Safarkaygii U Horreeyey Ee Landhan iyo Qabtii 2 W/Q:(Axmed-kayse Cali Rooble)

Muddo yar kaddib waxaan gaadhay ciwaankii la ii soo diray ee maabku igu hagay. Waa dhisme weyn oo dhawr dabaq ah. Waxaan galay irridii, waxa i soo dhaweeyey ilaaladii goobta oo u muuqday dad aad u feejigan. Sidee kuu caawin karnaa ayey i waydiiyeen? Waxaan u sheegay in aan balan la leeyahay Jakob. Halkan yar fadhiiso ayey i dhaheen. Midkood ayaa tilifoon diray, kaddib wuxu i sheegay in Jakob uu fadhiyo dabaqa saddexaad oo aan halkaa ugu tago. Waxa la imariyey mishiinka hubinta, waxaana la iga reebay moobilkii.

Waxaan raacay wiishka, waxaan la kulmay Jakob oo igu sugaya afaafka wiishka. Soo dhowow ayuu i dhahay, sidee tahay. Waan dhawahay ayaan idhi, mahadsanid.

In aan iimayl iyo tilifoon ku wada xidhiidhno moyi´e, hore isumaanu arag Jakob. Wuxu i fadhiisiyey qolka shirarka oo ku dhegen xafiiskiisa, wuxu igu soo dhaweeyey kafee. In yar markii aan fadhiyey oo aniga iyo Jakob aan jawiga iyo xaaladaha cimilada iska waraysanayno ayey gabadh nagu sii biirtay. Wuxu ii sheegay in ay tahay madaxa qaybta shaqaalaysiinta ee hay´addan. Magaceedu waa Saara, salaam kaddib, waxay fadhiisatay kursi iga soo horjeeda.

Durbadiiba waxa madaxayga ku soo dhacay sababta madaxa shaqaalaysiintu ay kulanka aniga iyo Jakob uga soo qaybgashay. Maxaa-yeelay, arrimaha aan halkan u imi ee aan Jakob u balansanayn in aan ka wada hadalno wax xidhiidh ah lama laha wax-shaqaalaysiin.

Saara ayaa hadalkii bilawday, waxay sheegtay in ay heshay dhammaan waraaqahaygii iyo xogihii shaqsiga ahaa ee la iga soo gudbiyey, ayna ku qanacday in aan ahay qof ku habboon oo shaqada la bilaabi kara.

Jakob ayaa isna hadalka qaatay oo sheegay in shaqooyinka noocan ah ay yihiin kuwo cimiriga qofka la dhammaada oo ay tahay in aan qalbigayga iyo maankaygaba wada siiyo, maadaama oo heerkan aan hadda taaganahay uu yahay gabagabadii oo ay tahay in aan saxeexo uun, sidaana ku hawlgalo.

Waan yaabanahay, waxaan iswaydiinaya halka wax ka khaldan yihiin. Jakob ayaa hadalka qaatay, iina sheegay in uu hawshayda la wareegi doona xafiiska tababarada khaaska ah, wuxuuna dhankayga u soo riixay fayl uu ku xardhan yahay sumadda hay´addu, ayna ku jiraan macluumaad la xidhiidha tababarada la i siin doono.

Markii aan faylka isha qac ku siiyey ayaan mar qudha idhi, “malaha waxaan imi goob aan ahayn halkii aan u socday?!” Saara ayaa fiirisay Jakob, waxayna isla mar kali ah wada dhaheen “inta badan dadku marka ay shaqada nala bilaabayaan waxybaabaha noocan ah way dareemaan!” “Oo idinku maxaa ahaydeen?” Ayaan idhi, iyada oo aad mooddo in garaaca wadnahaygu uu kordhayo.

La soco qaybta saddexaad.