Qorrida Buugga Cilmi-Baadhista, Wakhtiga Qalin-Jebinta (Thesis)

 

 

Qorrida Buugga Cilmi-Baadhista, Wakhtiga Qalin-Jebinta (Thesis)

 

Araar/Hordhac

In wax la qorraa waa mid ka mid ah Aragtiyaha ugu badan ee la isku dhiirigeliyo.Waxba ma Qoro, amma Waxbaan qoraa waa laba jawaabood oo Kala duwan.Wax qorran oo Diyaarsan Ayaanu Heysanaa, Wax Qoran oo Keydsan ma Heysano iyaguna waa jawaabo kale.Wax kasta oo ka dhex Dhaca Gudaha Jaamacadda iyo guud ahaan Fasalladda wax dhiggashadu amuuro badan oo qorraal iyo keyd u baahan ayey u soo saarayaan si joogto ah.

Jawiga Qorrida Buugga Cilmibaadhista

Dad badan inta ay wax qorayaan waxaย  ay ugu baxdaa in ay keli ahaadaan oo ay Joogaan meel ay keli ku yihiin wax buuq ahna aan laheyn.wax ay rumeysan yihiin in keliyaย  la qori karo wax saameyn leh iyo Cilmibaadhis, markaย  meel nabdoon oo xasiloon la joogo lana fadhiyo buuq iyo dad la,aan.in cilmi baadhistu u baahan tahay xasilooni,jawi degan,iyo kelinimo Dood baase ka furan.Xasiloonida,Jawiga degan,iyo goobaha nabdoon ee buuq la,aanta ahi marar badan maba siiyaan deganaantii dhabta aheyd ee aad u socotey Maskaxdaada,Maxaa yeellay Maskaxdu firfircoonida iyo jawiga farxada leh waxa ay ku gaadhsiin kartaa markaย  aad ku dhex Jirto Asxaabta aad iskaashiga shaqo wada leedihiin sida loo badan yahay.haddi aad buuqa iyo mashquulka isaga dhex baxdo inta aad keliga meel cidlo ah fadhiisato si aad qorraalkaย  buugga cilmi baadhistaadaย  u wado Maalin kasta,kumaย  siineyso xasiloonida aad rabto Marar qaarkood,hadba sida qofku xasilooni ku dareemaayo buuq la,aanta ,kelinimada iyo la fadhiga dadka badan ee ay wax wada diyaarinayaan in la fahmo ayey ku xidhan tahay.

Ardeygeena buugga yar ee Cilmi baadhista qalin jebinta qorayaa waa mid Dhan xiisadaha waxbarshadu kaga socdaan, dhan qorida Buugg Cilmibaadhista difaacashada ku hawlan, Dhan Imtixaanad kaga jira isla markaasina hawlihiisii gaarka u aah ee nololeed ay ku furan yihiin Wakhtiguna cidhiidhi ku yahay culeys mug leh ayuu dareemayaa.

Qorida iyo cilmi baadhistu waxa ay qeyb ka tahay shaqo maalmeedka joogtada ah ee qofkaย  si maalinleh ah ugu qorsheysan,xaaladdaha dhexdooda iyo hawl maalmeedyada socda ayaana ugu macquulsan in qofku ku dhex wado qoraalkiisa iyo cilmibaadhista darasadaha u wado,si meesha looga saaro in daraasadu tahay waxย  u baahan in maalin kasta 7 ilaa 7 fiidnimo loo fadhiyaayo.

