Saamaynta Covid 19 ee Kastamyadda Saylac iyo Cigaal Airport (WQ: Bashiir Maxamed Bashiir)

Ku talagalka miisaaniyadda ‘budget estimation’ Somaliland ee 2020-ka waxa isdhin maaliyadeed oo xoogle “intensive fiscal deficit” iyo hoos u dhac weyn “magnific deceleration” oo la taaban karro ku keenaya xanuunka safmareenka Korona Fayras COVID19. Sanadkii 2019, 10-kii bilood ee hore dakhliga u soo xorooday dowladda Somaliland waxa uu dhanaa $174 Million oo macnaheedu tahay in bil wal dakhliga soo galayay uu ahaa $17.4 Million. Halka yoolka Sanadkan odoroska dakhligu bil walba yahay $26 Million in uu soo xoroodo. Dakhliga miisaaniyadu waxa uu ka Kooban yahay cashuuraha, khidmadaha iyo kaalmooyinka deeqaha.

Miisaaniyadda SL ee 2020 waa $323 Million (budgeted estimate- rate of exchange market), halka miisaaniyadii 2019-ku ay ahayd $274 Million (Base line-actual) farqiqa korodhku waa $49 Million (underestimate). Odoroskan miisaaniyada waxa ku imanayaa hoos u dhac iyo isdhin ilaa 17% ah sababtoo ah waxa xidhan xuduudihii bariga, sidoo kale waxa xayin isku socodkii duulimaadyadii diyaaradaha ee lafdhabarta u ahaa dakhliga kastamyadda.

Inta badan dakhligu waxa uu ka imanayaa gudaha (domestic revenue) oo kala ah; kastamyadda 68%, cashuuraha bariga 22.2% iyo halka 9.8% uu ka imanayo ilo kale. Somaliland waxa ay leedahay 15 kastam, afarta kastam ee ugu waaweyn ee 96% dakhligu ka soo xaroodaan waa kastamyadda; Berbera $125Million, Kastamka Kalabaydh $32Million, kastamka Saylac $14 Million iyo Kastamka Garoonka Diyaaradaha Cigaal Airport $9 Million.

Kastamka Cigaal Airport

Madaarka Cigaal odoroska maaliyadeed ee 2020 waxa uu ilaha dakhli dhaqaale ka kala helayaa: landing fee $570,134, handling commission $86,043, air navigation fee $434,540, embaracation fee $96,231, permission year fee $309,587, permission day fee? , immigration fee (Foreign Passport $608,897, SL Passport $7,692, Arrival and departure fee foreigners $3,321,636, tickets fly charge 10%, security services charge $3,692,000 Million, Aviation $110,7600, parking ? cargo iyo meel kale. Khidmooyinka waxa ku imanaya isbedel iyo isdhin maaliyadeed, sababtuna waa xayiraadaha duulimaadyadii lagu rogay dunida iyo mandaqadda Geeska Africa.

Garoonka diyaaradaha Cigaal waxa isticmaala oo ka hawlgala toddob diyaaradood iyaga oo duulimaadyo kala gedisan ku yimaada garoonka si maalinle ah iyo si toddobaadle ahba. Diyaaradaha isticmaaala waa Air Djibouti, Fly Dubai, Ethiopia Airline, Air Arabic, African Airways, Daallo Airline iyo Jubba Airways.

Kastamka Saylac

Kastamka Saylac waxa uu ilo dakhli (Income source) ka helaa badeecaddaha cashuuraha $8 Million, khidmooyinka kastamka, iyo isku socodka dadka $ 3,484,756 Million. Kastamka Saylac waxa lagu cashuuraa badeecadaha dekedaha Jabuuti ka soo dega ee soo galaya Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida. Maalin kasta waxa ka gudba xadka ama soo gala in ka badan 350 oo qof. Qof kasta oo soogalaya (arrival) ama baxaya (departure)waxa laga qaadaa cashuur (tax). Hadii uu haysto kaadh waxa laga qaadaa $16, hadii uusan haysana waxa laga qaadaa $31 qofkiiba. Kastamka dadka iskaga kala gudba xududka Djibouti iyo Awdal waxa lagu qiyaasaa in 74%, aanay haysan kaadhka Somaliland, halka 24% ay haystaan khaadhka. Tani waxa ay ka dhigan tahay in dadka sida Maalinlaha ah iskaga kala goosha xuduuda laga helo dakhli cashuureed dhan 259*31*31*12= $2,986,788 million sanadkii waa dakhliga ka soo xarooda dadka aan kaadhka haysan ee xuduudka iskaga kala gudbaya. halka kuwa haysa kaadhka ay ka noqonayaan dadka 84*16*31*12=$499,968.

 

WQ: Bashir Maxamed Bashir