Waydiintaa kor ku xusan in badan ayaa ay dadka ka hadlaa ku sinbiririxdeen,qaar kale oo qalinka maalaana waa ay ku lumeen.
Nabigu dadka waxa uu ku soo gaadhsiiyey Qur’aanka laba hab:
1) Qur’aanka isaga oo qoran ayaa la ina soo gaadhsiiyey مكتوبًا .
2) Dhawaq ahaanna waa la inoo soo gaadhsiiyay,Gud-bin codeed
منطوقًا (النقل الصوتي)
Rasuulku waxa uu ahaa marka uu waxyigu ku soo dego mid u yeedha koox asxaabtiisa ka mid ah oo ka qorta Qur’aanka lagu soo dejiyay,aad na way u yaraayeen inta asxaabta qoraalka taqaanay,mararka qaarkood waxa suurtogali jiray in shan asxaab ahi wax ka qoraan,marar kalena lix ama afar ayaa u suurtagali jiray, kadib ayaa uu u yeedhin jiray Nabigu wixii lagu soo dejiyay si ay qoraal ugu rogaan isla marka uu soo dego Qur’aanku,hortiisa ayaa ay ku qori jireen,markaas ayaa lagu kala dareeri jiray kal-fadhigaas,isaga oo Nabigu raali ka ah Qur’aanka laga qoray ee la diiwaan galiyay,waxa laga yaabaa mid in uu yidhaahdo,Nabigu wax na ma qoro,wax na ma akhriyee sidee ayuu ku garan jiray haddii si qaldan wax loo qoro? waxa aynu qofkaa leenahay,haddii Nabigu aanu wax qori jirin,wax na akhriyi jirin,Jibriil oo waxyiga u keenaa isna ma la mid ayuu ahaa? Miyaanu Jibriil waxyiga ku soo dajin Nabiga? miyaan Nabiga loo waxyoon jirin? haddii asxaabiga qoraya waxyigu wax qaldo,oo tusaale ahaan meel ahayd وكان uu u qoro فكان ,ma waxa aynu odhanaynaa Jibriil na wax qoridda iyo akhriska ma yaqaano sida Nabiga,mise Jibriil ayaa baraarujinaya haddii in uun wax ka qaldamaan qoraalka? Ta dambe ayaynu odhanaynaa oo Jibriil ayaa baraarujinayay haddii wax qaldamaan,markaa waxa aynu leennahay Nabiga Qur’aanka hortiisa lagu qoray isaga ayaa ansixiyey,oo jeegareeyay,sida aynu gadaal ku arki doonno,marka uu asxaabigu qoro,Nabigu akhri ayuu ku odhan jiray waxa aad qortay,haddii marka uu asxaabigu akhrinayo qalad ku dhaco Nabiga ayaa sixi jiray.
Sayd Bin Saabit –Alle ha ka raali noqdo e- waxa uu yidhi: “ Nabiga ayaan waxyiga ka qori jiray,isaga ayaa ii yeedhin jiray,marka aan dhammeeyo qoraalka ayuu I odhan jiray,akhri,kadib ayaan akhrin jiray,haddii aan wax qaldo,ama ilduufo isaga ayaa I sixi jiray,marka uu ansixiyana dadka ayaan ula soo bixi jiray”
Asxaabigani udub-dhexaad ayaa uu u ahaa qoridda Qur’aanka,saddex jeer oo Qur’aanka la qoray isaga ayaa loo xilsaaray sida aynu arki doonno.
Qur’aanku labadaa hab ayuu inagu soo gaadhay isaga oo Mutawaatir ah,Mutawaatirku waa in war ku soo gaadho adiga oo warkaa si dhab ah u rumaysanaya,arag iyo maqal toona warkaa kuma haysid,se waad rumaysan tahay in uu run yahay,waxa warkaa ku soo gaadhsiiyay koox dad ah,taas oo caqligu diidayo in ay dhammaantood ba been ku ballameen, warka ay soo gudbiyeenna sal iyo raad toona lahayn,tusaale ahaan qarixii daaraha Maraykan anigu goob-joog kama ahayn, se warku tawaatur ayuu igu soo gaadhay,ilo badan ayaa warka soo tabiyey,sidaas ayaanaan ku rumaystay,waayo caqliga ayaa diidaya in waxaas oo dad ah warkooda been lagu tilmaamo,sidaa si la mid ah ayaa labadaa hab ee aynu kor ku xusnay la inoogu soo gaadhsiiyay Qur’aanka isaga oo Mutawaatir ah.
