Safiirro Hore Oo Khubaro Caalami Ah Oo Siyaabo Kala Duwan U Muujiyay In Mustaqablka Dhow Somaliland La Aqoonsan Doono?

Tibor Naggy oo u waramayay Dallas TV, ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay ka mid noqon doonto beesha caalamka wakhti aan sii fogayn

Naggy oo qoslaayay ayaa sheegay in Soomaalida ay ku eedeeyeen in uu lacag ka qaato dawlada Somaliland.

Tibor Naggy oo ahaa safiirkii u fadhiyey Maraykanka Itoobiya ayaa sheegay in qofka doonaya in uu lacag ka qaato wadan kale, isaga oo Maraykan ah, sharciga Maraykanka uu dhigayo in uu isku rejistar gareeyo in uu yahay wakiil u shaqeeya wadan kale ” Foreign Agent”, ama uu xabsi galo.

Dadka isku registar gareeya in ay u shaqeeyaan wadan kale iyo dadka caruurta galmada la sameeya ” Pedophiles”, labadaba lagama qariyo shacabka Maraykanka, liiskoodana kuma jiro ayaa uu yidhi Tibor Nagy

 

Faraqa u dhexeeya somaliland iyo Soomaaliya ayaa ah in somaliland tahay dal si buuxda ay hay’dihiisu u shaqaynayaan, taasoo xornimada qaadatay hal toddobaad ka hor xilliga ay Soomaaliya xornimadeeda ka heshay talyanaiga, sidaa daraadded sharcyan waxa ay haystan dood sharci ah oo adag

 

Dhanka kale

 

Fred Harter, oo ah tifatiraha African Report oo xarunteeda ay tahay Washington D.C ayaa waxa uu ku sheegay cadadkii Shalay oo ahayd Khamiis, August 4, 2022 in dibloomaasi sare oo ajaanib ah uu u sheegay in Somaliland ay ku helayso aqoonsi caalami ah 10sano gudahood.

African Report iyo Fred Harter, midna ma ay sheegin wadanka uu u dhashay dibloomaasiga, laakiin dibloomaasiga ayaa hadalkiisa sii raaciyey in mudadadaas ay faa’iido u tahay Somaliland, sababta oo ah hay’adaha ka dhisan Somaliland ayaa waxa ay ku helayaan wakhti dhaqaale oo ay ku horumariyaan wadankooda.

 

Maanta somaliland waxa ay leedahay dhamaan waxa ay leeyihiin dawladaha casariga ahi. Waxa ay leedahay Baarlamaan, waxa ay qabsatay doroashooyin waxaanay ay leedahay ciidan milatari oo u gaar ah. Dadka reer somaliland waxa ay kaxaystaan baabuur ay ku dhagsan tahay taarikada somaliland waxaana ay wax ku iibsadaan lacagta somaliland, inkasta oo lacagta doollarka ee maraykanku wadanka taallo.

Sidoo kale somaliland aad ayay uga nabdoon tahay soomaaliya oo la daalaa dhacaysa weerarrada Kooxda Al-shabaab ee aan kala go’a lahayd iyadaoo dadka wax indha indheeyaa ay u arkaan dal fashilmay.

Taa baddalkeeda, somaliland wax weerar argagixiso ahi kama uu dhicin tan iyo sannadkii 2008, kolkaasoo dad nafahooda soo biimeeyay ay bar-tilmaameedsadeen safaaradda itoobiya iyo xarunta qaramada midoobay iyo sidoo kale xafiiska madaxtooyada.

Bishii May ee sannadkii 2021, somaliland waxa ay qabatay doorashooyinka Baarlamaanka iyo dawladaha hoose oo hal mar si nabadglayo ah uga qabsoomay dalka oo dhan, mana ay jirin cid dhibaato ka soo gaadhay ama falal amni darro ah oo laga soo wariyay.

Wakhtigaa bil ka hor, muqdisho waxa uu iska hor imaad xumi ku dhex maray kooxo iska soo horjeeda, taasoo ka dhalatay isku daygii  fashilmay ee uu madaxweynihii hore ku doonayay inuu kordhisto muddo  xileedkiisa.

cbdrxmngeni@gmail.com

Hargeysa, Somaliland