Waxa jaar ahaa oo meel miyi ah is ag deganaa laba nin oo midna lo’badan leeyahay midna aanu xoolaba lahayn oo uu caydh yahay.
Ninka lo’ada badani wuxuu lahaa sac qurux badan oo geeso gaabaan oo uu aad u jeclaa ,
Haddaba Ninkii caydha ahaa baa busaaradsaday wuxuu jaad siistan wuu waayey, fikir dheer kadib wuxuu la hadlay nin ay saaxiib yihiin oo magalada joogay wuxuna ku dhahay saylada ii sii joogso oo neefka aan wadana anigaa leh dheh , sidii baanu ku soo xaday sacii geesahaa gaagaabnaa ee uu lahaa ninka jaarkiisu , si aan loo garana , wuxuu ku rakibay geeso kale oo dhaadheer oo uu ka soo goostay sac horoo bakhtiyey , waxaanu geeyey sayladii xoolaha lagu kala iibsanayey nin kalena iibi buu ku yidhii , dilaal baana hawshii la wareegay,
Ninkii saca lahaa wuu tebay saciisii, baadi doon badan galay, aakhirkiina wuxuu go’aansaday in uu saylidii xoolaha tago si uu uga dhex raadiyo saciisiii.
Isla maalintii uu salada yimidba wuxuu arkay saciisii sac aan laga garan oo la iibinayo laakiin ka geeso dhaadheer , wuu is hayn kari weeyey oo wuxuu yidhi alla alla!. intuu qayliyey ayuu yidhi:
“Waar sacu sacaygii u ekaa.”
Ninkii dilaalka ahaa ee saca iibinayey ayaa ku yidhi, ma sacbaa kaa maqan haa, ma kan baa, mayee wuu u eg yahay, ninkii kale ayaa yidhi malaha ninku waa nin waalan, waar saca noo iibi ninkani wuu dawakhsan yahaye, kii saca soo xaday oo maqaaxii aan ka fogayn shaah ka cabayey ayaa arkay ninkii uu saca ka soo xaday oo agtaagan nimankii,waanu iska qariyey.
Haddana intuu is hayn kari waayey ayuu soo booday waxaanu yidhi alla walaal sacu sacaygii u ekaa ma hooyaa wada dhashay, ninkii dilaalka baa isagoo yaabay yidhi, hallkuu ugu eegyahay sacani sacaagii, wuxuu ku jawabay meel walba, laakiin wuu ka geeso gaagaaban yahay oo keliya.
Si kasta ha ahaatee ninkii miskiinka ahaa ee reer miyiga haa waxaa qasab ku noqotay in uu sicii iibsado, sidii baana lagaga iibiyey siciisii isagoon garanayey, ninkii reerkiisii ku soo noqoy, siciina keen gurigiisii, mudo markii uu sacii joogay reerki, ayuu maalin maalmaha ka mid ah sici kurtin madaxa ku xoqday waxaaba ka dhacay geesihii been beenta ahaa ee lagu rakibay, markaasu intuu ninkii cadhooday yidhi tollaayoo tollaay, ileen nimanku sacaygii bay dib iiga iibiyeen. Waa duni aakhiru samaan ku tiraabay isagoo yaaban!!!!!!!
W/Q; Kamaal Xasan Isaaq
Email: kamalcadow@hotmail.com
Tell: OO25263-4402758
Hargeysa Somaliland.