Heerarka Qoridda Qur’aanka
——————————————————————————————–
1: Qur’aanka qoriddiisa Nabiga oo nool ayaa la bilaabay,hortiisana waa lagu qorayay,isala isaga ayaana ansixinayay qoraallada hortiisa lagu qoray.
Xaalku sidaas ayaa uu ahaa illaa intii uu Nabigu ka geeriyoonayay,qoridda Qur’aanka isaga ayaa jeegareeyey oo hubiyey hadday tahay, ayaadaha la nasakhay iyo kuwa wax nasakhayba الناسخ والمنسوخ,habka ay suuraduhu iskuugu xigxigayaan,sida Al-faatixah,Al-Baqara,Aalu-Cimraan,illaa suuratu Al-naas,isaga ayaa ansixiyey,.
Taasina waa waxa culimadu u yaqaanaan ‘Bandhiggii u danbeeyay’ = العرضة الأخيرة
Nabigu waxa uu ku yidhi Caa’isha:
“Jibriil waxa uu ii soo bandhigi jiray Qur’aanka sannadkiiba hal mar,sannadkanna laba jeer ayuu ii soo bandhigay,in ay geeridaydii soo dhawaatay ayuun baan u arkaa”.
Bandhigaasi jeegarayn iyo sugid ayaa uu ahaa.
Sayd Bin Saabit arrinkaa xoggogaal ayaa uu u ahaa.
Markii uu Nabigu geeriyooday,qabiilo badan ayaa diinta ka noqday,dagaalladii la la galayna waxa ku dhintay Qur’aan-ruug badan,sidaasi darteed waxa loo baqay Qur’aankii la xifdisanaa iyo kii qornaa ee Nabiga hortiisa lagu qoray,
Tusaale ahaan: haddii aan hayo qayb ka mid ah Qur’aankii lagu qoray Nabiga hortiisa ee uu isaguna ansixiyey,saaxiibkayna uu iga codsado in uu iga koobi garaysto oo uu ka qorto qoraalkaa aan hayo,isku martabad iyo darajo miyaa qoraalkaa Nabigu ansixiyey iyo kaa uu saaxiibkay koobi garaystay?
Jawaabtu waa maya, waayo ta hore Nabiga ayaa ansixiyey,se ta saaxiibkay qortay ansixin iyo shanbaad sugnaansho ma haysato,waxaana laga yaabaa in qalad soo galo,waayo cid ka jeegaraysay ma jirto.
Sidaasi daraaddeed ayaa uu Cumar Bin Khaddaab uga baqay Qur’aanku in uu dayacmo,waxa aanuu ku yidhi Abuubakar,Dilkii ayaa ku batay Qur’aan-ruuggii,Qur’aanka ayaanaan u baqay e Meel iskuugu keen qoraallada kala tagtagsan ee Qur’aanka.
Ka baaraandagid badan Abuubakar uu aqbalay soo jeedintii Cumar Bin Khaddaab.
Sayd Bin Saabit ayaa loo yeedhay,markaasuu Abuubakar Ku yidhi “ waxa aad tahay dhalinyaro, nin caqli badan,xumaan kuguma tuhmayno,Nabi Muxamed ayaad waxyiga u qori jirtay,Qur’aanka dabagal oo u kuurgal kadibna hal meel iskuugu keen Qoraalladii Nabigu ansixiyey”.
