Reer Ceel Afweynow Ceeb ka Dhawrsada (WQ: Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf “Zaciim”)

Hillimaha iyo Hoggaga hiddaha Soomaaliyeed madhaafaanka ah, kama mid ah in la Muunadayn waayo, lana milgayn waayo ergooyinka Nabada raadiska. xurmo la’aanta waxaa ka mid in iyada lagu hawlanahay heshiisiinta in la is-ku gudo.

Waxan dhacaya ee la soo sheegayo, waa wax ugub ku ah Sooyaalka Soomalida horaysa iyo danbaysaba. inta la dhaarto kitaabna la maro, hadana kitaabkii baalaha dhaarta lagu jaray aan dan laga galin, wixii la doona la sameeyo.

Dadku miyaanay dadkii dhaarta iyo Kitaabka ka baqi jiray ahayn? mise Kitaabkaan kii ahayn? mise cidda wax dhaarinaysa ayaan ciddii ahayn? tay ahaataba. Sawtii Cuqubo nabsi laga baqi jiray, saw tii la odhan jiray hebal waxa uu ku dhaarta waxaas iyo waasoo Kitaabkii ayaa qabtay.

Inta Qoon, Qudh, Dhiig iyo Dhaqan lakala gaysto ayaa lakala bogsanjiray, waana wax dhici jiray, hase yeeshee waxaan dhici jirin in iyada lays hor fadhiyo ergooyinkii nabaddu ku kala dhex jiraan in la isusoo duso.

Bir magaydadii iyo maxastii ay Ceeb ahaan jirtay in wax la yeelo ayaa baxsan la’ oo birta laga aslaa, dhaqan gobeed Xarrago-dirrir ah ayaa la lahaan jiray, hanaanka gunnimid dirrirka ayaan la qaadan jirin, waxbaa la xeerin jiray, waxa ugub ah iyana in maddanaha dabku isugu jiro oo hadana ergooyinka lagu yidhaa; “Nabadda iyo heshiis baan rabnaa”, Nabad Caabuq afka baarkiisa ah.

in aan ficil gunnimo la qaayibi ayaa laga dhiidhiyi jiray barigii hore.
Maanta dhacdooyinkii Ceelafweyn ka socda waa wax Baalasha Safaxaadka Sooyaal- dhiteedka iyo hadhada danbe ku dhigmi doonta, taasoo ay daalacan doonaan jiilasha iyo faca danbe. marka ay sidaa tahay, Jiilasha iyo faca soo socda ee labada dhinac hadho xun yaan looga tagin, oon la odhan waa kuwii waxaa yeeli jiray, ilayn taariikhdu waa mudane waa ay isqortaaye.

Sooyaal-gobeedka xariirta ah ee reeruhu leeyihiin waxa Sadheeya (fasaqa) Xantoobo gunna, Ficilkaa ay samameeyeen kuwaa liitaa ayaa la odhan; jiray kulama socono, waana lays qaban jiray, imika la isma qabto.

Sunaha iyo magac-san Samaynta bulsho qaarna lagu caayo qaarna lagumajeerto waxa uga taga Aabayaashood, Awowyaashoo iyo adeeradood, dabadood gadaashood ayey dheefsadaa Sumacadda iyo Xushmadaa ay u dhaafeen, bal dib u raac Tagtadii tagtay iyo tan maanta joogta Soomalida dhexdeeda. tadhaale waa in loo muujiyo magaca dadka deegaanka dagan, kuwaas lahaan jiray dhanqan gobeed, geesinimo iyo nafhur saayid ah waxaana kuu muujinaya halgankii ay saamiga libaax kasoo qaateen dawladdii dooxatada ahayd.

Ugudanbayntii, Somalilaand Maanta uma baahna Collaad iyo Dhiig sokeeya macno daraan ku daata, Somalilaand dhibka iyo rafaadka Dagaal sokee waa soo taabtay, intaa ayaa ugu filan dhib.nimanka Durmaanka colaad Ceelafwayn tumaya Aakhiradiinna, Dadkiinna, Dalkiina, Diintiinna, dadnimadiinna, iyo Sooyaalkiina u tudha.