Saska xukuumadda Siilaanyo iyo xeeladda Xirsi Xaaji Cali (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

 

Xukuumadda Siilaanyo waa koox Garoon kubadeed ku jirta oo aan isla haysan, oo mid waliba geestii uu doono kubadda u laadayo, iyadoo tababrihii kooxduna jaahwareerka iyo isla haysad la’aanta  kooxda haysta qayb weyn ka yahay, taasoo kooxdii kazoo horjeedayna ka faadiidaysanayo jaahwareerka iyo dhakafaarka kooxdaas haysta. Inta badan xubnaha wasiiradda ee ku jira Golaha xukuumaadeed ee Madaxweyne Siilaanyo dhisay waa kuwo ay isugu darsantay khibrad la,aan siyaasadeed,mid maamul iyo wadaniyad xummo, taasoo ku hogaamisay fashilka ah inaanay marnaba u fekerin si qotonta danta caamka ah, ayna jiidatay ku fekerka danta khaaska ahi, sida ay taariikhdu ina bartay, umadda ay hogaanka u qabtaan madax noocan ahi waxay noqotaa umad baaqi ku ahaata horumar liita, caddaalad darro, iyo jaahwareer nololeed, shacabkaas oo garanwaaya waxay ku kala gedisnaayeen shalay iyo maanta, bishan iyo tii ka horaysay, sanadkan iyo kii tegay, marka laga hadlayo qiimaynta ku aadan horukaca iyo dib-udhaca ku yimi heerka minqiyaaskooda nololeed.

Caadiyan, xukuumadaha fadhiidka ahi, waxay aad u neceb yihiin inay arkaan cid buuxisay kaalintii ay iyagu gabeen, waxaanay xooga saaraan sidii ay uga hortegi lahaayeen cidkasta oo shacabka dhibaataysan wax taraysa, buuxisana doorkii ay iyagu ka gaabiyeen, tan, waxaa tusaale nool u ah wixii Hogaamiyaha Xisbiga WADANI kaga dhacay magaaladda CAYNABA, masuulkan oo dawooyin uu u siday dadka shuban biyoodka iyo nafaqo-darrada u jiifa Cisbitaalka CAYNABA laga horjoogsaday inuu ku wareejiyo, iyadoo ilaaladii iyo maamulka Cusbitaalkuna u sheegeen in amar lagu siiyay inaanu dawooyinkaas Cisbitaalka geyn Karin, iyadoo dadka bukaanka ahi ay si weyn baahi ugu qabeen dawadaas.

Isku soo Wada duuboo, waxa arimahani muujinayaan fashilka baahay ee ay ku dhex hafanayso Xukuumadda uu Madaxweynaha ka ahaa Siilaanyo, taasoo tabarteedii noqotay inay is hortaagto kaalmo kasta oo dadkii ay gabtay la gaadhsiinayo,waxaa iyana muuqata heerka uu gaadhssisan yahay  saska ay xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu ka qabaan Hogaamiyaha Xisbiga WADANI, waayo, markii labaad ee Xukuumadda Siilaanyo ka horjoogsato inuu galo Magaaladda Caynaba,dhabtu waxay tahay, in markastoo aad gabto waajibkii ku saaraa, aad wajahayso kalsooni darro, iy inaad u nuglaato cidkasta iyo waxkasta, Hogaamiyaha Xisbiga WADANI ayaa  laftiisu wuxuu u muuqda nin si siyaasadaysan uga faaiidaysanaya saska ay ka qabaan kooxdan ay taladu ka baahday, isagoo hadba meel ama magaalo iska soo tusaya,  halka shacabkuna yahay mid aan awood ahaan lahayn xirfad uu ku difaaco maslaxadooda umadeed, amaba ugu kala gar-qaado kooxaha dushooda isku haysta.

Gunaanadkii, waxaynu dhawri doonaa halka ay taariikhdu dhigto filinkan aktarada jilayaa ay badan yihiin, aktaradaas oo intooda badani aanay lahayn khibradii iyo xirfaddii filin jilida.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco.