Ramadaanta iyo Xanuunka Macaanka: Cuntadee ku haboon qofka Macaanka qaba ee Sooman? (WQ: Dr Abdikarim D Hassan)

Cunto intee le’eg, ama noocee ah ayaan cunaa? Waa Su’aasha ugu adaga ee hortimaada qofka Macaanka qaba iyo qoyskiisa. Qormadan waxaynu wax kaga tilmaami doonaa xadiga cuntada uu qofku cuni karo, noocyada ay tahay in uu cuno, iyo noocyada cuntada ee ay tahay in uu iska ilaaliyo ama joojiyoba. Inta aynaan mowduuca cuntada hoos ugu degin waxan infiiminayaa macluumaad guud oo cuntada ku saabsan.

Cuntada aynu cunaa dhamaanteed waa saddex nooc middkood uun; Barootiin iyo dufan oo inta badan ka yimaada dhamaan noocyada kala duwan ee oonta xoolaha (Hilibka noockasta oo uu yahay, Caanaha,Jiiska Saliidaha iyo Subaga iyo wixii kale ee ka yimaada xoolo, shimbiro, ama kaluun). Karbohaydarayt oo ah cuntada wixii intaas aynu soo sheegnay kasoo hadhay.

Sidaa darteed cunto kasta oo aan xoolo ka iman ama aan ahayn khudaar cagaaran (green leafy vegetables) waxay ka mid tahay Karbohaydarayt-ka. Waxabaynu odhan karnaa 70% cuntada aynu cuno waa Karbohaydarayt. Dhamaan noocyadaas Karbohaydarayt-ku way kordhiyaan sonkorta dhiiga. Waxba kuma kala duwana sonkorta, malabka iyo timirtu; saddexduba waa karbohaydarayt, saddexduba way kordhiyaan Macaanka.

Barootiinka iyo Dufanku wax badan kuma kordhiyaan sonkorta jidhka, intastoo ay leeyihiin saamayno kale oo aan fiicnayn oo aynu ka hadli doono. Laakiin karbohaydarayt-ka (Bariiska, Baastada, cuntooyinka Daqiiqda laga sameeyo oo dhan, Hadhuudhka, Masagada, khudradaha; sida Tufaaxa, Muuska, Canabka, Xabxabka iyo wixii la mid ah) marka jidhka uu galo ee la dheef-shiido wuxuu ku danbeeyaa Glucose oo ah sonkor. Waa kuwaas cuntooyinka sonkorta kor u qaada isla markaana jidhku u adeegsado in uu tamar ka dhaliyo. Laguma odhanayo cuntooyinkaas jooji oo ha cunin, laakin waxa talladu tahay in aad fahamto sida ay u kala sonkor badan yihiin iyo in aad midkasta ka cunto xadiga kugu filan iyadoo aan xad dhaaf laga dhigin.

Hadaba xiliga qofku sooman yahay sadex arimood ayaa ka qayb qaata kicitaanka ama hoos u dhaca sonkorta qofka. waxay kala yihiin 1. xadiga cuntada uu cuno. 2. jimicsiga ama shaqo-jidheedka uu qabto. 3. nooca iyo xadiga dawada uu qaato. Sadexdaa saameeye waa in laysu miisaamo si sifiican loogu maareeyo macaanka qofka. hadafku waxa weeye in la yareeyo khataraha ka dhalan kara cunto la’aanta saacada badan ah, in laga hortago in qofka miisaan badani ku kordho ama ka dhaco bisha ramadaan.

Dadka macaanka qaba ee miisaankoodu aadka u sareeyo iyaga fursad ayay u tahay bisha ramadaan in ay hoos u dhigi karaan miisaanka, waayo miisaanka oo ay dhimaan waxay caawinaysaa in ay si fiican u xakameeyaan macaanka isla markaana ay yareeyaan khatarta madno xannuunka iyo kelyo xannuunka ee macaanu keeno.

