Qulqulka Oromada iyo Qaanuunka Socodka ?
Shantii sannadood ee ugu danbeeyey dhawr jeer ayaan safar dhulka ah ku marayey jidka laamiga ah ee isku xidha Hargeysa iyo Boosaaso. waa jid dheer oo 1000 kilo mitir ka badan.
Jidkaas oo lagu sii xidhiidhiyey laamiga ka soo bilaabma magaalo xuduudeedka Wajaale ilaa Hargeysa, waxa qulqulaya dad Ethiopian ah oo dhinac keliya u socda.
Dadkaasi way lugaynayaan, lugtoodana waxa ay ka soo bilaabaan magaalada Wajaale ilaa ay Boosaaso ka caga dhiganayaan, si ay socdaalkooda ay badda kaga gudbayaan u sii wataan.
Tirada jidkaa qulqulaysa way adagtahay in si kama danbeys ah loo hubiyo, laakiin waa koox koox ay laba qof ugu yaryihiin, inta badanse ka kooban 5-8 qof kooxdiiba, mararka qaarkoodna meelo ayay isku soo gaadhaan markaasay tobannaan noqdaan, isku darka dadka jidkaa qulqula ee boosaaso gaadha bilkasta, in kasta oo wakhtiyadu aanay isku wada mid ahayn, waxa laga yaabaa in ay noqdaan wakhtigan oo kale 500-800 oo qof.
Waxyaalaha la yaabka leh ee iska hor iyo daba imanaya waxa ka mid in Tahriibayaashaas aan loo oggolayn in ay gawaadhi raacaan, oo haddii lagu qabto cid dadkaa gaadhi ku sidda, gaadhigana waa la ciqaabayaa, tahriibayaashana waa la xidhayaa, isla tahriibayaashaasi haddii ay lugaynayaan waxa ay maraan isla jidka laamiga ag ee gawaadhida, waxa ay maraan dhammaan kaantaroollada Soomaaliland iyo Puntland ee laamiga ku teedsan, si nabad ayay u maraan, waa lagu soo dhoweeyaa oo biyo ayaabay askartu siisaa.
Waxa la yaabka lihi waxa weeye, maxaa dadkan loogu ciqaabayaa lugta iyo socodka rafaadka ah oo loogu diidayaa in ay gawaadhida muwaadiniinta kiraystaan oo jidkaas gaadhi ku marana? Maxaa tahriibka lugta ah ee kadeedka ah na sharci ka dhigay, kan gaadhiga saaranna sharci darro ka dhigay?!
Dadkaa waddan daraf ilaa daraf lugaynayaa waxa ay halis ku yihiin amniga qaranka ee mustaqbalka, sidoo kale waxa ay guntanayaan cadaawad iyo cuqdad ay u qaadayaan bulshadaas ay silica ku dhex marayaan.
Dadkani labada jeerba sharci darro ayay waddanka ku dhex maraan, dhibaato badan ayay jidkaa dheer ee ay lugaynayaan kala kulmaan, bulshada ay dhex marayaanna marar badan ayay dhibaateeyaan, dad xog ogaal ah oo aan wareysatay waxa ay ii sheegeen in tahriibayaasha qaarkood ay jidka ugu dhintaan gaajo iyo xanuun, in qaarkood ay bahalo cuneen, waxa kale oo la ii sheegay in ay dhibaatooyin geysteen, reero boobeen, meelaha qaarkoodna dumar ku kufsadeen.
TALO SOO JEEDIN:
1) Haddii xukuumadda Soomaaliland u aragto dadkaas tahriibayaasha ah in socodkoodu sharci darro yahay ha ku joojiso xuduudda iyo meel kasta oo ay kula kulanto, haddii aanay sharci darro ahaynna ha laga daayo dhibaateynta iyo kelifaadda lugta, oo halla jiheeyo socodkooda hallana sharciyeeyo, xukuumaddu dakhli aanay ka helin kuwa sharci darrada lugaynaya ayay ka sameyn kartaa, bulshada gaadiidlayda ahina way ka shaqeysan kartaa, isma qabanayso lugtuna waa xalaal, gaadhi raacistuna waa xaaraan!
2) Dadkaa ha loo sameeyo xarumo lagu ururiyo oo lagu daryeelo inta aan waddankooda lagu celinnin iyada oo lala kaashanayo hay’adaha arrimaas ka shaqeeya.
3) Dadkaasi Islaam iyo gaalaba way leeyihiine, kuwooda Islaamka ahna halla baro tiirarka diintooda kuwooda gaalada ahna ha loo bandhigo Islaamka, inta lagu hayo xarumaha loogu talo galay, oo arrimahaas cid qaabilsan halloo asteeyo.
4) Waan ogahay in dadkan in badan oo ka mid ahi ay yihiin dad danyar ah oo aan waxba haysannin, lugtana lacag la’aani ku kellifi karto, waxase hubaal ah haddii lugtooda la joojin lahaa in aanay isa soo luggooyeen ama wixii shardi ah ee lagu xidho ay ilaalin lahaayeen, waayo Boosaaso kama sii dabbaashaan ee doonyo lacag ah ayay ka raacaan oo jeebkooda ayay la baxaan.
Ujeedku waa danta dalka, dadka iyo socotadaba si nidaamsan halloo ilaaliyo.
Nb: Sawirrada waxa aan ka soo qaatay websaytyada: Burcoonline iyo Kaafimedia.
Dr-Abdulqani Beder