Sababaha keenay sicir-bararka, Q.4aad (WQ: Drs. Hoodo Yusuf)

Dollarized economy  waxa  lagu tilmaama  dalka iyo dadka naca lacagta qaranka “National currency “, ee kalsoonida kala noqda. Waxay ku bedeshaan  “Doolarka “  kana dhigtaan  “ Legal tender”. Waa marka shacabku wax walba ku iibsado doolar “curency substitution “,  xukuumadduna cashuurta ku qaadato doolar, mushaharkana ku bixiso doolar “ Real sector dollarization “ Waa marka dadku hantidooda gaar-ahaaneed ku kaydsadaan  “doolar “ Private sector dollarization”.  Sida ku qeexan daraasad ay soo saarty IMF, dalalka Africa ee  dhaqaalahoodu  ku sar-go’an yahay doolarka  waxa ka mid Somaliland 93%, Congo 91%, Uganda 52%, Tanzania 47%, Angola 44%, South Sudan 26%.

Halkaas  waxa ka muuqata in ay  Somaliland gebi ahaanba ka aamin baxday  lacagta qaranka ee shilinka. Waddamada  100% dolarized-ka ah waxa ka mida Ecuador, Panama iyo Salavador oo dhaqaalahoodu ku xidhan yahay Maraykanka. Dhibaatooyinka dhaqaale ee soo waajaha waddamada ku dhaqma “Dollarised Economy“ waxa ka mid ah :

  1. Bankiga Dhexe oo aan xakamayn karin xadiga lacagta “Money supply “
  2. Bankiga Dhexe oo aan awood sharci u lahayn  dabacaada doolarka “Printing of US  Dollars”
  3. Bankiga Dhexe oo aan awood u lahayn fadhiisinta sarifka lacagta qalaad “ Foreign exchange stability’
  4. Doolarka oo yaraada iyo qiimaheesa oo kor u kaca.
  5. Lacagta qaranka “National currency “ oo  qiimaheedo hoos u dhacdo.
  6. Sicir-barar xad-dhaaf ah iyo maciishada oo qaali-noqota  “high inflationary pressure”

Doolarku wuxuu Somaliland  kasoo  galaa  dhoofinta xoolaha iyo qurba-joogta , waxaana 70%  urursada  ganacsatada waawayn  sida Dahabshil,  Telesom, Indho-deero Group, Oomaar Group, Af-diinle 571 iyo qaar kale. Waxa kale oo doolarka urursada Qasriga Madaxtooyadda, xubnaha xukuumadda iyo xaaraan-quutayaasha ku xeeran. Waxa  dulman danyarta, saboolka, reer miyiga , beeralayda iyo wadhatada .

Gunaanad:  Madaxwayne-ku-Xigeenka  Saylici uma bilowna cilmiga dhaqaalaha iyo  sicir-bararku.  Madaxweyne Siilaanyo waxa la gudboon:

  1. Inuu aamino Somaliland Shilin, cashuurta ku qaado, mushaharka ku bixiyo, ku kaydiyo dhigaalka dawladda ”Gov’t Deposits”, joojiyo daabacaada isdaba-jooga ah ee Somaliland shilin, loona yaqaano “Filipino/Indhoyar”
  2. In Bankiga Dhexe ku waajibiyo ganacsatada iyo sariflayda in ay ugu yaraan 50%   kaydkooda lacageed  “Monetary deposits “  u rogtaan  Somaliland shilin.
  3. In  la xadido lacagta  lagu xawilo ZAAD iyo E-DAHAB  oo aanay ka badan $ 50 doolar qof kasta maalintii.
  4. In la joojiyo boobka hantida qaranka ee doolarka lagu urursanayo.

Ugu danbayn, waxa la gudboon danyarta iyo saboolka  in aanay cod-danbe siinin Xisbiga Kulmiye ee holaday Xukuumadda Murdiso.

La soco qormada “Shanaad”

Drs. Hoodo Yusuf, London.

yhoodo@yahoo.com