Sababta Reer Bariga Soomaalilaan Hargeysa Ugu Soo Guurayaan (WQ: Maxamed Aadan Tarabi)

1993kii illaa 2000. Dadka reer Berbera, Burco, Ceerigaabo, Laascaanood, Oodweyne, Ceelafweyn, Caynaba Garadag, illaa Laasqoray Hargeysa inay yimaaddaan baahi badan oo lamida tan maanta umay qabin. Mid caafimaad, mid waxbarasho, iyo mid shaqo toonna Hargeysi wax badan kumay dhaammin Magaalooyinka kale.

Dadka caadiga ah ee deegaannadan ka soo jeedaa aad bay ugu yaraayeen Hargeysa qofka yimaaddaana wuxuu ahaa qof Addis Ababa u socda oo safaarad looga yeedhay iyo qof siyaasiya oo noloshiisu Hargeysa u badan tahay.
Reer bariga soo guuraya ee geeddiga ku jira toddoba dhibaato ayaa haysta.
1. Siyaasiga reer bariga ahi xil iyo xil la’aan lama noola dadkiisa. Taasi waxay keentay in dadkii caadiga ahaa ay waayaan hoggaan la dugsado oo ay arrimahooda la kaashadaan.
2. Salaadiintii oo iyaguna siyaasiyiinta ka daba yimi oo subixii u wada kallaha xafiisyada dawladda ee Hargeysa. Nin qadhaab hela, nin iskaba qada, hala qadhabsado.
3. Culimadii oo ganacsi iyo iibkii ku kaliyeystay, laakiin aan u tudhin dadkii deegaanka.
4. Dawladnimadii oo Hargeysa ku soo ururtay.
5. Ganacsatadii oo xarumahoodii, iyo nolashoodiiba Hargeysa u soo raray.
6. Qurbba jooggii oo diidey inay ku hakadaan tuulooyinkii iyo Magaalooyinkii ay ka soo jeedeen oo iyaguna Caasimadda aan dhinac u dhaafin.
7. Dadkii caadiga ahaa oo dadkan raadinaya ayaa Hargeysa isugu soo biya shubanaya.
Dal ahaan, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, iyo waddaniyad ahaanba dani inooguma jirto sidan. Xukuumadda waxa la gudboon inay ka fekerto sidii loo joojin lahaa Reer guuraagan cusub ee casriga ah.
W/Q: Maxamed Aadan Tarabb