Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)

Niman dhallinyaro ah oo aanu xafiis ka wada shaqayno ayaan waydiiyey “ma taqaanaan shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay?” Mid baa ku jawaabay waa qofka daacadda ah, mid kalena wuxu yidhi waa qofka runta sheega.

Haddii aynu Qur’aankeena dib u yara jalleecno, marar badan Illaahay SWT wuxu yidhaa “Waar miyaydaan fikirayn… arrinkan oo kale waxaa ku waantooba kuwa caqliga u saaxiibka ah…Bal eega samaawaadka, bal eega dhulka,  bal eega habeenka iyo maalinta, bal eega xilliyadan is beddelaya…maxaa idinka si ah miyaydaan fikirayn?”

Inta adduunka la joogo Qur’aanku wuxu innagu dhiirinayaa in aynu fikirno, in aynu isticmaallo caqligan la ina siiyay oo aynaan sida xoolaha u socon.

Haddana Qur’aanku aakhiro ayuu u guurayaa isaga oo Illaahay inooga waramaya dadkii oo is wada haysta oo midba midka kale eedaynayo oo uu leeyahay “adigaa iigu wacnaa in aan naarta galo,  adigaa i lumiyay” kuwo kalena ay leeyihiin  “Illaahayow na tus jinkii iyo insigii na lumiyay aanu cagta hoosteeda galinee.”

Illaahay SWT waxba inoogama tagin- wax walba wuu inoo sheegay. Mid gaal ah ayaa laga hayaa in uu yidhi “cid walba been ayay idiin sheegaysaa Illaahay mooyaane.”

Hadal iyo guntii, adduunku cisaabaadka maamula waxa ay ugu neceb yihiin “caqliga xorta ah.” Kaas ayay la dagaalamaan. Waxa ay yidhaahdaan “control the head, you control the body” oo macnaheedu yahay “haddii aad madaxa xakamayso, jidhka intiisii kalena waad xakamaysay.”

Dadkuna sidoodaba waa laba qaybood uun. Qaar toos loo maamulo iyo qaar si dadban loo maamulo. Waaba labadaas qaybood. Lama ogola in aad labadaas dhinac uga baxdid. Maalinta aad isku daydo in aad ka baxdana waxa lagugu soo qaadayaa weerar cir iyo dhul ah, sababtoo ah dad baad qorshahoodii khatar ku noqotay!

Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com