Reer Burco halbaa seegay, Hawd-na halbaa seegay, wasaarada ciyaaraha halbaa seegay, Muuse Biixi halbaa seegay, Aniga iyo ragaan ku jirana halbaa na seegay (WQ: Maxamuud Xaashi Cabdi)

Reer Burco halbaa seegay, Hawd-na halbaa seegay,  wasaarada ciyaaraha halbaa seegay, Muuse Biixi halbaa seegay, Aniga iyo ragaan ku jirana halbaa na seegay

Ciyaartoyda gobolka Togdheer waxay soo bandhigeen ciyaaro qiimo badan, oo ay ka muuqatay farsamo iyo farshaxanimo farabadan. Taas oo gaadhsiin karaysay, in ay guulo taariikhi ah ka soo hooyaan koobka ciyaaraha gobolada ee 2020. Si gaar ah waxaan amaan ugu jeedinayaa kabtankii kooxda ciyaar yahan Xamse, oo muujiyay deganaasho, dulqaad iyo dad isku wad si wada jirka kooxdu u waarto. Hasayeeshee, waxaa seegay reer Burco in aan dhexdooda laga arkin aragti ah, in ciyaartooyda lagu qaybiyo xilad iyo xabaadh. Xaqiiqada iyo xigmadu waxaa weeye in xidigaha ciyaartooyda lagu xusho, xirfadooda iyo hibooyinkooda mihnadeed.

Kooxda gobolka Hawd waxay muujiyeen dardar, dedaal fara badan iyo iskuduubni. Waxaa la saadaalinayey in gobolka Hawd uu ka mid yahay kooxaha far ku tiriska ah ee qaadi kara koobka ciyaaraha gobolada jsl ee 2020. Hasayeeshee, waxaa seegay reer Hawd in aanay xanaaqin, balse ay ka dhiidhiyaan rigooraha kooxdii dhigooda ahayd, loo dhigay in  aanu ka dhalan.

Wasaarada ciyaaraha iyo dhaliinyarada jsl, waxaan ku bogaadinayaa doorkii fiicnaa, ee ay ka qaateen tartanka ciyaaraha gobalada dalka. Hasayeeshee, waxaa seegay ganaaxii ay saareen gobolada Togdheer iyo Hawd gudida anshaxu. Ganaaxu wuxuu u muuqdaa, mid aan ka turjumayn waaqaca runta ah, isla markaana aan loo miidaan dayin. Sidaa darteed, nin habari dhashay hal ma seegi waayo’e waxaan kula talinayaa in ay ka noqdaan go’aankaa guracan. Ganaaxa iyo ciqaabtu waa inaanay noqon mid wadareed, balse waa inay ku koobnaataa shakhsiyaadka fal danbiyeedka galay oo kali ah.

Dhinaca kale, waxaan caad iyo ciiro toonna saarayn, in kala qaybsanaanta bulshada Somaliland gaadhay, meeshii ugu xumayd muddo xileedkii madaxweyne Muuse Biixi. Adkaynta midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland, waa masuuliyad saaran dusha iyo dumada madaxweynaha. Nasiib darose, waxaa seegay madaxweynaha in uu ummadda uu odayga u yahay, ururiyo oo aanu kala irdhayn. Saaxiibkay madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay, mudane madaxweyne haw dhaqmin sidii Muusihii doraad ahaa, hogaamiye kooxeedka. Balse, u dhaqan sidii aad bulsho weynta Somaliland oo dhan aad hogaamiye u wada tahay, mid ku neceb iyo mid ku jecel, mid ku ogol iyo mid ku diidan, mid kuu codeeyay iyo mid kaa codeeyay intaba.

Aramida qaybsanaanta Burco iyo Bari ka jirtaa, waa mid ka gun dheer is qabqabsiga dhaliinyarada ciyaartooyda ah. Sidaa darteed, aniga iyo rag badan oo kale waxaa na seegay, in aanu gidaarka dhalanteedka ah, ee ka dhex samaysmay Burco iyo dhulka bari ka xiga aanu qaadno, oo qodaxda iyo qaniinka ka idlayno, qolqolka qaraabada iyo qoysaska wada dhashay. Darbigii dhabta ahaa ee lagu kala qaybiyay magaalada Baarliin, dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida. 45 sano ka dib, rag baa dumiyay duhur cad, iyaga oo ay daawanayaan dalalkii danta mooday ee Maraykanka, Ingriiska, Faransiiska  iyo ruushku. Haddaba, Waxaan leeyahay wixii rag u kaco, rabina aqbalo way rumoobaan.