Sida qofka Somaaligu ugu dhiiranyahay maagga, daan-daansiga, yasidda, dhaliisha, yamxeerada, faro-galinta dabeecadaha dadka kale, kala sooca iyo hadalka qalafsan hadda uguma dhiirana tacabka, dulqaadka, rog-rogista, raadsiga xoggo-kale, xeerinta, xilqaadnimada, toosinta togan iyo tolmoonaanta.
“Carabtu waa dad liita, hadda waa dad tabcaana ah!”
Waa weedhaha aaynu ku tiraabno marka aaynu niyadda isu-dhisaayno- haaye, innagu xagaaynu joognaa?. Waa inaad fahantaa Carabtu waa qoomiyad balaadhan sida Somaalida oo kale, waa bulsho degta wadamo badan waxaay leeyihiin bulsho wanaagsan una baahan qadarintooda iyo qiimaheeda, kelmad aad si fudud ugu tiraabtaa kuma aha gantaal e adiga ayaay kuu tahay raasamaal taban.
Carabi na waa halkii iyo ciddii diinta iyo suubananta kusoo gaadhsiisay. Nabi Maxamed Carab ayuu ahaa NNKHA.
Markale, “Waa Afrikaan madoow oo haddana xun/qudhun ah”. Waa weedh kale oo xaqiraad iyo maag badheedh ah oo xitaayn adiga kusoo galaya ilaayn Afrikaad degtaayee, horta midabkeenu(Somaaliga) waa madoow, maaha cadaan, wanaag na waa ka dadkii kale kaa amaan heli waayeen.
Dadka ku nool qaaradan cagaaran waa dad tacab badan oo adaayg badan leh oo nololeed, u dul iyo damiir leh waayaha waxaay ka dhaxlaan ee maaha dad iyo bulsho la ilmeeya maalin dagaal ama faakihaaysi, inta badan waxaay shaqeeyaan 18 saac markaay dunida tagaan dhaqaalaha leh, “hadalyar iyo waxsoo-saar lagu negyahay” waa astaamaha dadka afrika kasoo gala.
Qofkasta waxa uu leeyahay xuquuq iyo milgo dhaawran sidaaso kale ayaay bulshooyinku u leeyihiin xaq-dhoowr iyo xeerin, lagagana baahanyahay inaad u muujiso.