Riyadii xalay (W.Q. Cabdirisaaq Xasan-Rakuub)

Waa fiid-cawl. Wuu iska dhacdiidsan yahay indhihiisuna waxa ay ku maqan yihiin cadceedda sii galbanaysa ee midabka dahabiga bixinaysa iyo dhirta midabada kala gedisan leh ee isla falgalaya, waxayna sii jeclaysanayaan doogga darmada noqday. Wuxu kolba fuuqsanayaa darmuus casariye loogu keenay oo hareer yaal.

Dhawaqa kaliya ee uu maqlaya waa shimbiro bicilka ka goosanaya geedaha hor qotoma. Jawigu waa mid deggan oo neecaw macaani dhabanayso. Ma doonayo in uu maanta maqlo cod aan kaa ahayn.

Wuxu isu diyaarinayaa jaangoynta in uu u abaal celiyo raggii isaga u adeegayey ee kala shaqaynayey soo-saarista xaajiga. Ma doonayo qaybin lagu saluugo in uu gooyo, mana rabo in uu cid wax dheeri ah siiyo.

Wuxu la soo baxay diiwaan hareer yaalay oo qalin ku dhex jiray, durba kor ka dareeri magacyada raggiisi la soo halgamay. Ragga waa yaqaan ninba halka u doonayo oo hore ayaa looga heshiiyey taa.

Wuxu yidhi isagoo isla hadlaya:

“Ninkaa Guhaad Agaasimaha Maaliyadda dhe.”

Wuxu mar kale dib u qooraansaday magacyadii ku dhignaa diiwaanka. Judhiiba waxa u soo booday Saxardiid, madaxa inta u ruxu yidhi:

La yaraysan maayo wallee, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada sii.”

Markii hore wuu u fikirayee hadda nin walba halkii magaciisu ku yaalu ayuu ku dulxariiqay halkii uu la rabay. Galaydh iyo Caydaruus iyaga dib ayuu u dhigtay. Isagii is xasuusay wuxu isugu hal celiyey “qaybiyaa qadee ragga wad horta.”

Waxa uu sameeyey wasaarad la yidhaa wasaaradda Jaamacadaha.  Wuu ogyahay in aanay jirin se wuxu u unkayaa Caydaruus oo boos kale aan afgaranayn. Galaydh wuxu u qoondeeyey in uu ahaado xoghayaha odayga. Inkasta oo u ogaa loolankii adkaa ee booska loo galay haddana waa ka badheedhay.

Isagii baa is yidhi xaaji innana? Dee dhexmaraha dawladda, maxaa xil inagu koobaya innagaa dunida haysanee. Mar uu hoos iskula hadlayey buu is tusay in uu isku cumaamado halka uu haysto ninka uu majeeranayaa haddana waa ka maagay. Toloow ma ha laguu gartay ka tahay. Mooji!

Goor aan wax la xasuusan buu naftiisi la xanshashaqay, dawladdii ba dhistee odayga maxaad u reebtay? Dadkii taageeray intan may ahayne, intii kale ma diiqaa?Isagiiba jawaab iskugu celiyey “dadba waa innaga.”

Karkaa markii uu iska riday, nafis oo kala deg run ahaantii. Alla muxu u degi waayey sow culays iskama uu furdaamin, sow xilal lagu murmi lahaa ma kala habayn, sow dawlad hawl badnayd gelin kuma dhisin.

Gaadhigii istaadh, shookaantii ku dheg, u dhawaaq waardiyihii, albaabkii laga fur durba arag mushxaradda iyo dabaal-degga loo hayo guusha odayga.

Laami kasta oo u is yidhaa mar waxa hor istaagay kolonyo baabuur ah oo damashaad waddadii u xidhay. Meel aan ka durugsanayn waddada halbawlaha ayaa dhallinyaro damashaadaysaa dhigteen sameecado heeso ka baxayaan. Waddadaa cidhidhiga ahi isaga ma dhibayso maanta, waayo dee waayo!.

Silic ku gaadh gurigii odayga, diiftaa ka soo qabsatay waddada waxa kala weyn in guusha uu gaadhay uu ku hambalyeeyo odaygii. Raggii uu magacaabay oo meesha wada yuurura arkay. Ilaahay ballankii jeebada sare ayaabay ugu jirtaa warqaddii uu xilalka ugu soo magacaabay.

Tallaabada wuxu u qaaday sidii uu raggaa ugu sheegi lahaa boosaska uu u gartay. Sidaadii uu u dhaaqayba wuxu ku war helay garaaca albaabka iyo codka hoose ee lagu leeyahay:

“Hurdadii baa kula tagtee u kac shaqada!”

Degdeg u soo bood. Waar mee raggii? Odaygii lagu urursanaa mee? Debaaldeggii iyo kolonyadii aaway? Guushii iyo doorashadii meeday? Xaqiiqsay in ay ahayd dhalanteed iyo riyo habeenimo.

Dhammaad

Hoos ka akhriso maqaalkii hore ee Cabdirisaaq Xasan-Rakuub:

Innamadii isdoortay