Shahaadooyin badan

 

Shahaadooyin badan

Qaadashada Shahaadooyinka waxbarashaddu waa halka ugu sarreysa ee darajada iyo guusha tacliinta laga gaadho.dedaalka iyo halganka waxbarashadu wuxu ku danbeyn doonaa uruursashada iyo qaadashada warqaddaha cadeynta shahaadooyinka,kuwaasi oo dadka waxbartaa ay kala badsadaan helidooda iyo tiro ahaan inta ay ka heystaan.

Tan iyo intiii aan soo barbaarney ee aan Jidka waxbarashadda raacney waxa aan ku jirnaa socdaal aan ku uruursaneyno warqadahaasi cadeynta ah ee kala darajada sarreeya.waxa ay yidhaahdeen orod ku tartama markaasa la siiyey kuwii ugu sarreeyey shahaadooyin,waxa ay yidhaahdeen ciyaar dhaqameed ku tartama markaasa xubnihii ugu sarreeyey shahaadooyin loo sameeyey,waxa ay ina geeyeen malcaamad iyo madaaris halkaasi oo kuweeni ugu sarreeyey barashada culuumta tarbiyada iyo islaamka shahaadooyin lagu taxey,waxa ay ina geeyeen goobaha tartanka ciyaaraha iyo jidh dhiska markaasa kuweeni ugu fiicnaa shahaadooyinkii tartanka loo soo sameeyey,waxa aan ku biirney dugsiyada farsamada gacanta halkaasi oo aan ka helney shahaadooyin qiimo leh,waxa aan baraney xirfadaha kaarateega iyo xirfadaha is difaacida halkaasi oo aan ka helney cadeymo,kuweeni nafaada ku fiicnaa ayaa helay shahaadooyin,kuwii Dhibcaha ugu sarreeyey ayaa qaatey shahadooyin gaar         u ah iyada,kuweenii Akhlaaqda badnaa ayaa heysta cadeymo muujinaya hibooyinkooda,kuweena siminaarada iyo tababarada maalin oo dhan ay uga socdaan magaalada ayaa uruursanaya shahaadooyin muujinaya ka soo qeybgalkooda,kuweeni soo marey dugsiyada hoose/dhexe ayaa heysta shahaadada waxbarashaddaasi,inteeni gaadhey dugsiyada sarre ayaa dhanka kale qaatey mid ka mid ah shahadooyinka ugu culus,Dugsiyada gaarka loo,leeyahay ayaa iyaguna inagu soo taxey shahaadooyin gaar                                                                                 ah oo luqadeed,xisaabeed iwm.inteena socdaalka waxbarashado heer jamacaddeed ka gaadhey ayaa qaadatey warqadd aan la farxad iyo qiimo aheyn kuwo badan oo kale oo ay ugu yeedheen Degree Certificate,inteena heerka labaad ee jaamacadda gaadhey ayaa sidoo kale heysta warqadd aad u farxad gelisa oo ah Masters degree halka kuweena ugu dedaalka badani ay ku guuleysteen in Maggacooda laga horreysiiyo DR.lana siiyo warqadda ugu qiimaha badan ee waxbarasho maadi ah.

Tan iyo 1997 Qeyb ka mid ah shahaadooyinkii aan qaatey ayaan hadda Gurriga ku hayaa, Socdaalkeygii waxbarasho ee ii billaabmey badhtamihii 90-naadka ayaa ilaa 2020 ila soo gaadhey,Shahaadada ugu hooseyseysa ee aan heysto ayaa ah mid aan Barashada luqadaha iyo Xisaabta ka qaatey dabayaqadii 90-naadkii,mida ugu sarreysa ee Liiskeyga shahaadooyinka ku soo biirtey sannadkii 2020 Ayaa ah Shahaadadeydii labaad ee Masters (my Second Master’s Degree) oo ah M,Ed Curriculum and Instruction.Warqada aan ugu farxadda badnaa markii aan qaadanaayeyna dhab ahaantii waxa ay aheyd Degree Certificate heerka kowaad ee jaamacadda oo aheyd 2004 in Hyderabad India.

Waalid kasta oo ubbadkiisu waxbarasho ugu jiro farxad gooni ah ayey u leedahay in carruurtooda waxbaratey ay shahaadooyin iyaga oo gacmaha ku sita guriga la yimadaan, sidoo kalena ay kala qeyb-galaan munaasibadaha xafladaha qalinjebinta lagu gudoonsiinayo shahaadooyinkooda.la qeybsiga dabaal dega iyo farxada ardey shahaado la gudoonsinayaa waalidka wax ay uga dhigan tahay tabacoodi waxbarasho oo midho dhaley mustaqbalka ubbadkoodina ay dhiseen.

Maxaan u Qaadaney Shahaadada

in aanqaadanocadeymo badanooshahaadooyin ah ama uruursanowarqaddotirobadan laakin aynaan laheyn tayadda cilmiyada shahaaddada inoogu dhex qoran waa hadda dhibaatooyinka jira dalkeena.tayada waxbarashadda iyo dedaalkii naf hurida ahaa isaga oo aan ardeygeenu bixin,aqoon badana aan u laheyn waxa shahaadada ugu qoran ayuu haddana warqadaasi rabaa in uu qaato.Fahanka iyo dedaalka,cilmi baadhista iyo Akhriska sannadkan ardeygeena waxa uga muhiimsan in uu helo dhibco derajo aan wakhti kaga bixin iyo shahaado si fudud oo sahal ah loo qaadanaayo.waa inoo Qeybo kale taxanaha shahaadooyinka.

 

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com