Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir (Q. 3aad iyo 4 aad. W.Q. Boobe Yuusuf Ducaale)

(1942kii – 2015ka)

 

“Qacda kamaradaydiyo,

Buug xusuusta qaadiyo,

Qabashada rikoodhkiyo,

Qalinkiyo dawaaddiyo,

Qoraalkaygu way wehel,”

Tuduc aan ka dheegay maansada Dhayalsi,

Qormadii: 3aad

Inta aanan ka bixin Siciid Cali Giir iyo dhaqankiisii qoraannimo, waxaan halkan ku caddaynayaa in wehelka dhabta ah ee Siciid ahaa una kala mudnaa sidan: Qalinka, Buug-yaraha (note-book), Raadyowga iyo Kamirada. Waxa ugu badnaa ee uu ugu jeclaa ee uu qaban jiray wuxu ahaa qoraalka iyo diiwaangelinta taariikhda iyo dhacdooyinka. Inta badan qalimmada biirooga ah ayuu adeegsan jiray, fartiisuna waxay u badnayn tan waaweyn. Wuxu caado iyo dhaqanba u lahaa in uu qormooyinkiisa aad u xardho. Waxaan amminsanahay intii dalka la soo galay in Siciid Cali Giir ku tiirsanaa gacantiisa oo aanu adeegsanba kombiyuutarka. Inta badan mararka uu wax qorayo ama Raadyowga dhegaysanayo, isaga oo fadhiya ayuu dhulka ku foorarsan jiray oo wax qori jiray ama dhegta u dhaweyn jiray Raadyowga. Saddexda afba waa uu ku dhegaysan jiray. Qalinka, Buug-yaraha iyo Raadyowga ma dhigin jirin, kamirada se hadba waayihii adkaa ee jabhadeed sida uu u saamaxo ayuu u adeegsan jiray. Buugaagta yar-yar ee uu wax ku qori jiray lambarro taxane ah ayay lahaayeen, dhacdo kastaana taariikhdeeda ayaa ku suntanayd ama ku xardhanayd.

Ergadii Nabadda:

Garaad Cabdil-Qani iyo wefdigii ama ergadii uu hoggaaminayay waxay yimaaddeen Balli-gubadle iyaga oo oo lib sida. Intii aanu Balli-gubadle iman hawl-gal ballaadhnaa oo nabadeed oo uu dhammaantood ku wada guulaystay, Soomaaliyina meel ay joogtaba ay mahadisay ayuu soo galay.

Garaad Cabdi-qani ergadiisa waxa ka mid ahaa:

  1. Siciid Cali Giir,
  2. Cali Qamar,
  3. Maxamed Cali Caateeye,
  4. Baashe Cali Jaamac,
  5. Sheekh Daahir,
  6. Iyo rag kale,

Waxa intaa u dheeraa ciidan ammaankooda mas’uul ka ahaa oo aan u malaynayo in tiradoodu dhammayd ilaa soddon askari. Baabuurtii waxaan ka sii xusuustaa Land-cruiser Garaadku fuushanaa iyo Suzuki uu watay Maxamed Cali Caateeye.

Hawl-gallo iyo Heshiisyo nabadeed oo dhex maray Beelo Soomaaliyeed oo nidaamkii Siyaad Barre dab iyo colaad dhex dhigay. Heshiisyadaa waxaynu ka xusi karnaa

  1. Qararro:               10-11/2/90kii,
  2. Dannood:             15-16/8/90kii,
  3. Gawlallaale:         20-22/2/90kii,
  4. Gaashaammo:     20-22/8/90kii,
  5. Wanaagsan:               6//9/90kii,

