Saddex Arrimood oo Sababay Guuldarrada Rayla Odhinga. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Wuu is-dhigtay oo ololihiisu wuxuu xoog badnaa labadii sanno ee ugu horreeyey. Labadii sanno ee ugu dambeeyey wax olole ah muu samayn. Dalal uu maskax ku qortahay inay la socdaan ayaa loo daba-maray.
= Waxa ka soo horjeestay dalalkii Af-Faransiiska ku hadlayey iyo kuwii Islaamka ahaa, oo wareegii saddexaad dhinaca Jabuuti ka soo jeestay. Taasina waxa ay keentay inuu wareegii afraad tartanka ka hadho.
= Wasiirka Arrimaha Jabuuti saddex luuqadood ayuu khudbadiisii ku jeediyey. Ingiriisi, Carabi iyo Faraniis. Odhingana Igiriisi keliya. Nasiib xumo ay isaga iyo Aabihii isku dhaleen, ayaa taarikhdiisa ku jirta.