Ruwanda iyo Somaliland ninba dhan u baddi (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Gen Paul Kagame  wuxuu ahaa gudoomiyihii jabhaddii RPF oo la wareegtay xukunka wadanka Ruwanda 1994 , markaasoo Kagame noqday madaxwayne ku xigeenkii Ruwanda iyo wasiirkii gaashaan-dhigga , waxaana la sheegaa in uu ahaa madaxwaynaha rasmiga ah.

 

2000, ayuu noqday Madaxwayne rasmiya Kagame ka dib markii uu is casilay madaxwaynihii , waxaanu doorashadii koobaad isu taagay 2003 , waxaana laggu doortay 95% iyadoo aan cidina la tartamin .

 

Mar kale , 2010 ayaa doorashadii labaad uu isu taagay , waxaana la tartantay gabadh la yidhaahdo Victoire Ingabire oo kasoo jeedda qawmiyadda Huutugga oo dabadaha ka timi , hassa yeeshee intii aan doorashaddu dhicin baa la xidhay , waxaana laggu xukumay 15 sanadood  , 3 musharax oo kale oo la tartamayna badhkood waraaqihii ayaa loo diiday , waxaanu markaana galay doorasho keligiis ah , waxaanu heley 95% .

 

Doorashadii ugu danbaysay wadanka Ruwanda Kagame wuxuu heley sidda lasheegay 98.8 % mana jirin cid la tartantay codkii dadka oo dhana sida muuqata isaga uunbaa wada heley .

 

Xaaladda siyaasadda .

 

Ruwanda waxaa ku nool 2 qowmiyadood oo kal aha , Hutu 85% iyo Tutsi oo ah 14 % , hassa yeeshee xisbigga taladda wadanka gacanta ku haya waxaa u badan qawmiyadda Tutsiga oo ka noqonaysa tiradda wadanka 14 % .

 

Doorasho toosa oo wadankaas ka dhacdaa ma jirto , haayadaha xuquuqul iinsaanka iyo saaxadda caalamka looma ogola , waxaana wadanka dabada kaga maqan  qaxoonti badan oo  u dhashay Hutu.

 

Ruwandi waxay horumar ka samaysay dhinacyadda tacliinta , caafimaadka , nidaamka maamulka dawladda iyo dhaqaalaha , waana wadan si fiican u koraya , waxaas oo dhamina waxay ku socdaan kartidda iyo dadaalka Gen Kagame .

 

Hadaba waxay is waydiintu tahay , Ruwandi sidee bay noqon kartaa hadii uu meesha ka baxo hogaamiyaha taladda wadanka gacanta ku hayay 26 sanadood ee u danbeeyey .

 

Qawmiyadda Hutu iyo Tutsigu ma isku aamini doonaan doorasho hal qof iyo hal cod ah , hadii doorasho dhacdo oo sidda sawd afrika Hutu tiradda badani  talada la wareegaan Tutsi ma heli doonaa xuquqdiisa, Tutsi se ma ogolaan doonaa taladda Hutuga .

 

Si kastaba ha ahaatee , Ruwandi weli waa wadan ku jirra tijaabo oo aan weli la hubin sidda xukunka loola kala wareegi karro , wax walibana waxay ku xidhan yihiin Madaxwaynaha la doortay sadexda teeram ee min 7 sanadood ah , hadeerna muddo xileedkiisa ay uga hadhsan tahay 4 sanadood , halka Somaliland tahay wadan ay u dhisantay habka xukunka loola kala wareego , warwarna aan ka qaban saamayn taban oo ay keento isbadal Madaxwayne , hassa yeeshee aan weli cagta la helin tubta horumarka iyo toobiyaha toosan ee hanaqaadka , Ninba dhan u baddi .

 

.

Mudadaa 26 sanadood ah ee Gen Kagame xukunka Ruwanda hayayna waxaa iska badalay Somaliland 5 madaxwayne iyo 5 madaxwayne ku xigeen , kuwaasoo doorasho , geeri iyo dhamaysi muddo isku badalay  .