SHACBIGA DACAWALAY MAAHA DAD AAN CID LA DHALAN W/Q:(Rashiid odowaa)

Deegaanka dacawalay wuxu ka mid yahay dhul daaqsimeedka loo yaqaan Hawd iyo Reserved area dhulkaas waxa uu ka tirsanaa dhulka Somaliland ka hor intii aan Boqortooyadii Ingriisku ku wareejin Ethiopia 1955kii,dhowr jeer waa loo dacwooday UN inay dhulkaas Somaliland lagu soo celiyo mayse suurto gelin,hase yeeshee 1964kii waxay dowladda Ethiopia ogolaatay inay dadka deggani xuduudka labadiisa dhinacba u tallabi karaan markay doonaan iyo siday doonaan ka dib markii dowladdii Somalia iyo Ethiopia isku khilaafeen dhulkaas. imika sharciyan dhulkaasi waxa uu ka tirsanyahay Ethiopia lakiin dadka deggan waa reer Somaliland xuduudka labadiisa dhinacba way deganyihiin.

Hore waxa u dhacday Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia gaar ahaan Ciidanka loo yaqaan Liu Police oo aan lahayn Tababar iyo aqoon ciidanimo keliya ah dad hab qabiil lagu soo abaabulay marar hore oo badan inay tacadi iyo iyo xasuuq ka gaysteen degaamada [HAUD IYO Reserved area] halkaas oo dad u badan caruur,Dumar iyo waayeel ku laayeen xattaa masaajid dhexdii gaar ahaan Xarshin.Gaashaamo iyo meelo kaloo badan oo caddaymeheedii la hayaa.

Maanta arrinta Dacawalay ka taagan ka taagan waa isla tii hore uun in dad xoolo dhaqato ah ay ciidanka liu police ay xasuuqeen oo haddana argagixiso ku sheegeen waa marag ma doon,waan ku bogaadinayaa inay shicibku iska difaaceen nimankaas habka jabhadda u dhaqmaya ee aan naxariista lahayn,waxan u soo jeedin lahaa hayโ€™adaha xuquuqul insaanka iyo beesha caalamkaba in baadhitaan lagu sameeyo oo lala xisaabtamo maamulka Dowlad deegaanka Ethiopia ee uu xukumo Mustafe cagjar.

 

Rashiid Odowaa

Rashidsalan1982@gmail.com

Bandhige@gmail.com