Inta ay Ardeydaasi sawirkoodu dusha sarre idinka muuqda ay qorayeen buugga cilmi baadhista difaacashada Jaamacadda wax ay u aheyd mid Maalin kasta oo timaada wakhtigooda uu buuggu wax ku leeyahay iyaga oo hadba halka ay ku joojiyaan ka sii ambaqaadaayey geedi socodka qorraalkooda,Maalintoodu waxa ay ahayd mid ay si Joogto ah u aadayeen fasalada xiisadaha jaamacadda,waxa ay ahaayeen kuwo wakhtiyadii ugu danbeeyey ee jaamacaddooda la qaadanaayey asxaabtooda,ardeyda ay isku fasalka yihiin,macaariiftooda ay wax wadaa bartaan iyo dadka kale ee dano waxbarasho ka galaan intaba.waxa ay ahaayen kuwo si joogto ah qeyb uga ahaa guud ahaanย  hawlaha waxbarasho ee kulliyadooda ka socda,waxa ay ahaayeen kuwoย  qeyb ka ah wakhtigoodana wax ka siiya fadhiga iyo ku diyaarinta buugga ee libraryga jaamacadda,waxa ay ahaayeenย  kuwo wakhtiyo nasasho iyo jawi meelaha buuqa leh sida maqaaxida cuntada kulaย  qaata ardeyda inta ay ku jiraan qorrida buugga cilmi baadhistooda jawigaasi oo ahaaย  midkaย  aynu ka sawiran karno daraasadooduย  sidii ay u soo socotey.inta ay soo Wadeenย  dhameystirkaasiย  cilmi baadhisteedna waxa ay ku qanceen in adduunka oo dhan u yahay mid u furan oo aaney aheyn in la iskaย  xidhxidho.

 

Wakhtiga

50% Wakhtigaย  Ardeyga diyaarinaya buugga difaacashadu wuxu ku dhacaa akhriska iyo qorrida qeybaha buugga cilmi baadhista, 20% wuxu kaga lumaa raadinta ,hubinta xaqiiqada cilmi baadhistooda iyaga oo wax kastaย  oo khaldan dib u saxaaya,halka 20% kale kaga dhaco wakhtigooda helida iyo diyaarinta weydiimaha xogtaย  baadhitaankaย  lagu sameyn doono, halka ugu danbeyna 10% wakhtiga u soo hadhaa ku dhamaado daabacada,sixida buugga iyo dhammeystirka tixraacyada saxda ah.Ardeydu marka ay wakhtiga sida saxda ah haddaba uga soo faa,ideysan waayaan waxa dabayaqada iyo gunaanadka wakhtiga gudbinta buuggaย  isuguย  yimaaada culeys iyoย  isku buuqyo badan oo khalkhal nafsaani ah ku sababa.(sida Jawigu saameyn ugu leeyahay qorida daarasadaha ayaa wakhtiguna ugu leeyahay) Jaamacadduhuna ardeyga wax ka badan 3 bilood uma hayaan,taasi oo ku sababta in ardey badan oo cilmi baadhisayaal ahi ay kuu guuleysan waayaan dhameystirka wax wax u oola oo anfac leh in ay soo saaran muddaasi iska kooban.

 

Buggaagta Cilmi baadhista Ardeyda Halkee la Dhiggayaa

Su,aasha halkan ku jirtaa waxa weeyaan tirada badan ee cilmi baadhista ah ee sannad kasta kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda laga sameeya halkeeย  ku danbeynayaan?halkee la dhigayaa?Xogtaasi intaasi leegse Rug lagu keydiyo in loo diyaariyo Miyaaney aheyn guud ahaan Dalka oo dhan.Kulliyadaha tobonaankii sannadood ee ugu danbeeyey shaqeynaayey xogtii cilmi-baadhiseed eeย  ardeydu sameysey meel ay ku sheegaan ma laha.

wakhtigan casriga ah ee dalku ku jiheysan yahay markaad eegto haddi aan si mug leh looga fekirin habka cilmi baadhiseed ee ardeyda jaamacaddaha isla markaasina aan la horumarin sidii cilmi baadhhistooda loogu diyaarin lahaa meelo iyo habab bulshadu uga faa,ideysato sida ay hadda wax u socdaan ayuunbey iska ahaan doontaa.Sannadaha imanaya waa in ay noqdaan kuwo isbedel ku sameeya hanaanka cilmi baadhiseed ee jamacadaheena wakhtiyada qalin jebinta.

Ugu danbeyntii Ardeydaasi sawirkaasi quruxda badan ku diyaarineysa qeybo ka mid ah cilmi baadhistoodi iyo kuwo badan ee la midka ahaa ee guud ahaan dalkaba waxaaan u rajeynayaa in waayo aragnimadii ay ka dhaxleen inta ay hadda cilmi baadhista ka gaadheen ay ku dhiirigelin doonto mustaqbalka in ay maalgelin xoogan ku sameyn doonaan daraasaadka iyo cilmi baadhisaha kala duwan. Abdifataahย  M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com