Si cuntada qofku u miisaanaato waa in la isu dheeli tiro sadexdaa nooc ee ay ka kooban tahay. Cuntada la cuno waxa lagu qiimeeyaa inta tamar ah ee qofku u baahan yahay maalintii iyadoo la adeegsanayo halbeeg la yidhaa Calorie (CAL), tusaale ahaan ragu waxay u baahan yihiin inta u dhaxaysa 1800-2200 kcal/maalintii, dumarkuna waxay u baahan yihiin 1500-2000kcal/maalintii. Xadigaas tamarta ah iyadoo laga eegayo waa in afurka iyo suxuurta loo qaybiyo si isku dhow oo aan mid laga badin ka kale.

Waxaan halkan kusoo bandhigayaa tallooyin ku saabsan sidii aad u nidaamin lahayd cuntadaada maalina iyo habeenka ramadaanta. Tallooyinka waxay qayb ka yihiin barnaaminka Ramadan Nutrition Plan (RNP) oo ay dejintiisa iska kaashadeen International Diabetes Federation (IDF) iyo Diabetes and Ramadan (DAR) International Alliance.

1. Waa in aad cunto xadiga saxda ah ee calorie ee aad u baahan tahay, una qaybisaa suxuurta iyo afurka si isle’eg, hadii loo baahdo waxaad qaadan kartaa cuwaaf fudud wakhti u dhexeeya suxuurta iyo afurka.

2. Sinxiga cuntada u qaybi sidan oo kale: Karbohaydarayt 45-50%, Barootiin-20-30%, dufan- in kayar 25%. Karbohaydarayt-ka waxaad doorataa cuntooyinka sonkortoodu yartahay isla markaana dheef-shiidkoodu mudada dheer qaato, sida bariiska aan gaska laga wada jarin, qamadiga, sonkor-khaanta, baastada laga sameeyay qamadiga aan gaska laga saarin (labada noocba dalka lagama wada helo), digirta, misirka, cadaska, iyo noocyada la midka ah. Cuntooyinka la shiilo sida saambuusaha iyo qureeca waxay leeyihiin saliid aad u badan oo aan loo baahnayn iyo sonkor aad u badan oo ka timid daqiiqda cad ee laga sameeyay . waxa fiican in qofka macaanka qabaa joojiyo ma aad u yareeyo.

3. Barootiinka waxa fiican hilibka cad ee digaaga iyo kaluunka, iyo hilibka saafiga ah ee bilaa baruurta(xaydha ah) iyo dhamaan noocyada kala duwan ee laws-ka) dufanka waa inuu ka yimaado saliida dhirta sida sisimta, saytuunka, gabal-dayaha iyo macsarada. Waa in la joojiyo dhamaanteedba dufanka xoolaha ee ay ka midka yihiin: sixinka, badhida xoolaha, dhuuxa iyo kuruska geela, heenka, majariinta,

4. Cuntooyinka sonkorta ah ee laga daba cuno cashada (sugar-heavy desserts) waa in aad loo dhimo sida, Keega, labaniyada, casiirada kartoomaysan ee lasoo waarido. Waxaad ku bedeshaa khudrad sida tufaac ama canab( qofkii heli kara), sharaabka waxa fiican in isagu uu samaysto mid uu tuujiyay sida liin-macaan ama wixii kale ee uu heli karo.

5. Qofku waa in uu biyo badan cabo afurka kadib, laakiin marka suxuurtu soo dhawaato waa in uu yareeyo cabitaanka biyaha. Waxa fiican sharaabka aan sonkorta lahayn ama nooca diet-ka ah. Sharaabka soodhaha leh iyo sharaabka la macaaneeyay waa in uu qofku joojiyo, sababtuna waxa weeye waxa ay xasaasiyadeeyaan caloosha (stomatch irritation),sidoo kale cuntada oo aan si fiican u dheef-shiidmin ayay ka riixaan caloosha oo ku dedejiyaan mindhicirka,taasina waxay keeni kartaa cilad caloosha ah qofka oo sooman

6. Cabitaanada Caffeine-ta leh (sida shaaha, bunka iyo cabitaanka kolaha) waa in aad loo yareeyo, la iskana ilaaliyo xiliga suxuurta waayo waxay kordhiyaan kaadida (Diuretics), taasi oo keenaysa in qofka macaanka qabaana fuuqbad ku dhaco maalintii (Dehydration).

