Qof walba waxa uu u qalmaa in loola dhaqmo si wanaagsan (WQ: Abdirahman Maxamed Habane)

Qof walba waxa uu u qalmaa in loola dhaqmo si wanaagsan.

Nolosha aadmiga mararka qaar, dadku waxay nolosha ka gaadhaan heer wanaagsan ama sare, waxay iibsadaan hanti badan oo wanaagsan kuna faani karaan. Mararbadan guusha ayaa madax marta deetana waxay isku arkaan in ay dadka iyagu ka sareeyaan, ka fariidsanyihiin, ka xariifsanyihiin. Waxay si dhakhso ama sahal u iloobaan halkii ay nolosha ka soo bilaabeen shalay, sanad kahor ama 5 sano ka hora am 10 sano ka hor. Waxa muhiima in uu qofku xasuusnaado in nolosha qofba meel ka bilaabo. Dad badan ayaa maanta waayuhu u fiican yahay, way caafimaad qabaan, hanti fiican ayay haystaan, shaqadu way u wacantay waxase la arkaa isla qof shalay waayuhu u wacnaa oo maanta xaalkiisii is badalay, hadii uu shalay caafimaad qabay/tay, xanuun ayaa u badalay, hadii uu hanti lahaa shalay saaka waa bilaa hanti waana faqriyay/day, hadii shaqadu wacnayd shalay maanta waa bilaa camal.

Waxa kale oo la arkaa dad badan oo Shalay waayuhu ku adagkaa oo Alle Faraj u furay, oo waayuhu wanaajiyay bari, hadii uu xanuun jiray maanta waa caafimaadqabaa/qabtaa, hadii shalay faqri jiray maanta waa hantiile, hadii shalay bilaa camal uu ahaa maanta waa shaqaale shaqaduna way u fiicantay. Aduunka ayaa sidaa isu bad badalaya, waana imtixaan la eegayo qof walba marka fursada la siiyo sida uu yeelo. Xaaladina ma aha mid waligeed lagu jirayo aduunka guudkiisa.  Hadaba adigu, anigu ama anigu ma fiicna mana quruxbadna in aan qofka ku liidno, takoorno ama u yasno xaalada uu maanta ku jiro/to iyo daruufta waayaha ee maanta. Maxaayeelay qof walba sidiisa ayuu u yahay noole gaar oo abuurtiisa gaar tahay, kala duwanaanshuhu waa xaqiiq. Anigu adiga ma ahi, adiguna aniga ma tihid,

Waxaad ogaataa si kasta oo qofku u magacwaynyahay, u lacag badanyahay, u cilmi badanyahay, u caafimaad qabo, ganacsigiisu u faaiido badanyahay, cabirka qabrigiisu waa la mid uun ka miskiinka, faqiirka iyo qofka jaahilka ah, xaabaaluhu way is wada leeg yihiin waana isku mid. Sidaa darteed waa in aan xasuusnaano halkii aynu ka nimid, si aynaan u kibrin, isla waynaan iyo is qancin badana inoo galin oo aan u dabacsanaano, isku dhul dhigno aan ugu noolaano nolol bilaa kibir ah.

 

Waad ku mahadsantay inaad ogtahay halkii aad ka timi.