jooga xilkii laga qaadayaa.

Dawladdan Mudane Siilaanyo waxay ka dabaalan kari laadahayba Awdal iyo Sool ictiraafku ha u danbeeyabee. Maalin qudhana lagama maqal icitiraaf iyo wax la hal maala. Dadkiibaa rajo beelay oo waad aragtaa tahriibta maalin kasta hooyo goblan noqonaysa oo dhallintii rajo la’an is-biimaynayaan.

Dawladdan Mudane Siilaanyo waa dawlad had iyo goor u taagan inay la shiraan Soomaaliya oo aad moodo inayna shirkaa la’aantii tallaabsan karayn.

Bal hadda dib u eeg maanta inta qof ee Somaliland ka soo jeeda ee xilalka ka haya Soomaaliya tiro ma leh. Dawlddani waxay ka dhigatey wax iska caadiya oo iyadaa is barar dhigtey.

Mudane Siilaanyo dawladdiisu xagga garsoorka waa ka naafo oo maanta maxkamadaha buuqa iyo inta qof ee la kala saari la’ yahay waad aragtaa xitaa haddanad lacag bixin cidna waxba kuu qaban mayso.

Xagga dhismaha xukumaddani way ku wanaagsan tahay waana ta ay ku kasbatey horumarka oo waddoyin ilaa xad way dhistey iyo qurxin deyrar meelo badan oo dayac ka muuqdey, wayna ku mahadsan tahay.

 

Cabdiqani Maxamed Cabdillaahi “Gardaf”

gardaf@hotmail.co.uk