Sababaha keenay sicir-bararka, Q.2aad (WQ: Drs. Hoodo Yusuf)

Sicir-bararka waxa huriya xaddiga lacagta โ€œMoney-supplyโ€ suuqa la geliyo. Marka lacagta suuqa ku jirta badato, waxa kor u kaca sicirka doolarka. Hadaba, Madaxtooyadu waxay si xad-dhaaf ah u soo daabacday lacagta loo yaqaano โ€œ Filipino /Indhayarโ€.

Cilmiga dhaqaalahu wuxuu dhigayaa, Lacagta xumi waxay eryata oo suuqa ka saarta lacagta wanaagsan โ€œ Bad money chases good money โ€œ. Madaxwayne Siilaanyo, wuu garanyaa , laakinse wuu isyeel-yeelayaa.Hadaba, lacagta Filipino waxay kor u kicisay qiimahii doolarka , nolosheena way qaali garaysay. Waxa lacagtaas loo isticmaala Doolar urursiโ€ Hoarding of US Dollarsโ€ iyo iibsiga guryaha waawayn ee Dubai , Nairobi, UK ,Berbera iyo Hargeisa. Waxa kale oo loo isticmaala Waji-ku macaashka, Madax-dhaqameedka ,Motion-quutayaasha iyo Xerta ku xeeran Qasriga Madaxtooyada.

Sida distoorkeenu qeexaayo, xakamaynta & maaraynta shillinka Somaliland waxa ka masโ€™uul ah โ€œBankiga Dhexeโ€, laakinse waxa iminka hawshaas gacanta ku haya โ€œ Madaxtooyada โ€œ, sicir-bararkuna wuu si kordhaya inta ay Madaxtooyadu amrayso in la soo daabaco lacagta indhayarta โ€œFilipinoโ€ . Madaxwayne Siilaanyo wuu ogyahay halka sarto ka qudhuntay, mana haboona inuu Mudane Saylci ku lugooyo shaqo aanu cilmi & aqoon u lahayn.

Gunaanad: Si loo xakameeyo Sicir-bararka, Madaxweyne Siilaanyo ha joojiyo daabacaada lacagta Filipino iyo Doolar urursiga.

La soco qormada danbe.

Drs. Hoodo Yusuf, London.

yhoodo@yahoo.com

“Aragtiyaha lagu lagu daabaco Bandhige waxay gaar u yihiin loona nisbeeyaa qoraaga maqaalka”