Seyid Maxamed Cabdulle Xasan iyo guurarkiisi (WQ: Jaamac Shube)

Seyidka iyo guurarkiisi.

 

Siduu Yaasiin Cismaan Keenadiid ku qoray buuggiisa  af Talyaaniga ku qoran ee “Ina Cabdille Xasan ” Sayid Maxamed 21 kii sano e uu dagaalka ku jiray wuxu guursaday 32 dumara  . Dadka qaarna in ay   konton dumara ku dhowaayeen ayay sheegaan.  Sidaana wuxu ku noqonayaa in uu ahaa hoggaamiyihii ugu guursiga badanaa ee inta la og yahay  ee Soomaali ah .

Guurskiisa badani wuxu ka mid ahaa waxyaabihii ay Soomaalidii jeerkiisi joogtay aadka ula yaabeen.

 

Sida raggii ay iska soo hor jeedeen ee ku ku mucaaridka ahaa  ku doodeenna waxa jirtay in uu wadaadku  hal mar wada qabey Sagaal dumar.  Taas oo ah arrin aan shareecada Islaamka  iyo dhaqanka Soomaaldiba sina ugu bannaanayn.

 

Raggii eedahaa wadaadka u soo jeediyey waxa ka mida ahaa  Gabyaagii Reer Buuhoodle Yuusuf Dheere oo lahaa ;

 

” Sagaal dumara ninkaa guursadee gogoshana u seexday ”

Iyo Cali Jaamac Haabiil oo lahaa ;

 

“Toddoba naagaha u qabo ee xorta ah tiro waxbaa dheere

Ma Talyaanigaasaa mahdiya tanina waa yaabe ”

Iyo Salaan Carrabeey oo lahaa ;

 

“Naagaha siddeed baa shardiya shayna weheshaaye

Shafba niman ka qaadayn orgina waa dhib tiriyaaye ”

 

Inkastuu wadaadku ahaa af maal  ka fal celiya eedaha iyo dhaliilaha loo soo jeediyo, haddana weli meelna kumaan arag wax daadifayn ama iska difaaca oo uu Sayidku kaga dareen celiyey eedaha aynu kor ku soo xusnay ee loo soo jeediyey.

 

Waxa kaloo iyaduna jirtay in sannadkii 1920 kii markii Daraawish la jebiyey ee uu wadaadku u soo qaxay  Qorraxay,  in uu  halkaa kula kulmay dad badan oo reer Qorraxeey ah oo uu  ka mid  ahaa gabaygii Qammaan Bulxan .  Ka dib wadaadku wuxu waydiiyey ” Yaa dumarka Qorraxeey ugu  qurux  badan ”  Ka dib waxay ku ugu jawaabeen ” Barni Sheekh Cabdulle oo ah xaaska Qammaan Bulxan ”  Ka dib Sayidku intuu u yeedhay ayuu ku yidhi Qammaan ” Qamaannow gaal baad tahay oo adiga meher kuuma hayee  ii keen Barni ”

Qammaan aad buu u cabsaday oo wuxu is yidhi intuu Sayidku ku dilo ayuu Barnina iska guursan doonaa.

 

Waxa la sheega in Qammaan oo talo ku ciirsan tahay in meeshiba  soo galay colkii la magac baxay Hagoogane  . Qammaan colkii  dagaalka soo qaaday iskamuu difaacin hawl kalena muu geline xaaskiisi Barni ee Sayidku ku yidhi igu soo wareeji ayuu gacanta qabsaday oo la baxsaday.

Markaa uu Saydiku doonanayey in Barni uu Qammaan kala  wareegu da’diisu waxay ahayd 63 jir.  Waxayna ahayd wax yar ka hor geeridiisi.

 

Barni waxay ahayd qof uu Qammaan aad u jeclaa oo uu ka bixiyey xoolo uu siyey janankii Inrgriiska ahaa ee Caarsha Dheere.

 

Mar dambe  uu Seyidku sii mootanaa oo  uu Qammaan  ka sheekaynayey  Barni dhibtii uu la maray iyo weliba siduu Sayidka damaciisii uguga cabsaday  ayuu yidhi:

 

“Codkii Maxamed naagtuu lahaa care ha ii keeno

Naagtaan cadaabkii la gee uga cabsoonayey ”

 

Hoggaamiye kale oo sidaa Sayidka u guur badnaa haddaad xasuusto waad nala wadaagi kartaa.