Sababtii ay ku timid Kelmadda ‘ Daalaa Looge Kama Dhalan.’ W/Q: Cali Cabdi Coomay

Markab Ingiriisku lahaa oo la odhan jiray Mary Ann ayaa ay reer Berbera ku weerareen xeebta Berbera sannadkii 1825-kii. Markabku wuxuu siday alaabooyin ganacsi oo uu doonayey inuu Berbera u iibkeeno, hasayeeshee reer Berber oo aan xidhiidh ganacsi oo weyni ka dhaxaynin Ingiriiska ayaa faragelin u arkay oo cagta mariyey markabkii. Waxa ku dhintay laba ka mid ahaa shaqaalihii markabka. Laba sanno ka dib sannadkii 1827-kii ayuu Ingiriisku soo diray 240 askari oo saarnaa saddex doonyood si ay reer Berbera u bixiyaan mag-dhawgii wixii ay boobeen iyo dadkii ay laayeen.

Mid ka mid ah dooniyihii ay ciidamadu saarnaayeen ayaa rasaas nool ooda kaga qaaday dooniyihii xeebta taagna, si xeebta looga yaaco oo Berbera loo go’doomiyo. Habar Awashii degnayd Berbera markay arkeen awoodda ciidan ee la dul-dhigay, waxa ay qaylo-dhaan u dirteen wixii Habar Awal ahaa ee daganaa dhulka xeebaha ka fogaa. Ciidankii gurmadka ugu yimid waxa uu xoogiisu ka yimid Galbeedka Hargaysa iyo Oogada Hargaysa. Reer Looge (waa jilib ka tirsan Sacad muuse), ayaa keenay ciidanka badan, wixii fardo saarnaa way dhaqaaqeen, intii kalena way lugeeyeen.

Intii lugta maalaysay way ordayeen dhulka xeebta ah, iyaga oo isku dhiiragelinayey weedha caanka noqotay ee ahayd “ Daalaa Looge Kama Dhalan.” Maadaama oo ay dhul xeeb ah ordayeen in badan ayaa u dhintay Haraad iyo oon, ileyn maaha niman aqoon u leh dhulka xeebaha. Ciidankii soo gurmaday ayaa gaadhay deegaanka Adhi-caddayso oo Berbera ka xiga dhinaca galbeed, halkaasi waxa soo gaadhay 2,000 oo dagaalyahan oo isugu jira kuwa fardo saaran iyo kuwa lug ku yimid. Ka dib Berbera ayaa la isku shubay, ciidankii Ingiriiska iyo dagaalamayaashii Habar Awal ayuu dagaal qadhaadhi dhexmaray. markuu dagaalku muddo socday ayuu joogsaday oo la heshiiyey.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac: Axmed Aw Geeddi……Hortay Jire (2022)..bogagga..45-46.