Garaad Cabdil-Qani isaga oo socodkiisa ka soo bilaabay carri Dhulbahante, haddana intii uu u soo socday Balli-Gubadle, degaammadii uu soo marayay wuu ku soo habeen-dhaxay oo meel walba gacmo-furan ayaa lagu soo dhaweeyay iyada oo isla markaana si milgo iyo maamuusba lahayd loogu loogayay. Intii aanu Balli-Gubadle soo gaadhin dhowr maalmood iyo habeennadoodii ayuu Kaam-Abokor marti-sharaf u ahaa. Sidaa ayuu Garaad Cabdil-Qani ku yimid Balli-gubadle isaga oo carrigaa cagta soo mariyay oo baaq nabadeed iyo heshiisyo la mahadiyayba la soo dhex maray. Dadkii kala irdhoobay ayaa boggoodii burcad la isu mariyay.

Siciid Cali Giir, xubin muhiim ah ayuu ka ahaa ergadan. Dhinaca socday iyo dhinaca loo socday ee SNMba xog-ogaal ayuu u ahaa. Wuxu ahaa biriish isku xidha oo meesha ka saara wixii shakiyo dhalan karayay. Intaas ka-sokow ergadan uu Garaadku hoggaaminayay wuxu u ahaa xoghayn iyo diiwaan keydinayay dhacdooyinkii taariikhiga ahaa. Aqoon la yaab leh ayuu u lahaa dadka iyo degaannadaba.

25-26/9/1990kii, ayay socdeen wada-hadalladii ergadii Garaad Cabdil-Qani iyo SNM dhex maray. Intii ay nala joogeen Xaruntii SNM ergada Garaadku siyaabo badan oo togan ayay noo caawiyeen. Waxay na siiyeen sawirkii dhabta ahaa ee ugu danbeeyay ee nidaamkii Siyaad Barre. Waxa kale oo aanu u qaban-qaabinnay taxane wareysiyo ah oo ay kaga warramayeen waayaha dhabta ah ee Soomaaliyeed, iyaga oo isla markaana wixii dardaaran iyo waano ah siinayay dadweynaha iyo ciidammadii Xoreynta ee SNM.

Garaad Cabdil-Qani wuxu magacaabay ergo rasmiya oo dhinaciisa uga qayb-gasha wada-hadalladii rasmiga ahaa; halka ay SNM-na ka soo magacawday xubnihii dhinaceeda wada-hadallada ka qayb-geli lahayd. Jawi caafimaad qaba oo isu hilow iyo kalgacaltooyaba leh ayay wada-hadalladii ku bilaabmeen. Wefdigu intii ay nala joogeen Xarunta SNM, waxay ku qanceen sawraca iyo baadi-soocda Ururka oo ahayd mid dadweyne ama go’aan-qaadashada oo ahayd mid wadareed oo ku aroorta dhaqanka iyo diinta Islaamka. Siciid Cali Giir hawlahaas oo dhan xuddun iyo udub-dhexaad ayuu u ahaa.

Markii ay labada dhinac wada-hadlayeen laba maalmood ayaa waxay soo saareen War-murtiyeedkan hoos ku qoran:

Heshiis iyo war-murtiyeed wadajir ah oo ay soo wada saareen ururka SNM iyo wefdiga uu hoggaaminayo Garaad Cabdil-qani Garaad Jaamac

25-26/9/1990ka, waxa Xarunta Dhexe ee Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed (SNM) ka dhacay Shir taariikhda Ummadda Soomaaliyeed ahmiyad u leh, ayna isugu yimaaddeen wefdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Garaad Cabdil-Qani Garaad Jaamac iyo xubno Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta ee Ururka SNM, uuna hoggaaminayay Mujaahid Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka wakiil ahaa Guddoomiyaha SNM oo maqnaa ahaana Xoghayaha Warfaafinta. Shirkan oo ku dhacay jawi walaaltinnimo iyo yuhuun halgameed, waxa wefdiga Ururka ee SNM si diirran ugu hanbalyeeyay kaalinta fir-fircoon ee Garaadka iyo wefdigiisu ka qaateen walaalaynta iyo nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed ee ood iyo dan-wadaagta ah. Dhinacooda waxay wefdiga Garaadku ku bogaadiyeen Ururka SNM iyo taageerayaashiisa naf-huridda ballaadhan ee ay u hureen ka-xoreynta ummadda heerayada digtaatoriyadda iyo cadaadinta. Wefdiga Garaadku waxay ku nuux-nuuxsadeen siday uga xun yihiin burburka iyo dilka laxaadka leh ee nidaamka talisku kula kacay dadyowga ku nool gobollada Ururka SNM xoreeyay kana dagaallamayo.

