Shaqada ugu wanaagsan ee ay tahay in xanuunka COVID19 lagaga hortagaa waa is baadhista

Hay’ada Caafimaadka aduunka u qaabilsana waxay kula talisay dalalka inay bulshadooda baadhaan “test, test,test” ayay halku dhig uga dhigtay aduunka.
Madaxweyne Muuse Biixi waan ku raacsnahay in ay bulshadu is wada baadho, laakiin waxa muhiimadu tahay su’aasha ah inta sheybaadh ee ay Somaliland haysato ee ay ku baadhi karto shacabku haday maanta kuyuu u galaan.

Sida aan ognahay waxa maalmo kooban oo dhawr ah shaqaynaaya hal mashiin oo durba muujiyay sida uu xanuunku dalka ugu dhex faafaayo, kaasi oo markhaati ka noqday garasho la’aantii guddida xanuunkan loo saaray ee maalin walba ummadda la soo hor istaagi jirtay kiis cusub ma jiro iyo kumanaan xuduuda la soo talaabay baanu iskiriingareynay.
Waxa kaloo la sheegayaa in meshiinkii labaad Emaraadku inoo keenay, haseyeeshee waxaan madaxweynaha ka codsan lahaa in dadweynaha loo soo bandhigo waxa qalab ay xukuumaddu soo kordhisay oo ay kaw yihiin kuwa shaybaadhka ah iyo kuwa lagula tacaali karo dadka uu naqasku ku dhego.
Iyadoo aynaan hayn wax ka badan meshiin ama laba ma suurtoobayso in dadka oo idil la baadho madaxweyne.

Dhinaca kale waxa maanta markii ugu horeysay xaalada xanuunkan ka hadlay Afhayeenka xisbiga mucaaridka ee WADANI kaasi oo soo bandhigay su’aalo ay tahay inay ka jawaabaan guddida ka hortaga COVID19 ka, haseyeeshee waxa indhawayd aanu tabaynay in madaxda xisbiyadu gaar ahaan gudoomiyayaashu ay ka gaabiyeen wacyigelinta bulshada ee ku wajahan ka hortaga xanuunkan, iyadoo arrimaha xisbiyada laga dhawrayaan aanay ku ekayn oo keliya dhaliisha ee ay wakhtigan ugu muhiimsan tahay in ay bulshada ka wacyigeliyaan ugana digaan halista xanuunkan uu lee yahay oo ay weliba xukuumadda ku barbar istaagaan Tallaabo kasta oo ay u arkaan inay midha dhal tahay oo wax lagaga qaban karo arrintan.

Afhayeenka Wadani waan ku hanbalyeynayaa inuu ugu yaraan soo bandhigay su’aalaha ay bukshadu is weydiinayso waxana ay tahay in gudoomiyihiisuna uu ummadda la hadlo ugu yaraan toddobaadkiiba mar uu kaalintiisa ka qaato hawshan qaran.
Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan madaxweyne Muuse ku bogaadinayaa dedaalka uu ugu jiro xukuumad ahaan waxaanan ka rajaynayaa in la qaado go’aamo dawladeed oo arrinka wax ka taraaya.

Mustafe Cabdi Ciise โ€œShiineโ€