Dood dheer dabadeed uu aqbalay Sayd,waxa uu ogaysiisay dadkii in ay u keenaan wixii ay ka hayaan qoraalladii Nabigu ansixiyey,marka qof u keeno qoraal,waxa uu waydiin jiray in uu haysto qof kale oo marag ah oo isna haya qoraalkaa mid la mid ah,haddii maragga qofka laga waayo uu ka tagi jiray Sayd oo kama qaadi jirin Qoraalkaas,illaa xadkaa ayaa uu dedaalka asxaabtu ahaa,Qur’aanka oo dhan ayaa uu habkaa ku soo ururiyey marka laga reebo laba Aayadood oo kaliya,labadaa ayaadood hal asxaabi oo kaliya ayaa laga helay,asxaabigaasina waxa uu ahaa Khusayma Ibn Saabit Al-ansaari,labada ayaadood waxa ay ahaayeen:
“مِّنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ ۖ فَمِنْهُم مَّن قَضَىٰ نَحْبَهُ وَمِنْهُم مَّن يَنتَظِرُ ۖ وَمَا بَدَّلُوا تَبْدِيلًا”
“لَقَدْ جَاءَكُمْ رَسُولٌ مِّنْ أَنفُسِكُمْ عَزِيزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ حَرِيصٌ عَلَيْكُم بِالْمُؤْمِنِينَ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ ”
Sayd ayaa waxa uu waydiiyay Khusaymah in uu haysto marag uga markhaati kaca in qoraalkaasi yahay mid Nabiga hortiisa lagu qoray,Khusayma waxa uu sheegay in cid marag u noqota aanu haysan, Khusaymah waa la aqbalay qoraalkii uu keenay,waayo Nabiga ayaa sheegay in wixii khusayma ka marag kaco uu ansax yahay,waxa waxaas oo hawl ah loo marayaa waa Qur’aankii qornaa,lagama hadlayo Qur’aankii la xifdisanaa,waayo dadka Qur’aanka korka ka hayaa way fara badnaayeen,xifdintuna isku hallayn maleh oo wax ayaa ka qaldami kara,la iskumana hawlin arrintaas,qaladka ka iman kara awgeed. Dabagalkaa adag ee ka fiirsashada iyo hufitaanka leh ayaa Qur’aanka lagu soo ururiyay.
Markii uu soo wada ururiyay Sayd qoraalladdii oo dhan ayaa uu ku wareejiyay hal meel oo lagu wada kaydiyay,waxba kuma darin wax na ka ma dhimin markii uu diiwaangalinayay,sidii ay ahaayeen ayuu u qoray.
Markii uu hawshaa soo idleeyay Sayd, waxa uu ku wareejiyay suxuftii Abuubakar,isaga ayaana hayay intii uu ka geeriyoonayay,markii uu xilka la wareegay Cumar waxa uu gacanta ku dhigay suxuftii/xaashiyihii lagu qoray Qur’aanka,intii uu xilka hayay ayaanay gacantiisa ku jireen.
Geeridiisii dabadeed waxa suxuftii u gacan galeen hooyadii Mu’miniinta,Xafsa Bint Cumar,
Sida saxda ahi waxa ay ahayd in uu Cusmaan la wareego suxufta,se Cusmaan oo xishood badnaa awgeed ma uu waydiinin Xafsa in ay keento xaashiyahaa Qur’aanku ku diiwaangashan yahay,waayo Cusmaan kalsooni buuxda ayuu ku qabay in gacan aamin ah uu ku jiro Qur’aanku.