Shirkan oo socday 25-26/9/1990ka, waxay labada dhinac kaga doodeen kuna falanqeeyeen arrimaha badan ee yaal. Wuxu ku furmay kuna socday is-af-garad buuxa ee qodobbadii laga wada hadlayay.

Qormadii: 4aad

  • Dhinaca SNM iyo Garaad Cabdil-Qani Garaad Jaamac iyaga oo eegaya xaaladda halista ah ee dalkeennu marayo iyo halaagga uu qarka u saran yahay, dhibaatooyinkaas halista ah oo si gaar ah u saameeyay gobollada woqooyi iyo dadkoodii, kumaankun ka mid ahina baro-kaceen, haddana ku sugan yihiin nolol silic iyo saxriir leh,
  • Tixgelinaya, kuna diirsaday Heshiisyadii nabadaynta iyo walaalaynta Beelaha Soomaaliyeed ee taxnaa, ayna ka mid ahaayeen:
    • Qararro:             10-11/2/1990ka,
    • Dannood:           15-16/8/1990ka,
    • Gawlallaale:       20-22/2/1990ka,
    • Gaashaammo:   20-22/8/1990ka,
    • Wanaagsan:             6/9/1990ka,

Islana gartay baahida weyn ee loo qabo in Ummadda Soomaaliyeed iyo qaybahooda kala duwani talo ka gaadhaan aayahooda danbe, iyada oo ay tahay in la soo gebagabeeyo muddada labaatanka sano ka badan ee Ummaddu ku sugnayd digtaatooriga ku habsaday ee geliyay cadaadiska nololeed iyo cabbudhinta nidaamka keli-taliska ah,

Haddana xeerinaya baahida deg-degga ah ee loo qabo mideynta iyo is-kaashiga dhammaan xoogagga mucaaridka Soomaaliyeed, waxay guddoonsadeen go’aammada iyo qodobbada Heshiiskan ee soo socda:

