Saamalaylku waa astaan kamida astaamaha hoos u dhiga caafimaadka qofka. Sida kalmadda ka muuqata; saamalaylka waxa lagu qeexaa soo jeedka habeenka intiisa badan (3 meelood laba meelood), si joogto ah. Saamalayluhuna waa qof ku sifoobay falka saamalaylka ama soo jeedka habeenkii. Inagoo indhaha ka laabayna, sababaha qofku uso jeedo.
Inkasta oo aan lahayn cilmi-baadhisyo lagu kalsoonyahay oo wax ka sheega saamalayku heerka uu marayo, hadana xog ururino la sameeyay waxay tilmaamayaan in uu kordhayo heerka saamalayku sannadba sannadka uu ka danbeeyo.
Hadaba, saamalaylku sidee buu saamayn ugu leeyahay caafimaadka qofka? Waa kuwan qodobbo kooban oo tilmaamaya:
- Sida ay caddeeyeen cilmi-baadhayaasha caafimaadku, saamalaylku wuxu kordhiyaa khatarta loogu jiro:
- Xanuunnada aan la isku gudbin sida macaanka iyo dhiikarka.
- Dhibaatooyinka maskaxda iyo Xanuunada neerfaha.
- Saamalayku wuxu keenaa xanuunada maskaxda ee ayka midka yihiin diiqadda, cadaadiska, niyad-jabka iyo welwelka, sidoo kale wuxu keenaa waji-gabax, sal-fudayd iyo la qabatinka dhaqano aan fiicnayn ama bulshada liddig ku ah sida isticmaalka maandooriyayaasha.
- Sidoo kale, saamalaylku wuxu khalkhal ku keenaa waqtiyada cuntada iyo hab-raacca loo cuno. Wuxuna kordhiyaa isticmaalka cuntooyin aan dheeli tirnayn ( Junk foods), taasi oo keenta kor-u-kaca heerka koolesteroosha iyo baruurta jidhka; ugu danbayna miisaanka qofka kordhisa.
- Ku daba karroo, saamalaylku wuxu raadad xun ku reebaa maskaxda wuxuuna is-bedel muuqda ku keenaa qaybta cad ee maskaxda (white matter), isla markaana, wuxu burburiyaa shabakadaha neerfaha ee isku xidhan.
F.G)
- saamalaylku wuxu keennaa in ay maskaxdu si xad-dhaaf ah usoo dayso maaddo loo yaqaanno “Astrocyct”; maadadan oo keenta inay burburiso neerfaha iyo shabakadahoodaba “neurons and synaptic connections”.
- Is-bedelka ku dhacaya maskaxda ee ay keenayso hurdo yaraantu waxa si cad looga arkay sawirro shucaac ah oo laga qaaday maskaxda dad habeenkii saamalayla.
- Dhinaca kale, hurdo yaraantu waxay keentaa hore u gabaw, hoos u dhaca falgallada kiimikada ee jidhka (metabolism); isla markaana waxa wiiqsama awoodda habdhiska difaaca iyo shaqada wadnaha. Wuxuuna hoos dhiggaa la tacaalidda cadaadisyada nolol-maalmeedka.
- Ugu danbaynna, Saamalaylku wuxu ku kordhiyaa khatarta heerka dhimashada ee qofka (the risk of dying) illaa 10% (boqolkiiba toban), marka la barbar dhigo dadka habeenkii hurdo ku filan seexda.
- Si kale haddaan u dhigno; dadka saamalaylaayi waxay 10% (boqolkiiba toban) uga dhawyihiin dhimashada dadka hurdo ku filan seexda habeenkii.
- Arrintaasi waxa keenay qoddobadaa aan dusha kusoo sheegnay oo isku dhafan.
F.G)
- Inkasta oo Dhimashada qofka iyo noloshiisuba ay ku jiraan gacanta EEBE wayne, hadana EEBE wayne wuxu ina baray sababo aynu kaga baxsanno qadarkiisa, inaga oo u baxsanayna isla qadarkiisa uun.
- Aqoonta caqiidada ah ee ku duugan sababahaasi EEBE wayne ina baray iyo qadarku sida ay isku waafaqayaan kuma soo koobi karno halkan.
Waa aqoon kooban oo wax ka ifinaysa saamalaylka iyo natiijooyinkiisa xun ee keeno. Waxan ku talinayaa in laga fogaado la qabatinka saamalaylka si aynu ahaano kuwo midho dhal leh oo ku noolaada nolol tayaysan.
Cabdirahman A. Sulaymaan
Tell :- 0634541615