Saddex Qodob Ayaa Keenay Qaska Jaamacadda Hargaysa ka Dhacay. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Casaabadda cusub ee maamulka Jaaacadda Hargaysa qabsatay oo beegsi ku bilaabay dad gaar ah. Waxa ay keeneen qorshe dhagaraysan oo Hormoodyadii Jaacamadda lagu beddelayo kuwa ay jeebka kala soo baxeen. Hormoodyada (Deans) ayaa ay ku shaabadeeyeen kuwa daalay oo muddo dheer shaqaynayey.
= Casaabaddu waxa ay shaqaale u qorteen dad ay wataan oo mushahar looga dhigaayo mushahar laga jaraayo kuwa shaqaynaya. Taasina waa beegsi ka dhan ah shaqaalaha waayo-araga ah ee shaqada fahmaya.
= Labadaa dhacdo ee sare markay dhaceen ayey shaqaalihi iyo Hormoodyadii meesha laga saarayey, waxa ay ku dhaqaaqeen inay fashiliyaan xog sir ahayd oo Kombuyuutarada ku keydsanayd, oo ahayd in Ardayda lacagta bisha ama Simistarka lagu kordhiyo. Shaqaalihii iyo Hormooyadii la beddelayey ayaa waraaqddii warbaahinta u dusiyey si ay uga aargoostaan Casaabadda maamulka haysata. Arrintu waa intaasi marka la soo koobo.