Saaxiibkey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka (W.Q: Yuusuf Garaad Cumar)

Alle ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war isla qorsheynay, isla qornay oo isla qaabeynay.  Aad ayey ii dhibeysaa in aan maanta qalinka u qaado in aan wax ka qoro Cawke aniga oo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa.

Xaqiiqadu  waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn karo. In uu ahaa nin qoys unkay oo barbaariyay, nin saaxiibbo badan kasbaday, nin dad badani ay aqoon guud ka korodhsadeen nus qarnigii uu saxaafadda ka shaqeynayey inta badanna uu kaalin hormuud ah uga jiray. Markaa waxaan u arkaa nin xusuusta laga qabi karaa ay tahay mid isugu jirta, wanaag, farxad, ku dayasho xagga horumarka shakhsigu ka gaadhi karo shaqadiisa iyo in Ilaahey looga mahadnaqo in uu Soomaali ka dhaliyey.

Axmed waxaan isku barannay goob shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa ay cirkaa mareyaan. Waxaan berigaa jeclaa in aan baadhitaan ka dib diyaariyo qormooyin ku saabsan dhacdooyika markaa taagan ee xidhiidhka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa sida aan Raadiyaha ku soo galay.

Maalin ay ii diyaarsanayd qormo wanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha laakiin uu codku iga xidhnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo. Waxaan aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii. Intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa markaana waxa aan sheegayo la fahmayey laakiin aan cidina magceyga aqoon.

Telefishinka Qaranka markii la furay, in yar ka dib ayuu ku biiray oo barnaamijyo ku yeeshay. Wuxuu ka mid noqday weriyayaasha tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo Telefishinka sida Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Shukri Maxamuud Afrax iyo Sacdiya Cabdullaahi Salaad oo markii dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan iyo Sakariye oo isagu hadda barnaamij Telefishin ka sii daaya.

Berigii dambe waxa uu noqday Af-hayeenka Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay. Waa marka koowaade hoggaamiyihii dalka ka talinayey muddada dheer, khibradda badnaa, aadna loo eedeyn jiray run iyo beenba, ayuu la shaqeeyey, la noqday wehel, fursadna u helay in uu u kuurgalo qofka uu yahay. Waxa uu ka bartay sida loola kulmo Boqorrada Carbeed iyo Madaxda Afrikaanka iyo sida qasriyada iyo Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan duwan yihiin.

Waxaa kale oo ay isbartiin Madaxdii iyo intii kale ee ka agdhoweyd. Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray sheekooyin uu ka maqlay Xuseen Kulmiye Afrax.

Wuxuu ka bartay koofiyadcastii ay baabuurta siiblaha ah ku wada safri jireen, sida daqiiqadaha ugu yar raashin kulul loogu cuno. Khibraddaas oo markii dambe uu uga faa’iideystay Bush House in isaga oo wakhtigu ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo shaqadiisana gudan karo.

Markii ay qabtu dhacday oo uu u qaxay Kiiniya ka dibna Ugaandha, waxaan ku xidhiidhi jirnay telefoonka. Waxaan markale isugu nimid Londhon oo aan ka wada shaqeynay BBC-da. Waxaan safar shaqo ku wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah.

Raadiye iyo Telefishin

Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn fara badan oo biyo kama dhibcaan ah, diyaar garow maskax ku saleysan, xowli howsha lagu qabto, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo inta ilbidhiqsi ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo xilli isku sargo’an. Waxa kale oo muhiim ah tebidda wixii hadhsan iyo odoroska wax kasta oo dhici kara oo aan qorshaha hadda ku jirin sida haddii ay dhacdo in waxa lagu talo galay ay waxba ka qabsoomi waayaan iyo waxa gudboon, suurta galna noqon kara in laga yeelo.

Sidaa darteed shaqada Raadiye iyo Telefishin waa howl-wadareed oo qof keliyihi ma qaban karo. Weriye kastaa wuxuu kaalin ku leeyahay dheriga la wada karinayo oo ah barnaamijka la soo saarayo – war, waxbarasho iyo mid bulsho midka uu ahaadaba.

Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr maalmood ama ka badan ay koox dhammi ka soo shaqeyneysay waxa dili kara ama nooleyn kara waa tebiyaha oo ah qofka farriinta qaadaya ee dhegeystaha iyo daawadaha ugu gelaya gurigiisa, xafiiskiisa, makhaayadda, ama la raacaya baaburka si uu farriinta ugu gudbiyo.

Haddii aad koox kubbadda cagta ka soo qaado, tababbar kasta oo la siiyo iyo quwad kasta oo ay kooxdu leedahay waxay isugu biyo shubaneysaa gool-dhaliyaha oo ay tahay in uu ka tarjumo. Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa gool-dhaliyaha.

Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu wanaagsanaa oo Ilaah hibada u siiyay oo cid ku gaadhta aanan anigu ilaa hadda arag, waa kaalinta tebinta. Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar u ahaado marba kooxda ay barnaamij wada diyaarinayaan.

