Safarkaygii Ugu Horreeyey Ee Landhan, Qaybtii 3aad …W/X:(Axmed-kayse Cali Rooble)

Dad tiro badan ayaa jooga xafladda. Waa dad aad u kala duwan oo ay wajiyadooda ka muuqato dirnaan, dhiiranaan iyo ilbaxnimo aad u heersarreysaa. Mar kali ah ayey sacab iyo sawaxan aad u dheer nagu soo dhaweeyeen markii aan irridda ka soo galnay aniga, Jakob iyo Saara.

Hadal kooban ayuu jeediyey Jeemis oo ah madax hawlgaladda gaarka ah ee hay´adda. Intaa kaddib, waxa la gudogalay cabitaanadii iyo dhinacyadii kale ee xafladda. Waxaan bilaabay in aan salaan iyo wada sheekaysi kooban la yeesho dadka tirada badan ee goobta jooga.

Qoraalada ku xardhan gidaarka goobtan aan ku xafladaysanayno waxa ka mid ah qoraal sidan u dhigan: “waxaad qayb ka tahay dhibaatada ama waxaad qayb ka tahay xalka ama waxaad tahay wax aaan jirin.”

Marka laga yimaado cabsida qofku dareemo mararka qaar, runtiina ah wax dabiica ah, haddana waxaan ahay qof faduuli ah oo jecel in uu wax ka ogaado dunida ka qarsoon, arrintana waxay ii noqotay fursad cusub oo aan dunida iga daahan aan ku dhexgali karo. Ha- yeeshee, wali niyadda u ma sii wada dayn oo waxaan ku jiraa tallan.

Ilaa markii aan heshiiska saxeexay, waxaan dareemayaa wax-iswaydiin tiro badan iyo waxa mustaqbalka soo socdaa uu ii sido. Sidoo kale, dareemadayda oo dhan ayaa si toos ah u wada shaqaynaya. Wax kasta waxaan ka dhex arkayaa wax ka badan inta ka muuqata.

“Waxaan ahay Nuuri, madax ayaan kuu ahaanayaa muddada aad tababarka ku jirto.” Sidan ayey igu tidhi iyada oo ay ka muuqato dhoolacadayn iyo waji-furnaan. “Waa si wanaagsan.” Ayaan ugu warceliyey. Waxaan ka waraystay xafiiskeeda iyo muddada aan ka tirsanaan doono. Waxay ii sheegtay in qorshaha oo dhammaystiran aan ka akhrisan doono faylkayga oo diyaar ku ah xafiiska la ii qorsheeyey in aan fadhiisto.

Markii xafladdii dhammaatay waxaan galay xafiiskii la ii qorsheeyey. Waxa yaala koombuyuutar yar, miis, kursi iyo kabadh-fayl. Waxaan si tartiib ah ugu fadhiistay kursiga. Miiska waxa saaran warqad weyn oo sida marada loogu goglay, waxa ku qoran qoraal sidan u dhigan: “shaqadaadu waa in aad wax ogaato, ma aha in lagu ogaado.

Saacaddu waxay isku taagtay lixdii fiidnimo. Waxa ii yimi Jokob, wuxu igu wargaliyey in degaanka aan dagayaa diyaar yahay, haddana uu i sugayo gaadhigii i qaadi lahaa. “Shandaydii waxay taalaa huteelka.” Ayaan ku idhi. “Hawshaa waa la dhammeeyey, shandadaadii waxay taalaa halka aad hadda u socoto, waxba ha ka warwarin.” Ayey iigu halceliyey.

Waxaan u soo degey hoos. Irridii aan ka soo galay ee ilaaladu fadhiday ayaan soo maray, waxaan ka soo qaatay moobilkaygii. Waxaan ka soo baxay irridda oo aan kula kulmay gaadhi Jagwar ah oo madow. Waxa saaran darawalka oo kali ah. Waxaan fadhiistay kursiga dambe, salaam kaddib, waxaan xidhay beelka, hore ayaannu ka dhaqaaqnay.

Wuxu darawalkii ii dhiibay fayl qoraal kooban oo dhawr qodob ah uu ku qoran yahay. Qodobkan ayaa ka mid ah qodobada ku qornaa: “hadda laga bilaabo waxaad tahay labo qof, marna yey iska kaa dhexgalin labadaada shaqsiyadood.”

Moobilkaygii ayaan furay, waxaan ku arkay in ay i soo galeen fariimo badan iyo wicitaano. Waxa ka mid ah dadka i soo wacay oo waliba marar badan igu soo celceliyey Jakob. Sidoo kale, qaybta fariimaha ayuu Jakob igu soo diray qoraal uu i leeyahay: “maxaa kugu dhacay?”

Intii aan sii socday, waxaan ka fikirayey in aan Jakob ku warceliyo oo aan u sheego sidan wax yihiin iyo waxa dhici kara haddii la ogaado in aan dirayo fariimo aan xaaladayda cusub kaga waramayo. Waayo, waxaan meel kaga dhacayaa qodobadii heshiiska ee aan saxeexay. Habeenkii hurdo fiican ma seexan. Waxaan iswaydiinayey go´aanka aan qaadanayo. Subixii markii aan soo kacay, waxaan qaybta laga cunteeyo ee guriga weyn ee la i dajiyey kula kulmay dhawr qof oo iyaguna ka mid ah dadka tababarku u socdo. Mid ka mid ah ayaa ii sheegay sheeko layaab badan oo ah ta soo dadajisay go´aanka aan qaatay.

 

La soco

qore :Axmed-kayse Cali Rooble

Bandhige@gmail.com