Shalay wixii la diidayey ayaa maanta muuqda(WQ: Liibaan Cawaale Liibaan “LCL”)

Inta baddan kama faaloodo siyaasadda, inkasta oo ay xataa yaraatay qoraaladii arimaha bulshadda ee aan halkan idin kula wadaagayay sababo mashquul darteed. Wax la akhriyo waxa aan ugu xiiso badanahay waa taariikhda bini’aadamka( Human History) oo aanan ka caajisinba. Maalmahan Jamhuuriyadd Somaliland waxa ka socda dood ku saabsan sidii loo gali lahaa doorashadda Baarlamaanka iyo qaabkii loo qaybsan lahaa kuraasta barlamaanka. Xalku ma aha mid la gaari waayay balse waa mid laga gaabsanayo oo sidii kubadda la isku tuurtuurayo madaama uu salka uu ku hayo awood qaybsiga (Power sharing) beelaha ku wadda nool dhulka Somaliland sida ,Beesha dhexe, Iyo goboladda Darifyadda.

Haddii aad ugu fiirsato taariikhda ku saabsan somaliland dadka daga iyo dhacdooyinka isla jeerkaas ka dhaca oo qaarkood qaladadkii dhacay xalkooda ilaa hada la gaarin ama aan wali la sixin. Halka salaadu ka xidhmi laadahay ayaad si dhibyar ku fahmi.

Dhanka kale haddii aan tooshka ku iifino waxa aad is odhan, Muqdishadii lixdankii unbaa isu badashay Hargeisa-dda Maanta sababtoo ah shalay Muqdisho ayaa ahayd halka looga arimiyo dawladii Somalia oo ay aakhirkii burburiyeen jabhado dagaalkoodu salka ku hayay cadho gaamurtay oo ku salaysan sadbursi, cadaalad daro iyo awooda, fursadaha iyo khayraadka dalka oo aan loo sinayn. Arimahaas oo dhana maanta waxa ka cabanaya goboladda darifyadda ee kamid ka ah Somaliland maadaama shalay wixii Somaliland dadka daga ay ka dagaalameen ay ka dhex jirto. Boowe maxaad filanaysa inay dhacaan. Bes Taariikhdii hore marka aad u gayso taariikhda maanta waxa aad fahmi karta mustaqbalka waxa dhici kara. Bal aan dhowrno dharaaha iyo waxa ay wataan!.

Qadiyad kasta halgankeedu labba marxaladood ayuun bu maraa: Marxalada koowaad oo lagu raadiyo wada hadal, kala tabasho lagu muujinayo waxa qaldan sidii loo sixi lahaa. Marxaladda labaad oo ah halgan hubaysan oo loo hurey naf iyo maalba si loo gaaro natiijadda la rabo. Taariikhdana wax baddan ayay sheegaysaa meelwalba oo cadalad daro ka jirto in ay mar uun lagu kala guurayo hadaan la sixin kahor kacdoonka bulshadda. Insha Allah taladda hore in ay dhacdo baan rajaynayaa madaama dagaal dunidan horumartay aanu la jaanqaadi karin waxa aan rajaynayaa hogaamiyaaasheenu inay yeeshaan aragtida Abiy Ahmed ee si loo gaaro iskaaashi dhaqan dhaqaale iyo wada noolaasho looga tabaasuli karo is nacayb oo loo badali karo is jacay cidii ad is hayseen. Sow saaxiib sidaas maaha’ de?

Bal labba taariikh oo isbadal keenay aan yar dul istigaano: waa curashadii SNM oo ka dhalatay cadalad daro, cabudhin iyo awooda iyo khayraadka dalka oo si siman loo qaybsan waayay. Kacdoonkaas waxa dabka kusii shiday dilkii Kornel Cabdilahi Siciid iyo ardaydii dhagaxtuurka samaysay oo qaarna dil lagu xakumay qaarna xabsi loo taxaabay sida uu qorayo buuga, Raadraaca Taariikhda Somalida.
Nasiib daro hogaamiyaashii SNM oo hada iyagu taladii dalka gacanta ku haya kama ay shaqayn midnimo wada gaadha bulshadda Somaliland dagta iyo dareen wadda lahaansho toona iskaba daa awood qaybsi la sameeyo’e. Markaas oo kale waxa aad is waydiinaysa maxaa laga dagaalamay shalay?

Taariikhda labaad ayaa iyaduna ah midii ka dhacday Koonfurta Africa (South African ) iyaddan oo uu jiro midabtakoor baahsan oo aan loo dulqaadan karin ayaa hal mar la diley Nelson mandela saaxiibkii wuxuu damcay in uu u doodo maadaama lawyar uu ahaa balse cid kama dhagaysan maalmo ka bacdi ayaa hadana dad mudaharadaya xabad lagu furey ilaa uu ururkii ANC( African National Comossion uu dilaacay oo uu aakhirkii dalka in uu xukumo gaaray isaga oo u maray marxalado aaad u adag. Boowe maxaa kaaga baxay?

Qoraalkan kooban waxa aan jeclaystay bal in aan ku iftiimiyo xiriirka ka dhexeeya taariikhdeeena Somalinimo ee hore iyo tan maanta wabilaahi tawfiiq.

WQ: Liibaan Awaleh Liibaan (LCL
liibaanlcl77@gmail.com