Saif-Alislam Qadaafi: Ma isleedahay wuxuu kusoo noqonayaa xukunka Liibiya? (WQ: Mokhtar Barakaat AlHajj)

Saif-Alislam Qadaafi: Ma isleedahay wuxuu kusoo noqonayaa xukunka Liibiya?

 

Saif-Alislam Qadaafi waa inanka ugu weyn ee hoggaamiyihii Liibiya ee Colonel Qadaafi oo Dalka xukumey 41 sanno.

 

Saif-Alislam waxaa uu doonayey inuu aabihii bedelo waxaanu la yimidey barnaamij uu u bixiyey “Liibiyada bari” oo sumcada Dalka lagu soo celinayo, waayo Liibiya ma laheyn xidhiidho badan oo wanaagsan oo ay Dalka caalamka la laheyd sababo badan oo ay ka mid yihiin diyaaradii lagu soo ridey Lockerbie UK oo Liibiya lagu eedeeyey, Jabhadihii uu Qadaafi maalgelin jirey  ee dalalka jaarka ku duuli jirey.

 

Laakiin taasi waxaa mucaaradey saraakiil ciidan oo sarsare oo ay ku jiraan labadiisa walaal ee Muctasim bilaah oo ahaa lataliyihii amniga qaranka Liibiya oo sanadkii 2001 isku dayey inuu aabihii xitaa afgembiyo, iyo walaalkiisa kale Khamiis oo taliye ka ahaa gaaskii 32-aad oo ahaa gaaska ugh awooda badan Liibiya oo dhan, sidoo kale waxaa mucaaradey hoggaamiyeyaal qabiil.

 

2011 ayaa aabihii kacdoon shacab lagu ridey labadiisii walaal waa la diley isna waa la xidhey ilaa mar danbe si muran wayni ku jiro lagu sii daayey.

 

Dhibta waxaa uu la qabaa dikraatooradii carbeed ee Masar oo Mubaarik inankiisii Jamaal xilka la doonayey laakiin doontii la qalibentey, Yemen oo Ali Saalix inankiisa Axmed xilka la doonayey.

 

Mokhtar Barakaat AlHajj