  • In culays la taaban karo iyo wax-qabad dhab ah la saaro nabadaynta iyo heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed meel ay ku sugan yihiinba,
  • In iyada oo laga shidaal qaadanayo nabadaynta iyo walaalaynta Beeleed ee ka dhalatay go’aammadii Shirweynihii 6aad ee Ururka SNM iyo Heshiisyadii Qararro, Dannood, Gawlallaale, Gaashaammo iyo Wanaagsan loo daaddejiyo Beelaha labada dhinac ka tirsan ee ku nool Sool iyo Sanaag ee aanay weli u suuro-gelin in ay nabadda ku hoos noolaadaan,
  • In labada dhinac si hagar la’aan ah uga wada shaqeeyaan sidii loo demin lahaa colaadda Beeleed ee ka oogan gobollada Woqooyi-galbeed iyo Awdal, iyada oo afti nabadeed laga hayo labada Beeloodba.
  • In aanay labada dhinac dedaalkooda ka hagran sidii loo heli lahaa ummad Soomaaliyeed oo mideysan, isuna niyad-san, lana abuuro jawi caafimaad-qab iyo walaaltinnimo leh.
  • Labada dhinac waxay isku waafaqsan yihiin in arrinta shakhsi-eedaynta iyo denbi-galku tahay mid qof waliba ka mas’uul yahay waxa uu geystay. Sidaas awgeed in aanay xaq iyo caddaalad ahayn in wadar ahaan loogu eedeeyo ama loola dhaqmo qabiil ama bulsho sidii wax mas’uuliyadda fal ama falal ciqaab iyo takoor mudan.
  • Labada dhinac waxay isku aragti ka qabaan dhibaatooyinkii laxaadka lahaa, xasuuqii dadka, burburkii, boobkii iyo dhicii hantidii nooc kasta lahayd ee nidaamka hororka ahi mas’uuliyaddeeda leeyahay, laxaadkeeduna ku dhacay gobollada Woqooyi, maalin walba maalinta ka danbeysana u sii gudbaysa gobollada dhexe iyo koonfureed ee dalka. Iyada oo ay labada dhinac ka murugaysan yihiin ka tacsiyadaynayaanna ummadda Soomaaliyeed ee dhibban, ayay ku ballan qaadayaan in aanay waxba ka hagran sidii loogu halgami lahaa wax kasta oo lagaga bogsan karo dhibaatooyinkaas, laguna sugi karo midnimada, nabadda iyo horumar wax-ku-ool ah oo ummaddu wadar ahaanteeda ku tallaabsato.
  • Iyada oo ay labada dhinac aqoonsan yihiin baahida weyn ee loo qabo in ummaddu isugu timaaddo Shirweyne Qaran oo lagaga tashado aayaha danbe, waxa la isla gartay in Ururka SNM qaado xilka Shirkaa, waqtiga iyo goorta ugu habboon uguna dhakhso badan,
  • Labada dhinac waxay isla qirayaan in qaabka halganka hubeysani uu yahay qaabka ugu toolmoon ee lagu ridi karo nidaamka digtaatooriga ah ee Soomaaliya ka taagan, iyada oo had iyo goor halkudheggu yahay in siyaasaddu hagto qoriga,
  • Labada dhinac waxay Saraakiisha, Saraakiil-xigeenka iyo askarta damiir Soomaalinnimo ku jiro, welina ku hadhsan ciidanka keli-taliska, ku boorrinayaan in ay ka baxaan falalka dilka iyo dhaawaca ummadda qorigana ay ku jeediyaan cadowga ummulo-dooxa ah,
  • Labada dhinac waxay isku raacsan yihiin in shacbiga Soomaaliyeed nabad iskaga gudbaan gobollada,
  • Labada dhinac waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiirri-gelinayaan sidii ciidammada digtaatoorku aanay gobollada isaga gudbi lahayn si qorshayaasha cadowtinnimo aanay u suuro-gelin,
  • Labada dhinac waxay isku raaceen in la tabantaabiyo askarta ka goosatay ciidanka nacabka ah iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee damacsan in ay u gudbaan degaammadoodii,
  • Labada dhinac waxay isla garteen in ay iska kaashadaan wax-ka-qabadka eedaysanayaasha dhaawacay nabadda, kuna qeexan Heshiisyadii nabadda Beelaha,
  • Labada dhinac waxay dadweynaha taageersan ku boorrinayaan dhaqan-gelinta labadii Heshiis-Beeleed ee Gawlallaale iyo Gaashaammo,

Labada dhinac oo si buuxda isugu af-gartay qodobbada Heshiiskan, waxay kalsooni buuxda ku qabaan in danta shacbigu ku jirto fulinta qodobbadan. Iyada oo laga shidaal qaadanayo sida shacbigeennu ugu heellan yahay wanaagga iyo guulaysigiisa, ayay ummadda ugu baaqayaan:

Hoos ka akhriso qaybtii koowaad ee taxanaha Boobe ka qoray marxuum Siciid Cali Giir:

Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir (Q.2aad. W.Q. Boobe Yuusuf Ducaale)

Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir (Q.1aad W.Q Boobe Yuusuf Ducaale)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

cankaabo@hotmail.com , www.dharaaro.com

(La soco 5aad, haddii Eebbe idmo)