Sahamiye foundation: horumarin mise hoosaasin (WQ: Khadar Faarax Siciid)

Nin ganacsade ah oo la yidhaahdo Ismaaciil Axmed baa haayad “Sahamiye” la yidhaahdo daahfuray. Haayaddu inay leedahay qorshe khayri ah oo 10-ka sano ee soo socda Somaliland lagu horumarinyona wuu sheegay Gud. Ismaaciil.

Sida muuqata, erayada “horumarin iyo Khayri” waa erayo liinbaaxay oo hayaado caalami ahi ay dikheeyeen, oo ay dawladaha saboolka ah ku harawsadaan. Iyaga oo aan dantooda wadinna ay barnaamijyo horumarineed oo dhalanteed ah ku indhasarcaadiyaan. Haddaba, Ismaaciil Axmed horawsigii hore ee horumarin beenaadka ahaa ma ka madax bannaan yahay, oo $500 milyan ma tahay mid run ahaan Soomaaliland lagu tanaadinayo?!

Haddii lacagtaasi horumarin badhaxtiran loogu talagalay, oo uu muwaaddin kaasi $500 milyan, uu doonayo inuu nolosha ummaddiisa wax kaga beddelo, oo uu soomalilaand tanaadday oo dhiggeed ka tagtay ku riyoonayo, lacagtiisaa waxa uu ku fulin karaa mashaariic dalka iyo dadkuba u aayi karo:

 

  • Waxa ay dhisi kartaa wershed dabooli karta baahidaa kalluun ee geeska afrika iyo in badan oo adduunka kale ahba ka jirta. Wersheddaas oo shaqaalaysiin karta kumanaan qof oo reer soomaliland ah.
  • Waxa ay dhisi kartaa 10 laami oo midkii walba dhererkiisu yahay 100km, waddooyinkaa oo qayb ka qaadan kara isu-gudubka ganacsiyada iyo dadkaba. Waddooyinkasi oo shaqo u abuuri kara dad farbad oo boqolaal ka badan.
  • Waxa ay furi kartaa 5 cisbitaal oo si heer sare ah loo qalabeeyay, oo dadku ay kaga maarmi karayaan inay adeegyo caafimaad dibad u raadsadaan.
  • Waxay tababarro casri ah iyo aqoonkorodhsiyo loogu samayn karaa dhakhaatiirta, injineerada, barayaasha jaamacadaha iyo mihnadlayaasha kale ee dalka.
  • Lacagtaas qayb yar oo ka mid ah waxa lagu soo iibin karaa macadaadka qodaalka, dhismayaasha iyo mashiinadda Hawlaha fududeeya ee casriga ah oo aad u badan.
  • Lacagtaasi hadday horumarin doon tahay waxay qodi kartaa boqolaal riig oo bulshada ku harraad baxdo, dhulkana ku beerato.
  • Waxa ay dhisi kartaa bixoxidheenno quwad leh oo biyaha daadadka u rogi kara harooyin wax lagu beerto.
  • Waxa ay dhalangeddin kartaa qaabka dhaqashada xoolaha ee qadiimiga ah, oo ay la jaanqaadsii kartaa qaababka casrigan ah ee xoolaha loo dhaqdo xilligan.

 

Lacagta uu Axmed sheegay mashaaariicdaas iyo kuwo kaleba way fulin kartaa. Haddii kale oo horumarinta ay meelo kale ka baadhayso waxay gelaysaa uun khaanaddii kuwa samafalayaasha sheegta ee “qawda maqashii waxna ha u qaban” xaalkoodu ahaa.

 

Khadar Faarax Siciid

Khadar.1324@gmail.com