7. Suxuurta aad dib ugu dhig wakhtiga ugu danbeeya ee lasuxuuran karo subaxa hortiis. Hadii aad hilib, digaag, ama kaluun heli karto waxa fiican in aad cuntada suxuurta raaciso oo aanad cashada raacin. Faa’iidada barootiinka suxuurta lacunaa leeyahay waxa weeye; barootiinku wuxuu yareeyaa gaajada maalintii, aadna kor uguma kiciyo sonkorta barqada hore.

8. Afurka ku bilow cabitaanka biyo badan si aad usoo bogto biyihii kaaga baxay soonka iyo waxooga timir ah oo aad kor ugu qaado sonkorta. Waa in cashada iyo afurkaas fudud loo dhexaysiiyo wakhti fiican oo jidhku biyaha ku qaato.

Kuwaasi waa talooyin kusaabsan sidii qofka Macaanka qaba ee soomayaa u habayn lahaa cuntadiisa isuguna miisaami lahaa afurka iyo suxuurta. Dhinaca kale, waxa jira caadooyin aad u xun oo ramadaanta dadku sameeyaa kuwaas khalkhalin kara sonkorta qofka isla markaana dhib wayn soo gaadhsiin kara caafimaadkiisa. Caadooyinkaas oo aynu qaarkood tilmaami doono waaa in qofka Macaanka qabaa aad isaga ilaaliyo.

1. In uu qofku cuno cunto aad u badan (ka badan 1500 calories)aadna u kala duwan isla marka uu afuro. Dabeecadani waxay keenta in Sonkorta dhiigu cirka isku shareerto, waxaanay leedahay laba natiijo oo aan fiicnayn; in qofka miisaan siyaado ahi fuulo iyo in dawada uu qaadanayaa xakamayn kari waydo sonkorta.

2. Qofka oo cuno cunto ay kujirto sonkor sida keega iyo casiirada diyaarka ah.

3. Qofka oo si isdaba joog ah wax u cuna ila inta suxuurta la gaadhayo oo aan jidhkiisa siin wakhti ku filaan oo uu wax dheef-shiido taasi oo keenta sonkorta dhiiga oo kacda.

4. In qofku degdeg u cuno cunto badan, taasi oo kedis ku noqota calooshiisa oo saacado badan soomanayd, waana caadho khalkhalisa dheef-shiidka oo keeni karta casiraad, calool qushqush, iyo dibiro.

5. Qofka oo suxuurta aad usoo qadima taasi oo keni karta in sonkortu hoos u dhacdo barqadaba kuna qasabta inuu soonka jebiyo.

Kuwaasi waa qaar ka mid ah caadooyinka ay tahay in uu qofku iska ilaaliyo ramadaanta iyo xiliyada kaleba. Waa caadooyin dhib ku keeni kara dadka sooman ee macaanka qaba, sidoo kale aan u fiicnayn dadka aan macaanka qabin laftooda.

Ugu dambayntii, qofka Macaanka qaba ee howl gacmeed culus ka shaqeeya waxa lagudboon in uu kala tashado dhakhtar sidii uu isu waafajin lahaa dawadiisa, soonka iyo shaqada. Waa in uu barto astaamaha lagu garto marka sonkorta dhiigu hoos u dhacdo ama kor u kacdo.

Astaamahaas iyo wixii uu yeeli lahaa hadii uu isku arko maqaal danbe ayaan kusoo bandhigi doonaa.

lasoco…