Saamaynta caafimaad ee caanuhu ku leeyihiin xanuunnada macaanka iyo dhiigkarka (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Kanada ayaa sheegaysa in cabbista caanaha ama cunista cuntooyinka laga soo dheegto, gaar ahaan caanaha duxda badan leh ay hoos u dhigto khatarta ah in qofka ay ku dhacaan dhiigkar ama xanuunka macaanku.

 

Daraasaddan oo natiijadeeda lagu faafiyey shabakadda Medical News Today ayaa tijaabo lagu sameeyey dad tiradoodu ku dhowdahay 150 kun oo ka soo jeeda 21 dal oo Aasiya, Woqooyiga Ameerika, Koonfurta Ameerika, Afrika iyo Yurub isugu jira, da’dooduna u dhexeyso 35 sano jir illaa 70 jir.

 

Natiijada daraasaddan ayaa daahfurtay in caanuhu ay faa’iidadan caafimaad leeyihiin marka uu qofku maalin kasta isticmaalo celcelis ahaan isticmaalo 179 giraam oo caano ama cuntooyin laga soo dheegtay ah, taas oo u dhiganta qiyaas in yar ka yar koob caano ama caano fadhi (Sabaadi) ah.

 

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in maalintii laba jeer oo la cabbo ama la cuno caano iyo cuntooyinka laga soo dheegtaa ay hoos u dhigto dhiigkarka isla markaana ay boqolkiiba 24 ay hoos u dhigto khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xaaladaha caafimaad darro ee dhinaca dheefsiga cuntada.

 

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in arrintani ay u baahantahay baadhitaanno dheeraad ah, haddii ay natiijada u dambaysaa noqoto in caanuhu ay faa’iidooyinkan leeyihiinn ay soo bixi doonto muhiimadda ay u leeyihiin ka qaybqaadashada ka hortagga xanuunnadan. Waxa aanay noqon doontaa in isticmaalka badan ee caanaha loo adeegsado xakamaynta iyo ka hortagga dhiigkarka, taas oo ay aaminsan yihiin in ay ka qiimo jabantahay dawooyinka iyo hababk kale ee hadda la adeegsado.

 

Kamaal Marjaan