Whakhtigii Cusmaan ayaa dhulal badan la furtay,illaa la gaadhay halka loo yaqaano maanta midowga Soofiyeeti, gaar ahaan Armiiniya iyo Adribiijaan,halkaas waxa ku kulmay laba ciidan oo kuwa muslimiinta ka mid ah,labada ciidan midi waxa uu ka soo kicitimay Shaam,halka ciidanka kale ka yimid Ciraaq,labadii ciidan waraysi iyo wax kala barasho ayaa dhex martay,Qur’aan iyaga oo iska dhagaysanaya laba nin oo ka mid ah ciidanku ayuu akhriyay midkood
“وَأَتِمُّوا الْحَجَّ وَالْعُمْرَةَ لِلَّهِ”
Markaasuu kii kale ku yidhi ma aha sidaas e waa
“وَأَتِمُّوا الْحَجَّ وَالْعُمْرَةَ لِلبيت”
Asxaabigii aragtida dheeraa ee Xudayfata Bin Yamaan ayaa maqlay labadaa nin ee ciidanka ka midka ah is-haysashadooda iyo in mid walba dooddiisu la quman tahay,mid waliba waxa uu ku doodayay in tiisu sax tahay,in ay dagaalamaanna waa ay ku dhawaadeen,arrintaas ayaa ku cuslaatay Xudayfa,dabadeeto waxa uu u soo xadhko-xidhay dhankaa iyo Madiina,markii uu yimid waxa uu la kulmay Cusmaan waxaana uu ku yidhi “Umaddan kala gaadh inta aanay isku khilaafin sidii Yahuudda iyo Kiristanka”.
Intaas kadib ayuu tallaabo qaaday Cusmaan,waxa uu fariin u diray Xafsa si ay ugu soo dirto suxufta ay hayso isaga oo u ballan qaaday in ay ka qoranayaan kadibna ay u soo celinayaan.
Xafsi markii ay soo dirtay suxuftii ayaa mar saddexaad loo yeedhay Sayd,guddi ayaa la sameeyay isaga ayaana hormuud looga dhigay,waxa la faray in ay suxuftaa koobi badan ka sameeyaan,hubin iyo jeegarayna ku sameeyaan,sidii ayay yeelin,kadib ayaa koobiyadii loo kala diray gobolladii Islaamka iyada oo la raaciyay Qur’aan-ruug dadka u akhriya waxa ku qoran masaaxiftaas.
Waxaa loo kala diray Masaaxiftii Basra,Kuufa,Shaam,Maka,Yaman,Baxrayn,
Madiinana laba koobi ayaa la dhigay,mid muslimiinta Madiina loogu talo galay iyo mid uu gaar ula hadhay Cusmaan.
Kadib waxa la faray dadkii in ay isku eegaan qoraallada ay haystaan iyo kuwaa loo soo diray ee la hubiyay,wixii waafaqa ta asalka ah ee Nabigu ansixiyey qaata,wixii khilaafana guba ayaa lagu yidhi.
Dedaalladaa is xigxiga ayaa lagu dhowray Qur’aanka,Alle sidii uu kaga yimidna waa kaa inagu soo gaadhay.
Dadka Islaamka dura ayaa ku dooda in Qur’aanka qoriddiisu bilaabantay waa dame,se waa been cad,waxa aynu kor ku soo sheegnay in qoridda iyo soo degidda Qur’aanku is barbar socdeen,heerarkaa kala duwanna soo mareen.
Waxa aynu halkaa ka aragnay in doorka asxaabtu ahaa kaliya in Qur’aanka hal meel la iskuugu keeno,isla markaana ay koobiyo badan ka sameeyaan qoraalladii Nabigu ansixiyey,iyaga oo aan wax ku darin kana dhimin.
Doorka asxaabtu minguurin kaliya ayuun buu ahaa.
Marka la leeyahay musxaf Cusmaaniya ma aha in Cusmaan wax cusub uu ku soo kordhiyay ururintii Abuubakar,se tallaabada kaliya ee uu qaaday ayaa ahayd in uu Muslimka wada gaadhsiiyay qoraalladii Nabigu ansixiyay.
Qur’aanka xuruufta dheeraadka ah ee ku jirta qofna xaq uma laha in uu saaro.
Tasaale ahaan,
والسماء بنيناها بأ ييد وإنا لموسعون
Hal ya ayuun baa la akhriyaa labadaa ya’,xaqna uma lihin in aynu qoraalka ka masaxno Ya’da dheeraadka ,waayo Alle ayaa sidaa ku soo dejiyay,xikmad uu kaligii ogyahay uun baanay ugu jirtaa.
