Shalay waxa meelo badan laga xusay 75 guurada ka soo wareegtay dhamaadkii dagaal waynihii 2aad ee Yurub. Boqoradda Ilisabet da Labaad ee UK, ayaa shalay ka hadashay isla kobtii uu shalay oo kale 75 sanadood hortood aabaheed King George kaga dhawaaqay dhamaadka dagaalka. Wadamada Yurub iyo Ruushku laba maalmood oo kala ah 8 May iyo 9 May ayay u kala aqoonsanyihiin in ay yihiin maalinta rasmiga ah ee ku calaamadsan dhamaadkii dagaalka, taas oo ka dhalatay is dhiibitaankii bilaa shuruudda ahaa ee ciidamadii Jarmalka wixii ka hadhsanaa. Ruushka oo waagaas hogaaminaayay Midowgii Soofiyeedka, iyo Reer-galbeedka oo Maraykan hormuud u ahaa in kasta oo ay waagaas xulafo ahaayeen, hadana waa ku kala duwanaayeen cidda ku dhawaaqaysa iyo goorta lagu dhawaaqaayo dhamadka dagaalka. Sidaas darteed, laba munaasabadood oo heshiiskaas is dhiibitaanka lagu kala saxeexday ayaa ay labadan dhinac kala sameeyeen labadan maalmood 75 sanno hortood.
Maalintan oo buugaagta taariikhda oo dhan ku gashay VE-Day (Victory in Europe), waxa sidaas loogu bixiyay sababta oo ah dabshidka dagaalku wali waxa uu ka sii socday Bariga dunida, gaar ahaan Japan iyo waddamadii ay haysatay. Maalintani waxa ay Yurubiyaanka oo dhan wadnahooda kaga taalaa meel wayn. Lix sanadood oo is gumaad ah ayaa la soo afjaray, 50 milyan oo nafood oo dagaalkaas ku haligmay na waa la nabadgalyeeyay. Qaaradda Yurub oo aan abidkeed nabad joogto ah arkin waxa ka hano qaaday deganaansho, badhaadhe iyo is kaashi aan hore loo arkin, waana sababta loo sameeyay Midowga Yurub si aan mar kale la isu dilin.
Maalintan oo kale 75 sanno ka hor, dadku waxa ay isugu soo baxeen waddooyinka UK, gaar ahaan London iyo magaalooyinka waawayn, dadkii maalintaas dabaal degga ka qayb galay intooda ka nool ayaana la waraystaa. Askartii lugta, badmaaxyadii iyo duliyayaashii diyaaradaha intooda wali nool ayaa niyadda loo disaa oo la salaamaa. Xuskii shalay la qabtay, oo Covid-19 dartii aanay wax xaflado iyo kulamo dadwayne ahi ku jirin, waxa si wayn u baahiyay BBC da iyo saxaafadda kale ba, diyaradaha dagaalku na hawada ayay is cayntaariyeen.
Wariye Andrew Peach oo BBC da ka tirsan ayaa qabtay barnaamij la dhaho Phone-in oo dadka lagu waraysanaayay, waxaana ka soo hadashay islaan 83 jir ah oo lagu magacaabo Irine. Waxa ay sheegtay in ay iyada oo 18 jir ah ka qayb gashay damaashaadkii VE-Day ee 1945; isla maalintaas na ay is barteen jacaylkii nolosheeda, maalintani na micno gooni ah ay u leedahay. Irine waxa ay tidhi โ subaxdaas aniga oo khabaar-moog ah ayaa u baxay si aan waraaq boosta ugu soo rido, habaryartay na waxa aan ku idhi dhakhso ayaa u soo laaban doonaa, laakiin sidaasi ma dhicin. Dadkii isu soo baxay ayaa aan jidadka magaalada Bristol ku arkay, baasha ayaanan ka raacay, ilaa tobankii habeenimo ayaanan jidadka damaashaad ka wadnay ayaa ay tidhi. Wariyihii barnaamijka waday ayaa ku yidhi โ oo sidee markaa labadiina idiinku suurowday in aad damashaadyadii ka dib is heshaan oo sii waddaan cilaaqaadkaas cusub? Waxa ay tidhi โ habeenkii markii la kala hooyanaayay, meeshii aan baska kaga degay uun baan ku balanay oo isku nidhi meelahan uun aan iska eegano. Waagas mobile ma jirin, dadka manta jooga na yaab ayay ku tahay sida xiligaas ay laba qof oo meel ku kulantay hadana isu heli jireen.
