Sababaha keenay sicir-bararka, Q.5aad (WQ: Drs. Hoodo Yusuf)

Cashuurta Dadbani  “ indirect Tax “ waa cashuurta la saaro alaabta ee laga soo dejiyo dekedaha  sida bariiska, timirta, dharka, saliida  iwm.  Marka la kordhiyo Cashuurta dadban , ganacsadahu sicir kuu kordhiyaa,  waxa dhaca sicir barar dhibtuna waxay gaadha saboolka. Xukuumadda Somaliland  waxay  si isdaba-jooga u kordhisaa  cashuuraha dadban. Waxa  ugu danbeeyay cashuurta  xad-dhawaan la dulsaaray kontainerada   oo kor-kacay 67%.  Waxaa sii kordhi doona , sicir-baraki  loo xilsaary Madaxweyne-xigeenka Saylici.

Xukumaddaha cilmiga  iyo caqligu hagaa,  waxay kordhiyaan  cashurta toosan “ Direct Tax”. Wa cashuurta toos looga qaado  dhakhliga qofka iyo  shariikadaha waaweyn   soo gala loona  yaqaan “ Personal and  Corporate Income Tax”. Markaa cashuurtaas la kordhiyo, waxay toos u damaqda  maal-qabeenada  iyo  shirkadaha  waawayn sida Dahabshiil,Telsom, Deero GroupOmar Group,  Maansoor HotelAmbassador Hotel, Imperial Hotel , etc.

Ganacasata waxay ku waajibiyaan in ay   sannadka dhammaadkiisa soo saaraan  xisaab xidh “Audited  Balance sheet and Income statement,  muujinyaa macaashka  dhabta ah  ee   soo galay, isla markaana  soo xeryaan cashuurta ku waajibtay. Hadday bixin waayaan, waxa  lala tiigsadaa Maxkamad. Tusaale ahaan,  dalalkani  waxay  ganacsatada  ka qaadaan   boqolayda macaashka “Net Profit “  : Maraykanka,  38% , Burundi 35%, Cameroon 39%,  Gabon 35%, Japan 38%, Saambiya 35% iyo Ingiriiska 20%.

Haddaba , Lama oga dakhliga soo gala shirkadaha  waawayn ee ka hawl gala Somaliland , qaabka ay  cashuurta  bixiyaan iyo   qadarka laga qaado.  Miyaa weli maqasheen Dahabshiil Somtel , Deero & Omaar Group oo  ka cabanaaya  cashuur toos ah oo lagu kordhiyey “Direct Corporate tax “,  Miyaa weli maqasheen mulkiilayaasha Maansoor Hotel,Ambassador Hotel ,  Crown Hotel, Star Hotel etc oo ka qaylinyaa ‘ Propert tax “ lagu kordhiyey.

GUNAANAD :  Madaxwayne-ku-xigeenka  Saylici uma bilowna cilmiga dhaqaalaha iyo sicir-bararku.  Madaxweyne Siilaanyo waxa la gudboon :

  1. In uu dhimo cashuurta dadban “ Indirect Tax”ee ganacsatada lagaga qaado “Dekeda Berbera, siiba quutal-daruuriga , sida bariiska, sonkorta, daqiiqda dharka, qalabka dhismaha  iwm.
  2. In la kordhiyo cashuurta tooska ah  “ Direct  Tax” ee laga qaado shirkadaha waawayn, laNA ogaado dakhliga dhabta ah ee soo gala, laganu waajibiyo  xisaab xidh sannadle ah  “Annual Audited Financial Statements “
  3. In la kordhiyo cashuurta laga qaado hantitda ma guuraanka ah ”property tax“  sida hudheelada  waawayn iyo fooq-yada dhadheer  ee laga dhistay hantida danyarta

Alla ha u naxariistee MARXUUM  Qaasim yidhi  ( 1964 )

Ma daadihin rashiid, maatadaan daad guree idhiyee,

Umaddii daryeel wali helin daacada ahaydee,

Sidii bay u dooyaysan tahay damashii weynaydee,

Sidii baa dudada aar dhiciyo dacaw u joogaayee,

Sidii bay degmadu ceelashii ugu dar leeftaayee,

Sidii ducaalow biyaha loo dawariyaayee,

Sidii bay daba-goobsi u tahay haradii doolloodee,

Oo ay waliba dibin daabyo iyo diriri joogtaayee,

Waxba hadalku yuu ila durkinee waxaan kusoo duubay,

mar uunbuu daf soo odhan nafsigii diinku soo jiidayee,

mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiyee,

Dibnihii shakaalnaa marbaa dooda loo furiyee,

Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonnaayee,

 

 

La soco qormada “LIXAAD ”

Drs. Hoodo Yusuf, London.

yhoodo@yahoo.com