Nabigu waxa uu yidhi “ Hadalka Ilaahay waa ka sareeyaa dhammaan hadallada oo dhan,sida Alle ba uga sareeyo waxa uu abuuray oodhan”
Alle sida uu uga duwan yahay la abuurayaasha oo dhan ayaa uu uga geddisan yahay hadalkiisuna hadallada oo dhan.
Hadalku tix iyo tiraab ayuu u qaybsamaa,intaa midna ma aha Qur’aanku.
Qur’aanka markii la qorayay habka loo maray qoriddiisu waxa ay ahayd dadku habka ay wax u qoraan,marka laga yimaaddo meelaha qaar oo Qur’aanku la gaar noqday,halkaa waxa ka dhashay cilmiga dhigaalka Qur’aanka
علم رسم القرءان
2:Gudbinta codeed:Nabigu Carab ayuu ahaa,Qur’aankuna Carabi ayuu ku soo degay,sida la wada yaqaanno luqad waliba waxa ay leedahay lahjado kala jaad jaad ah,Carabtii noolayd wakhtigii Nabigu habka codaynta erayada waa ay ku kala duwanaayaan,tasaale ahaan qaar ayaa
يؤمن Yu’minu u akhrinjiray oo hamzaha sukuunsan ku dhawaaqi jiray,halka qaarkood Hamzaha meesha ka saarijieen oo ayayna u akhrin jireen يومن Yuuminu,
Carabta qaar ayaa wakhtigii Nabiga sidan u akhrin jiray alifka u danbeeya موسى Muusaa,عيسى Ciisaa,halka qaar kale u akhrin jireen Ciisee,Muusee
Qaar kood ayaa عليهم Calayhim u akhrin jiray,halka kuwo kale Calayhimuu ugu dhawaaqi jireen,waayo lahjaddooda ayaa caynkaa ahayd,sidaasi darteed waxa adkayd in Carabta oo dhan lagu wada qasbo in hal qaab oo kaliya ay ugu dhawaaqaan kelmadaha,sidaasi darteed ayaa Alle ugu soo dejiyay Nabiga habab kala duwan oo kelmadaha loogu kala dhawaaqo,si qolo waliba sida u fudud ay ugu akhriyaan,sidaas ayaanuu Nabigu ugu wada akhriyay asxaabtiisa Qiraa’aatka kala duwan.
Gudbinita Codeed
1.Jibriil ayaa ku soo dajiyay Qur’aanka Nabiga, qaab dhawaqa kalmadaha,macnayaashooda iyo wax kasta oo la xidhiidha Qur’aanka.
2.Asxaabtu waxa ay ka qaateen Qur’aanka afka Nabiga,hortiisa ayay ku akhriyeen illaa uu u ansixiyay qaab akhrintooda.
3. Asxaabtu waxa ay inoo soo gudbiyeen Qur’aanka,iyaga oo isla habkii Nabigu ugu soo gudbiyay inoo soo gaadhsiiyay jeer oo uu ina soo gaadhay.
Qaab dhigaalka,xarakaynta iyo dhibco u samaynta xuruufto waa kala duwan yihiin,labada dambe waa dedaal culimo,halka qaab dhigaalka Qur’aanku ka geddisan yahay habka Carabiga loo qoro.
Marka la leeyahay Rasmiga Cusmaaniga ah الرسم العثماني waxa looga jeedaa in uu u soo minguuriyay tabtii Abuubakar uga soo minguuriyay Suxuftii Nabigu ansixiyay,magacaa sababta uu u qaatayna waxa weeyi waa qofkii u horeeyay ee Masaaxifta saxda ah ku faafiyay dhulkii muslimku degganaa intii uu xukunka hayay.
¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬-¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬_____________________________________
Fiiro Gaar ah
Qur’aanku waagii hore bilaa dhibco iyo bilaa xarako ayuu ahaa,Carabtuna sidaas ayay ku akhrin jirtay,oo way u fududayd,se waagii dambe ayaa ay muslimiintii aan Carabta ahayn ku adkaatay,markaas ayaa dedaal culimo samaysay lagu dhibceeyay laguna xarakeeyay Qur’aanka.