Al-muhim, taariikhda dagaalkaasi waa mid yaab iyo wacdaro gooni ah leh, mana aha mid warkeeda laga xiiso goyn karo. Waa dagaal aan mid la nooc ah hortii iyo dabadii toona la arkin, saamayn wayn na ku yeeshay dunida oo dhan. Dabcan saamaynta dagaalkaas waxa ugu wayn, oo inaka na si toos ah inoo khusaysaa, in uu dagaalkaasi sababay xornimadii umadihii la gumaysan jiray ee aynu ka mid ahayn. Natiijooyin badan oo lama filaan ah, oo dagaalkaas ka dhashay ayay xornimada Afrika ka mid ahayd. September 1939 kolkii ay qaraxday xabaddii u horaysay ee dagaalkaasi, waddanka UK waxa uu xukumay saddex meelood meel caalamka ka mid ah, waxa uu se Maraykan kula heshiiyay, si uu Hitlar uga dhiciyo, in uu dhulkaas oo dhan ka soo baxo oo jasiiraddiisa ku soo ururo. Laba daran mid dooro ayay UK ku ahayd amuurtaasi, waxa ayna doorteen in Maraykan dagaalka la galo oo dhexdhexaadnimada joojiyo. Ka dib afar maalmood oo wadahadal uga socday Markab dagaal oo Maraykan dushiisa meel ka mid ahayd xeebaha Canada, Franklin Roosevelt iyo Winston Churchill sidaas ayay ku saxeexeen heshiiskii Atlantic Charter. Danta USA ay taas ka lahayd waxa u mudnayd in la joojiyo sharka Hitlar oo aanay UK ku filnayn, iyo in la soo yareeyo quwaddii dhaqaale/milatari ee Boqortooyada Ingiriis, si wadada loogu xaadho hormoodnimada Maraykan.
Isku soo wada duub, dhamaadka dagaalkaasi dad badan oo badan ayay micno wayn u leedahay, oo ay ka mid tahay islaantaas Irine iyo Afrikada xorowday oo aan cidina waagaas filaynin. Waxa se ugu nasiib darnaa wiilashii dagaalka galay, gaar ahaan kuwii ku dhintay xabadihii u dambeeyay ee la isku ridaayay saacadihii ugu dambeeyay ee dagaalkaas lix jirka ahaa. Dagaal waa dagaal uun, dhimasho na waa dhimasho uun. Wiilashaas waxa la mid ahaa, oo iyakuna nasiib darnaa, wiilashii badnaa ee ku dintay dagaaladii bilaabmay ka dib dhamaadkii dagaaladii toban jirka ahaa ee u dhexeeyay SNM iyo Dawladdii Soomaalida 1981 ilaa 1991. Si kasta oo dagaaladaas tobanka sanadood soconaayay loogu murmo saxnimadooda ama qaladkooda, waxa aan cidina ku muransanayn hogseegnimada iska horkeenkii wiilashii ka soo doogay dagaaladaas hore, kuwaas oo ku dintay dagaal-beeleedyo ay abaabuleen Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo Ibraahin-dhegawayne. Waxa ay ka hor jeedeen, oo sababta loo dhimanaayay ay ahayd, iyaka oo diidanaa Cabdiraxmaan-tuur iyo Xassan Ciise, oo ay sugi waayeen in ay dhamaystaan maamul laba sanadood cimrigiisu ahaa oo Burco loogu dhiibay 1991.
Qalinka: M. Haaruun