Ribo iyo Muraabaxo maxaa u dhaxeeya ?

Dad fara badan  oo muslimiin ah ayaa si qaldan u fahmay la-dagalaanka ribada ee Islaamku ku dhawaaqay waayo hore iyadoo ay diimo kale uga horeeyeen xaaraameynta ribada, waxaanay malaha u qaateen in magaca uun laga badalayo oo wax la nooc ah oo kale la adeegsan karo, taasina waa halka ay ku jirto khatarta laga digay.

Waxaa jirta marka Ribo la qeexayo waxaa ka mid ah qeexitaananeeda “Amaah kasta oo faa’iido laga helo waa Ribo” , wixii isku mid ah haddii la isku badalayana waa in ay ahaadaan miisaan isku mid ah iyo in markaa la kala qaato.

Markaa waxaa jira eray bixin ku jirta Fiqiga Islaamka oo la yidhaahdo Muraabaxo, kolay intaa baadhayey ma arag Aayad ama Xadiis si toos ah uga hadlaya Muraabaxada halka Ribada aad loo faahfaahiyey Quraan iyo Xadiis labadaba waan wax aan wada garanayno intii wax akhrin karta oo dhan.

Halkase laga yaabo halaag iyo dhac in uu ka yimaado oo si uun la iskugu hoosaasiyo waa muraabaxada.

Waxaana la is moodsiin karaa in banki hebel uu ku shaqeeyo nidaamka maaliyada Islaamka, sida aan ognahayna dadkeenu aad ayey diinta u tix galiyaan waana lagu dhici karaa magaca ama shaadhka diinta in dadka loo soo gashado waana in halkaas aad la iskaga hubiyaa .

Waxaa aad u adag meelo badan in aad kala saarto Ribo iyo Muraabaxo oo ay taasian ka dhigi karto mid xaaraan ah sida loo isticmaalo ama ay xalaal ka dhigi karto waana farqi aad u yar in la kala garto, waxaana quman qofkii kala saari kari waayaa in uu iska daayo.

Tusaale ahaan alaabta uu bankigu iibinayo ama guryaha uu dhisayo ama wixii laga qaadanayo ee kale hadii uu isagu leeyahay waa sax waana iib caadi ah laakiin hadii uu cid kale ka soo wareejinayo ama waxa aan la arkayn oon meesha oolin kaa iibiyo waa khatarta laga digayo.

Hadii aan sii cadeyno waxaad rabtaa guri in laguu dhiso oo qiimaha adiga uu gurigaasi kuugu kacayo waxa weeyi 10,000 oo doolar markaas ayaad la heshiisay banki waxaanu ku yidhi waxaan angu ku iibinaa  gurigaas aad doonayso qiimahaas aad sheegtay ama waxa ka badan yacnii ka korodhsan, amaah iyo hadii aad mar wada bixinaysna qiimahu isma badalayo waa intii lagugula heshiiyey uun waa sax dhib ma leh, laakiin hadii waxa lagu darayo marka ay dhaafto kam dabnays xiligii la rabay deynta in la bixiyo waa ribo aan biyo is marin.

Waxaa kale oo jirta in badeecado ama baabuur bankiyadu iyaga oo sheegaya in ay adeegsanayaan muraabaxo in ay ka keenaan dibada una soo iibiyaan macaamiishooda qaar ka mid ah way samayn karaan shaqadan oo kale waase goorama? Marka ay hawshan oo kale qaban karaan? Waa marka ay helaan sifaadkii iyo noocii wuxuu doonaayey macmiilku ay helaan ka dib inta ay soo gadaan ayey dalka ugu keenayaan hadii uu halkaas kula wareegayo khatar badan baa jirta hadii aanu isagu joogin oo dilaal am acid kale ula wareegayso, damaanad ayaa looga baahan yahay bankiga in uu sameeyo.

Hadaba muraabaxada Islaamku ogol yahay waa hawl labada dhinac midkood qabanayo oo kan kalena wixii heshiis ah fulinayo una tix galinayo dhibka iyo rafaadka ka soo gaadhaya kan kale.

Laakiin muraabaxada ay maanta qaateen Bankiyada magaca Islaamka sidaa waa heshiis, xisaabeed kaliya wixii dhib iyo badeecada in la soo raadiyana waxaa qabanaya qofkii macmiilka ahaa, mar hadii xaal sidaa yahay faa’iido mooyee waxa kalena aanu bankigii hayn waa maxay Islaamnimada uu sheegayana aawey naxariistii ganacsiga islaamka lagu sheegay?

Imaamu Shaafici oo kale waxa uu ka mid yahay cumilada banaysay muraabaxada waxaanu sheegay macmiilku in uu ikhtiyaar leeyahay , laakiin nidaamkaas maanta aad baa loogu xad gudbay waxaana dhacda in qofka macmiilka ah uun culaysku saaran yahay oo hadii uu ka baxo heshiiska ganaax iyo culayso kale.

Imaamka weyn ee hada nool Dr. yuusuf Alqardaawi waxa uu Fatwatiisa ku soo diray arintana ku saabsan sheeko ka hadlaysa in sharikad reer Qadar ah ay ka dalbatay laba banki oo kala nidaam duwan mid ribaale ah iyo mid Islaami ah in ay alaab u soo iibayaan wadan kalena ka keenaan markii badeecadii timid ayey noqotay mid xun oo aan lahayn wixii ay dalbatay shirkadu kii ribaale waxa uu yidhi adaa iga dalbaday qaado ama ha qaadan waan kugu leeyahay kii kalena waxa uu yidhi xoolihii hadii ay khasaareen sidaas ayaan ku kala joogaynaa waxba kuguma lihi.

Sax noqonmayso in loo fasiro naska diiniga ah sida uu yahay si aan ahayn ama loo leexiyo meel aan ujeedadiisa ahayn, iyaduna waxen suura galayn in macaash ka badan intii ribada in macaamiisha laga qaado iyada oo magac diin loo adeegsanayo waana halis arinkaas.

Bankiga waxaa looga baahan yahay hawshan oo kale marka uuka ganacsanayo in uu la yimaado arimahan:

  1. Damaanad buuxda in uu Bankigu ka bixiyo wixii dhib ama xumaan ee ka yimaada waxa uu iibanyo.
  2. Qiimaha faa’iidada deyn iyo bixin in ay isku mid ahaadaan oo aanu waxba ku kordhin karin
  3. Waxa uu iibinayo bankigu in uu u leeyahay mulkiyada buuxda ee aanay ahayn waxa kala wareejin kaliya hawshiisu.

4.  Faa’iidada iyo khasaaraha labada dhinac waa in ay u siman yihiin.

Xasan Ciise- Saxafi