Riyadii Ramadaantii Dhawayd! (WQ: Prof. Cabdi Cali Jaamac)

Riyadii Ramadaantii Dhawayd!

 

Hordhac!

 

Sida Quraanka Kariimka ahi inoo sheegay riyadu waa laba: mid waxa la yidhaa Axlaam oo waa midda aan u baahnayn tafsiir; waa iska ciyaar ka socota maskaxdaada, ka dib marka uu hoos u dhaco soo-jeedkaagii iyo miyirkaagii; taasi waa ta keenaysa in aad samayso waxyaalo naftaadu diidayso ama ka didayso in aad samayso adiga oo soo jeeda oo miyirkaagu taam yahay (consciousnesses); inta badan riyooyinka aynu aragnaa waa noocan; waana nooca uu ku dheeraaday in uu wax ka qoro Pshychologist ka wayn ee Sigmund Freud.

 

Ta labaad waa Ru’yaa; riyada noocan ahi mar mar iyo dhif baa la arkaa; dadka oo dhamina ma arkaan ee dad kooban ayaa arka; inta aan ka fahansanahay, ma aha sida loo kala Alle cabsi badan yahay; waana midda la tafsiiro; waa nooca ay ka sugnaatay Rasuuleena (NNKH) in ay tahay qayb yar oo ka hadhay nabinimada ama waxyiga; tani waxay u kala baxdaa haddii hoos loo dego laba; mid caddan ah oo u dhacda sida aad ku riyootay oo aan biyo is marin; matalan waxaad ku riyootay adiga oo Dubai u duulay, oo halkaas kula kulmay qof caan ah oo aad taqaan; muddo ka bacdi  waxa dhacday sidii oo aan biyo is marin; noocani uma baahna tafsiir; waaba sida dharaarta e maxaa la tafsiiri. Waxa tusaale kale ah riyadii uu Nabi Maxamed ku riyooday isaga oo furanaya Maka; waxay u dhacday sidii oo aan biyo is marin لَقَدْ صَدَقَ اللَّهُ رَسُولَهُ الرُّؤْيَا بِالْحَقِّ ۖ لَتَدْخُلُنَّ الْمَسْجِدَ الْحَرَامَ إِنْ شَاءَ اللَّهُ آمِنِينَ مُحَلِّقِينَ رُءُوسَكُمْ وَمُقَصِّرِينَ لَا تَخَافُونَ ۖ فَعَلِمَ مَا لَمْ تَعْلَمُوا فَجَعَلَ مِنْ دُونِ ذَٰلِكَ فَتْحًا قَرِيبًا.

 

Dhinaca kale, Tani waxay i xasuusisay waxa loo yaqaan De ja vu (french word), inkasta oo aanay tani riyo ahayn ee ay dhacdo soo jeedka; sidee bay u dhacdaa adiga oo soo jeeda waxan haddaana riyada u egi! Tani ma aha mawduuceena maanta aynu ka hadlayno. Nooca labaad ee Ru’yada waxa aad riyada ku arkaysaa calaamado u taagan waxa dhici doona sidii riyaddii Nabi Yusuf ee abaarta; wuxu ku riyooday todoba sac oo wayd ah oo cunaya todoba sac oo shilis; waa calaamado ama tilmaamo u taagnaa todoba sano oo abaar ah iyo todoba sano oo barwaaqo ah. وَقَالَ الْمَلِكُ إِنِّي أَرَىٰ سَبْعَ بَقَرَاتٍ سِمَانٍ يَأْكُلُهُنَّ سَبْعٌ عِجَافٌ وَسَبْعَ سُنبُلَاتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَاتٍ ۖ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَفْتُونِي فِي رُؤْيَايَ إِن كُنتُمْ لِلرُّؤْيَا تَعْبُرُونَ

 

