Shan qodob oo cadaynaya in aanay Somaliya rabin midnimo (WQ: Barkhad-ladiif M. Omar)

1. 1941 kii markii Ingiriisku haystay afar ka mid ah shantii Soomaaliyeed, koonfurtu way diiday in Ingiriis Somali wada maamulo, waxaanay doorteen Talyaaniga, haddii markii Ingiriisku wada maamuli lahaa oo aanay koonfurtu diidi lahayn Ingiriiska, waxa midoobi lahaa afarta Soomaaliyeed oo uu hal mar xoriyada wada siin lahaa, balse ma yeelin waxayna waxgaradkii iyo odayaashii reer koonfur garteen in koonfur lagu wareejiyo talyaaniga, taasina waxay keentay inuu Ingiriisku badhna Kenya raaciyo, badhna Itoobiya, qaybna Somaliland noqoto.

2. Markii labada gobol ee isku yimid ee koonfur wada qaadatay madaxdii oo dhan, saraakiishii jaamacadaha Ingiriiska ka soo baxay waxay sameeyeen inqilaab dhicisoobay 1961, waxay la dareen ahaayeen shacabka reer waqooyi oo u arkay in la yasay oo aan meesha waxba looga ogoleen, hadii madaxdii wakhtigaasi arrintan hoos u eegi lahayd oo ay cadaalad samayn lahaayeen waligood go’Itaan kuma fikireen reer Somaliland, balse ma yeelin ee inta saraakiisha la xidhxidhay baa hawshoodiina iska wateen.

3. Sanadkii labaad ee midowga aftidii dastuurka loo qaaday gobolada waqooyi uma codeen, waxayna mar kale tuseen fariin ah labadda gobol saami is leeg ha loogu qaybiyo, iyadoo la og yahay waxay u codeeyeen ayaa la iska indho tirey oo ay hawshooddii iska wateen, taasina waxay keentay in illaa maanta dastuur loo dhan yahay oo loo codeeyey aanu ka shaqayn dalkii soomaali la odhan jirey.

4. 1969 markii Militerigu la wareegay taladii dalkii Soomaaliyeed, waxa markiiba la bedelay magacii lagu heshiiyey ee jamhuuriyadii Soomaaliyeed (Somali republic) , waxaana laga dhigay jamhuuriyada Somalia, waa magacii talyaanigu u yaqaanay dhulkaasi, taasina waxay cadaysay wixii la qarinayey ee ahaa dal dal kale qabsaday ama in koonfur madax noqoto, waqooyina shacab la xukumo noqoto.

5. Imika oo la marayo 2020 waxay dawladda Somalia u dhisan tahay qaabkii lixdankii loo dhisay Somalia ee cadaalad darada ahayd, hadii jiilkan dambe doonayo in dalka la wada yeesho waxay samayn lahaayeen wax cadaalad ah balse qaabkii awoowyadood wax u qaybiyeen ayey ilaa maanta u qaybinayaan, sidaas bay waliba ku rabaan midnimo afka ah, waayo qaabkii lixdan sanno ka hor u eekeed Somalia ayey maantana u eegtahay, isla saami qaybsigii lixdankii lagu saleeyey dawladnimada Somalia ayaa maanta oo la marayo 2020 lagu salaynaya, tusaale ahaan, madaxweynaha, Raisal, wasaaraha, labada taliye ciidan iyo wasiirka arimaha gudaha iyo dibada sida ay maanta yihiin ayey lixdan sanno ka hor ahayd.
Arrimahaasi waxay cadeyn u tahay in aanay rabin midnimo balse hoonku kaga dhegay uun midnimo afka ah.