Riyadii rumawday, Qaybta 3aad (W.Q. Maxamed Xasan Daacad)

Axmed oo ka mid ahaa ardayda ay Ismaaciil isku  kursiga ahaayeen, isla-markaasna ay isla wadaagi jireen xalinta masalooyinka casharadda kala duwan ee ay dugsiga ku qaataan, ayaa intii u dhexaysay labadda xiisadood ee ay macalimiintu is-bedelaan waxa uu saaxiibkii Ismaaciil weydiiyay waxa maanta kusoo kordhay iyo siday wax-yihiin?. Balse Ismaaciil waxa uu u sheegay Saaxiibkii in dhibka haysata aanu waxba Axmed ahaan waxba ka qaban Karin, sidaas darteedna in uu u sheegaa aanay wax qiimo ah lahayn.

Axmed ayaa hadalkii si weyn u dhex-qaaday, waxaana uu  u maleeyey in saaxiibkii ay maanta la soo deris tahay mushkilad balaadhani, isaga oo sawirtay in arrimahaas ay ka mid noqon karto geeri ku timid qoyska Ismaaciil, waxaana uu go’aansaday in uu saaxiibkii Ismaaciil uu ula-babac dhigo sidii uu ula qeybsan lahaa dhibaatadda haysata iyo in marka ay wakhtiga rawaxaadda gaadho uu ka codsado Ismaaciil in waxa jira uu si furan oo dhab ah ugu sheego, islamarkaasna uu u balan-qaadayo in uu taageero la barbar istaagi doono.

Wiilkan Axmed isna waxa ku soo wareegay qeybo ka mid ah wer-werkii iyo fikirkii la deriska ahaa Ismaaciil, waxaana uu aad uga naxsan yahay Isbedelka muragada  leh ee ka muuqda oogadda saaxiib ay kal iyo laab isku jecel yihiin, kana caawiyay masalooyin badan oo dhinaca duruusta dugsiga ah, maadama oo uu Ismaaciil yahay arday fahmo wanaagsan oo xaafidul Qur’aan ah, aadna uga dhex muuqda ardayda ay isku fasalka yihiin iyo guud ahaanba dugsiga, waayo Ismaaciil maamulka sare ee dugsigu waxay u aqoonsan in uu yahay Sheekha-yar ee dugsiga, waxaana subax kasta loogu yeedhaa inuu Qur’aanka ka akhriyo daabuurka (Safka ay ardaydu gasho subax hore), taas oo keentay in uu noqdo Jawharad ka dhex iftiimaysa dugsi ay boqolaal da’yari dhigtaan.

Axmed, isna waa wiil iska af-gaaban, isla-markaasna dabeecad wanaagsan.Waxa uu ka soo jeedaa qoys ladan. Aabihii waxa uu ka mid yahay tujaarka caanka ee magaaladda, waxaanu taageero siiyaa dugsigan uu wiilkiisu dhigto. Waxa uu ka mid yahay Dadka wax laga weydiiyo baahiyaha la soo dersa dugsiga.

Ilaahayna waxa uu ku manaystay gacan-furnaan iyo deegsi-nimo. Dugsiga waxa u dhigta  afar (4) Caruur ah oo uu Axmed ugu weyn yahay oo iskugu jira wiilal iyo hablo.

Curadkiisa Axmed yare isna waxa uu ku tilmaaman yahay sifooyin badan oo Aabihii ku tilmaaman yahay, ayna ka mid yihiin deeqsi-nimadda iyo gacan-furnaanta. Inta xiisadda lagu jiro ardayga waaya ama uu ka xumaado qalin iyo wax la mid ah, waxa uu si kalsooni leh uga soo doontaa Axmed, isaga oo ku rajo-qaba in uu ka helayo.

Wali may dhammaanin xiisadihii dugsigu, waxaana wali hab-fikirkii dheeraa ku kala jira Axmed Iyo Ismaaciil oo mid walba dhinaciisa waayuhu u lurayaan.

Ismaaciil waxa maankiisa buux-dhaafiyay Weydiimo iyo tamaniyaat aan xad lahayn. Waxa uu si weyn u tamaniyayaa qoyskooda yaallay miyiga iyo siday  ugu han-weyn yihiin, kuna riyoonayaan in ay arkaan wiilkooda meel sare ka gaadha waxbarashadda iyo bad-weynta aqoonta. Balse riyadaasi wey sii shiikhaysaa, waxaana soo waajahay waayo adag oo aanay cidina u maqnayn, ceelna u qodayn, ALLAH mooyee.

Waxa  hor imanaya muuqaalo soo xasuusiyey musawiradii dhalaan-nimo iyo wakhtigii uu la noolaa qoyskooda iyo  taageeraddii iyo debecsanaantii Hooyodii macaan iyo war la’aanta maanta ka haysata qoyskooda xaalada cakiran ee uu ku sugan yahay.

Hadda waxa la garaacayaa Jalaskii astaanta u ahaa in ay idlaadeen xiisadihii dugsiga ee maanta, lana soo gaadhay xiligii rawaxaadda iyo in arday kastaaba uu tago gurigii uu saaka kasoo toosay, kana soo labistay.

Lasoco……….

W/Q:Mohamed Hassan Daacad