Riyadan aan kor ku soo sheegnay waa riyada tafsiirka u baahan; Nabi Maxamed (NNKH) aad buu u jeclaa riyooyinka noocan ah; salaadda subax ka bacdi marka uu tujiyo asxaabtiisa wuxu waydiin jiray haddii mid ka mid ahi xalay riyo arkay; riyo kasta muu rabin, ee wuxu ka dhex baadhi jiray Ru’ya Al-saadiqa, maxaa yeelay nabigu wuxu Ilaahay baray sida loo fasiro riyooyinka; runtiina, halkaas buu ku fasiri jiray riyada; cid kastaana ma fasiri karto riyooyinka sida maanta dhacda halkaasoo TV yada caalamka, gaar ahaan kuwa Carabta, uu soo fadhiisto qof, halkaas oo inta badan waxa la waydiinayaa ay u badan yihiin riyooyin ka nooca loo yaqaan Al-axlaam, kuwaas oo aan loo baahnayn in waqti la iskaga lumiyo; inshallah, mar gooniya ayaynu ka hadli sida lagu kala garto; laakiin ma aha wax isu eg ba; qofkii caqli lihiba wuu garan karaa haddii uu fahmo farqiga u dhexeeya!

 

Riyadii Nabi Yusuf waxa ay ahayd digniin u dhigan ama odhanaysa: waar todobada sano ee barwaaqada ah dhigta oo kaydsada wixii aad beerataan si aad uga samotabaxdaan todobada abaarta ah ee soo socda oo aan wax dalag ahi idiin soo go’i doonin; haddii aanay sidii yeeli lahayn oo aanay waxba kaydsadeen waxa dhici lahayd in todobada sano ee abaarta ahi dhaqaalahooda baa’biyaan; waana sheekada cilmiga dhaqaalaha dawladuhu ku kala horumaraan; matalan marka laga hadlayo dalalka Scandanivianka qaar baa haysta waxay ku noolaan lahaayeen dadkooda oo dhami 100 ka sano ee soo socda, haddii ay iska fadhiistaan oo aanu qof ka shaqo tagin laga bilaabo maanta; halka Mareykan aanay taasi suuragal ahayn; Dhaqaalaha Maryekan, shaki kuma jiro, oo siyaabo badan isagaa ugu horreeya dunida, laakiin waxa jirta siyaabo kale oo looga horreeyo; sidaas waxan u leeyahay dadka qaar baa u haysta in dhaqaalaha Mareykan dhinac kasta oo laga soo eego dunida ugu horreeyo! Calaa kulli xaal ma aha taasi mawduuceena maanta!

Inta badan cilmiga Psychologi gu kama hadlo riyada noocan ah, maxaa yeelay way ka baxsan tahay aagga cilmiga saynisku ka hadlo; Ru’ya Al-saadiqa, sida aynu soo sheegnay, waxay ka hadashaa wax mustaqbalka dhacaya, taasina waad ogtahay in cilmiga saynisku aanu shaqo ku lahayn, maxaa yeelay waa Qaybiyaat, sidaad darteed riyada noocan ah waxa ka hadli kara uun diinta iyo falsafadda oo kaliya!; run ahaantii, waxay la xidhiidhaa Ruuxda; markaa waa gartii in Segmund Fraud uu ku ekaado nooca riyada loo yaqaan Al-axlaam oo maskaxda uun ku kooban, inkasta oo aan heshiis lagu ahayn aragtiyihiisa (controversial) qaar ka mid ah!

Intaa waxa dheer, riyada argagaxa leh ama dubaabka oo kale ah (nightmare), Carabtuna ay tidhaa Kaabuus; tan iyadu waxay la xidhiidha isbeddelo ka socda jidhkaaga, macno badana ma laha, halka axlaamtu, sida aynu soo sheegnay, ka tahay ciyaar maskaxeed, inkasta oo qaybo ka mid ahina ay la xidhiidhi karaan hawlo ka socda jidhkaaga, taasi oo ay la wadaagaan riyada argagaxa leh, sidaa darteed, riyada aragaxa lihi waxay hoos iman kartaa Qaybta Axlaamta.

Cabdo; Diimaha, Falsafadda iyo Taariikhda (classics)

La soco….