Saddex Rabshadood ayaa Soomaalilaan ka dhici doona bilaha soo socda. W / Q: Cali Cabdi Coomay

= Rabshado uu keeno ictiraafka Soomaalilaan ay heli doonto. Rabshadahaasi waxa abuuri doono cadowga Soomaalilaan ee lagaga soo adkaaday inay joojiyaan heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Soomaalilaan. Lacago farobadan oo loo qaybiyo dad buuq iyo jabhado ku fura la yidhaa ayaa iman doonta.
= Rabshado ay keento doorashadu ayaa dhici karta. Madaxweyne Biixi markuu keeno ictiraafka shaki kumo jiro inuu doorashada ku guulaysanayo. Xisbiga Waddani oo aamisan inuu doorkan kursiga helaayo ayaa odhan doona waa lagu shubtay, taasina rabshado ayaa keeni doontaa.
= Huwanta Laascaanood oo ay dhabarka soo taabteen madaxda Muqdisho ayaa dhici karta inay Sanaag rabshado ka furaan. Si adduunka ay u tusaan in Soomaalilaan ay sida Suudaan dhexdeeda dagaallo ka dhacayaan oo ictiraafku uga daray.