Saamayn dhaqaale oo intee leeg ayay ku yelatay Somaliland isbadallada siyasadeed ee ka dhaca waddamada jaarka (WQ: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Isbadalada siyaasaded ee guud ahaan ka dhaca wadamada aan leenahay xidhiidho ganacsi gaar ahaan kuwa jaarka aynu nahay waxay samayn baladhan ku yeshan meelo badan oo ka mida dhaqalaha dalka gaar ahaan,xidhiidhadii ganacsi ee inaga dhexeyey taas oo sababta awooda wax iibsi purchasing power ee bulsho waa mid ka mida isbadalada dhaqaale taas oo ay ku timaado habab dhawra oo kala duwan, kuwa ugu caansana waxaa ka mida.

1 baahida addega iyo alaabta oo ka badata wixii la soo saray (Demand greater than Supply)

(A) Alaabta inooga timada dabada (Import Goods)

Sida uu qeexayo nidaamka dhaqaalaha ee loo yaqaano (Macro economics) gaar ahaan qaybta loo yaqaan dalabka oo ka bata wax soo saarka alaabta iyo adeega (Demand greater than supply) waxay si cilmiyaysan u sharaxysaa saamaynta ay ku yelato dhaqaalaha iyo awooda wax iibsi ee bulsho taas oo ay sababtay yaaraanshaha ku yimi alaabtii iyo adeegi loo bahnaa.

hadaba dalkeena Somaliland waxaa inbadan soo noq noqday saamaynta ay inagu yeshaan isbadalada siyaasadeed ee ka dhaca wadamada jaarka sida Yemen iyo Ethiopia oo aan leenahay xidhiidho ganacsi oo balaadhan lagana dareemay hada suuqyada hargaysa kor u kac ku yimi qiimayashii alaabta sababto ah yaraansho ku timi alaabtii inooga iman jirty sida: khudaarta, Qaadka , Caanaha iyo sibidhka

2 Hoos u dhac ku yimada waxsosarka wadanka (Decreasing Local Production)

Dalkeena Somaliland malaha waxsoosar baladhan oo lagaga maarmi karo baahida dadkeenu u qabaan inay wax la soo dagaan taas  ku muujinaysa in 90 boqolkiiba aan wax ka soo dhoofsano wadamada dabada, hadba si aan kor ugu qaadno wax soo sarka dalkeena waa inaan qadanaa siyaasada lagu tayaynayo dhamaan qaybaha dalkeena ee leh wax soo saar baladhan, lana joojiyaa dhamaan alaabta inooga iman jirtay dabada ee qiimayasha sare la soo siisan jiray ,kadibna ganacsatadu ay bulshada kaga iibiyaan qiimoyaal aanay qaybo badan oo danyarta dadkeenu aanay awoodi Karin, iyadoo ku qasabta inay dhimaan awododii wax iibsi

3 dalka oo aan lahayn nidaam ganacsi oo wax dhoofid una dhigma (Trade Balance)

Sida ku cad nidaamka ganacsi ee dhexmara wadamada leh xidhiidh ganacsi (International Trade) dalku hadaanu lahayn nidaam ganacisi oo lagu dhoofinayo wax soosarka dalka una dhigma ka waxla soo dagida, taasi waxay saamayn balaadhan ku yelataa wax soo sarka dalka oo hoos u dhaca, siyaasadihii ganacsi oo mesha ka baxda, qiimaha lacagta dalka oo hoos u dhacda, qiimayaasha lacagaha qalaad ee wax lagu soo iibsada oo kor u kaca, sicir barar soo noq noqda iyadoo ay ugu wacan tahay isbad badalka qiimayasha lagu soo iibsado alaabta ama adeega iyo yaraansho ku yimadaa alaabtii ama adeegi taasina keento kor u kac ku yimada qiimahodii, ugu dambayntiina wadanka uu yatyahay wax dhoofidiisu ayna badan tahay wax la soo dagitaankiisu wuxuu ku jiraa nidaamka hoos u dhac ganacsi oo loo yaqaano (Trade Dificit)

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

mukhtarian.net@gmail.com

00252-634241542