Dhanka kale, maaddaama ay Saxaafadda inteeda badani ay tahay howlwadareed, waxay u baahan tahay dulqaad, dad afgarad, furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan.

Axmed intaas iyo in ka badanba wuu lahaa. Waxa u dheereyd in uu ahaa nin maad badan oo iyada oo shaqo adag lagu jiro haddana dadka ka qoslin kara oo illowsiin kara daalka iyo werwerka.

Hibo Alle

Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa shakhsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo warfaafinta. Wuxuuna ahaa nin Ilaahey heybad u siiyey waxa loo yaqaan mikrofoonka. Hadduu yahay mid Raadiye, mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo.

Hibadaasi waxay isugu jirtay waa marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel ku lahayn waxa loo yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax. Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Alle garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo ama ugu yaraan inta uu hadlayo ayuu maskaxda ka qabsan jiray.

Wuxuu lahaa cod u gaar ah, oo ku wanaagsan dhegeysiga, isaguna si wanaagsan ugu tababartay hadba sida loo rog rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la boobsiiyo iyo in si tartiib ah loo yidhaahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo. Aamus marka loo baahan yahay si ay dadku u fahmaan, ugana yara fekeraan waxa aad u sheegtay iyo inta ilbidhiqsi ee uu noqonayo aamuskaasi. Codkaas ma ahan keliya in inta Af-Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku taxani ay qiran yihiin. Waxaa qiray dad aan Af-Soomaaliba ku hadal. Waa farsamayaqaanna gabdhaha iyo wiilasha leh ee Ingiriis iyo dhalashooyin kale isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha BBC-da.

Taas ayaa keentay in uu Axmed ka duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac uun ku kooban ama u badan. Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa cayaaraha, waxbarashada iyo dunida madaddaalada.

Hibada kale ee Ilaaheey Axmed siiyay oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo baadhitaanka, waa in uu ahaa nin aqoon fiican u leh afka, dhaqanka iyo degaannada Soomaalidda. Wuxuu aad u xiiseyn jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida lagaga hadlo.

Dabeecad-wanaag

Xagga shakhsiyadda, Axmed wuxuu ahaa nin aan calool-ku-qaad iyo uurxumo aqoon. Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan jiray nin durba ka soo noqda cadhadda. Marka ay dhacdo in uu soo laaban waayana, waxaad hubtay in marka aad adigu ka dalabto is afgarad in aad ugu tegeyso isfaham iyo heshiis dhab ah.

Wuxuu ahaa nin dhug leh oo asaga oo aan muujin lagana dareemin, haddana si aad ah ula socda dadka hareerihiisa ah ee ay wada shaqeynayaan sida ay iyagu isula macaamilyaan. Midka howsha hagranaya, kan cinaadka wada, midka xanta hoose gudbinaya, midka qof hadal u dusinaya, midka aan la isku hallayn karin, kan caga jiidaya, midka isbeen farriimaya iyo kuwa la midka ah (ikm).

Sidoo kale wuxuu la socday midka kaalintiisa gacan ku siiya, kan dadaalka badan, kan khatar ka diga amaba ka xalliya, midka khalad ka saxa, midka si hagar la’aan ah howsha ula fuliya ikm.

Xagga howl karnimada, sannadihii aan Londhon ka wada shaqeynay, Axmed waxa ka muuqday firfircooni aad u badan iyo ku kalsoonaan shaqadiisa.

Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo si wanaagsan u lebbista, ilaaliya muuqaalka timihiisa iyo garka iyo shaaribka uu caanka ku ahaa.

Axmed wixii aan isla soo marnay, waxa aan kala korodhsanay, hawlaha aan isla qabanay, inta aan isla safarnay, inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo joognay, ma ahan kuwo aan qormo iyo laba ku soo koobi karo.

Axmed wuxuu ahaa nin salaadda ku fiican. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariista Janno in uu siiyo. Qof kasta oo codkiisu gaadhayna waxaan ka codsanayaa in haddii ay wax ka tabanayaan ay cafiyaan, una duceeyaan.

Muqdisho

Dad badan ayaa shalay iyo xaly iiga tacsiyadeeyay geerida Axmed Xasan Cawke iyaga oo ka fekeraya in aan wada shaqeyn jirnay saaxiibna aan ahayn. Nin ka tirsan madaxda Sportigu wuxuu xalay ii sheegay in iyaga oo dhowr ah ay isu yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen. Cayaaraha Gobollada ayuu noo raaci jiray ayuu yidhi.

Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tegey, waxay Xildhibaanna ag fadhiyay u sheegeen Wasiirka in uu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.

Waxaase i damqay markii meel Isbaaro taallo oo mugdi ah uu soo istaagay baabuur aan la socday. Askarigii noo yimid ayaa wadaha ku amray in uu nalka gudaha shido. Askarigii markii uu i aqoonsaday ayuu baabuur la soo wareegay oo dhankeyga yimid. Intuu i salaamay ayuu yidhi Cawke Alle ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan.

Waxa qorey Yuusufu Garaad Cumar