Shacabka reer Berbera waxaan su’aalayaa lacagtan magac u yaalka ah ee la sheegay dawlada dhexe inay kab idinku siiso waxa la idiinku qabto (Wq: Maxamed Cismaan)

Ka madaxweyne mustaqbal ahaan shacabka reer berbera waxaan su’aalayaa. Su’aal ah lacagtan magac u yaalka ah ee la sheegay dawlada dhexe inay kab idinku siiso waxa la idinku qabto.

  1. Hadaad oran dontaan wadooyin ayaa naloogu dhisaa gobolada kaleba wadooyin waa loo dhisaa
  2. Hadaad oron dontaan adhiga ayaa magaalada lagaga ilaaliyaa in lagu dhex dhaqo arinkaana dhaqaale kuma bixin ee shacab iyo dawladoodii hose oo is maqlay ayay ku hirgashay
  3. Hadaad orondontaa laydh jaban ayaanu kabka ku isticmalnaa isna halkad ka jogtan laydhka waa la ogyahay, oo gobolada kale ayaad ka siman tihin
  4. Hadaad oron dontaan caafimaadka ayaa nalagaga kabaa isna waan ognahay xaalka caafimad ee magaalada berbera iyo dakhtarka.
  5. Hadaad oron dontaan waxbarasho qiimaheedu sareeyo ayaa naloo galiyaa iyana waan ognahay waxbarashada berbera iyo iskuuladkeeda
  6. Hadaad orondontaan dadka reer berbera ayaa shaqa abuur loogu sameyaa, taana hore ayuu maayir cidin u sheegay in reer berbera badan koodu shaxaad ku nool yihin
  7. Hadaad oron dontaan biya nadiif ah ayaanu ku helnaa, taana reer berbera halka ay biyaha ka cabaan waa la isla garanayaa

Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan usoo jeedinayaa shacabka reer berbera inaad ka hadashaan kabkan la idinku dagaal galinayo cidda sida gaadhka ay uga faa idaysata

Maayir cidina waxaanu leenahay abti maleeshiyaadna ha urursan isbaarana ha dhigan ee dadkii kusoo doortay dhaqaalahoodu ku hor mari