Siciid Maxamuud Gahayr Waa aqoon yahan aanan anigu shakhsiyan garasho u lahayn, waligay noloshayda waxaan ku arkay xaruunta CID-da ee uu ku xidhnaa oo aan ku booqday ka dib markii aan ogaaday muddo badan ka dib inuu xidhan yahay, waxaana u soo jeediyay in haddii aanuu qareeno haysan in aan qareen u noqdo oo aan difaaco si mutadawacnimo ah, wuxuuna ii sheegay inuu leeyahay qareeno kiiskiisa gacanta ku haya.
Maadaama intii ka horraysay shalay uu kiiska siciid ahaa mid maxkamad hor yaallay, oo sida aynu ogsoonahay sharcigeena saxaafadu ma bannaynaayo in laga faalloodo kiis maxkamada wali hor yaalla, laakiin maadaama uu maanta soo dhamaaday, waxaan odhanayaa in ka dib marka aan baadhay qoraalda siciid ee uu ku faafiyay facebook-ga inta aan ka gaadhay (anigoo aan ogayn qoraalka rasmiga ah ee lagu soo eedeeyay), in qoraaladiisu ay soo hoos galayso xuriyatul qawlka uu dastuurku damaanad qaaday ee horumarkeena ummadeed aasaaska u ah.
Markaa maadaama uu siciid muddo laba bilood ku dhaw xidhnaa waxaan ka raali galinayaa isaga iyo ummadaba arrimahan:
- In eedayn been abuur ah oo uu dambi laawe ka yahay uu muddadaasi dheer u xidhnaa sida ay cadaysay maxkamadu.
- Ummada waxaan ka raaligalinayaa in qof wacyigalinteeda iyo toosinteeda ka shaqaynaya lagu eedeeyay sababta uu u hawshaasi, oo ay eedayn noqotay (kicin dadwayne), miyaanay dhici karin inay noqoto (kicin dadwayne inay wax bartaan/kicin dadwayne inay wadooyin dhistaan/kicin dadwayne inay masuuliyiintooda la xisaabtamaan).
- Waxaan ka raaligalinayaa bahda akhriska jecel khasaarihii inaga gaadhay muddadii uu xidhnaa qoraa siciid taasoo uu qoraagu inala wadaagi kari lahaa buugaag ama maqaalo aynu ka faa’idaysan lahayn.
- Waxaan raaligalinayaa ardayda uu wax u dhigi jiray siciid oo xiisado badan ay ka faa’idaysan lahaayeen halkaasi ku waayay.
- waxaan ka raaligalinayaa siciid in sharci dajinteenu aanay wali waafajin dastuurka shuruuc fara badan oo ka hor imanaya dastuurka.
- Waxaan ka raaligalinayaa siciid in booliska iyo xeer-ilaalinta ku qaadatay bil ku dhawaad si ay u soo baadhaan kiiskan oo ay u soo gudbiyaan gun-gaadhkooda isla markaana ay galka eeda u gudbiyaan maxkamda.
- Waxaan ka raaligalinayaa in sharcigeenu aanuu magdhaw siinayn siciid maadaama uu mudadaasi dheer u xidhnaa eedayn been abuur ah sida ay maxkamadu cadaysay.
- waxaan ka raaligalinayaa in qofkii eedaynta beenta ah sameeyay aan wax tallaabo ah laga qaadin.
Sababahaas iyo kuwo la mid ah ayuu u mudan yahay qoraa siciid in laga raaligaliyo wixii ku dhacay oo aan isaga uun ku koobanyn balse ay ahayd weerar ka dhan ah xorriyatul qawlka ay dhamaan diimaha samaawiga ahi ilaaliyeen.
Laakiin su’aasha muhiimka ah, talaw yaa raali galin la mid ah u diri doonta qoraa siciid si ay nafteeda iyo damiirkeeda uga raaligaliso waxa dhacay ee keensaday in xad-gudub intaa leeg lagula kici karo muwaadiniinta aqoon-yahanada ah, iyadoo raaligalintu ka horjoogsan doonto in ficil la mid ah lagula kaco dad la mid ah.
Talaw Madaxwaynaha Somaliland iyo xukuumadiisu ma siin doontaa raaligalintaasi qoraa siciid? Talaw ma anshax marin doontaa xukuumadu masuulkii tacadiga kula-kacay qoraaga?
Ugu dambayntii waxa hambalyo mudan garsoorka Somaliland oo horumar laxaad leh ku tallaabsaday, anigoo Ilaahay (SWT) uga baryaaya inuu guulahooda sii badiyo.