Sharciga dalku muxuu ka qabaa furista ururrada, dhaqangalka xeer lr-14/2021 iyo mudada axsaabta qaranka ee hadda (WQ: Maxamed Cabdi Jaamac “Maxamed Dhimbiil”)

Sida aynu ognahay shuruucda dalka waxa ugu sareeya dastuurka qaranka jamhuuriyadda Somaliland,  markaa in ururada siyaasada la furaa waa xuquuq dastuuri ah sida ku cad dastuurka dalka qodobka 23naad faqradiisa 3aad iyo waliba qodobka 13naad ee xeer lr-14/2021.

Sida aynu ognahay dastuurada aduunka oo dhan waxa ugu mudan oo ugu muhiimsan qaybta ka hadasha xuquuqaha ( Bill of rights ) oo hadii aanay dastuurka ka mid aheyn aanu dastuur noqoneyn , halkaasi waxa ka cad mudnaanta ay leedahay xuquuqaha dadku.

Mudada sida ku cad Xeer lr-14/2021 qodobkiisa 10naad faqradiisa 5naad waxaa ku qoran in tobankii sanadoodba hal mar la furo ururada siyaasada kaasi oo ku beegan Dec 23 2022 in ay dhacdo doorashada ururada siyaasada iyo axsaabta qaranku.

DHAQAN-GALKA XEERKA

Sida ku cad dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 77naad faqradiisa 5naad waa in madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland 21 maalmood gudahood ku saxeexo ama ku soo celiyo mashruuc sharci kasta oo maray labada gole qaran.

Isla qodobka 77naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 6aad ayaa waxa ay leedahay hadii madaxweynuhu xeerka ku saxeexi waayo mudadaasi kuna celin waayo waxaa faafinta rasmiga ah ku soo saaraya golaha u gudbiyey xeerka.

Waxaa ay xukuumadu cadeysay in uu madaxweynuhu xeerka saxeexay oo ay ururadu furan yihiin laakiin uu qodobo ka mid ah xeerka u soo celiyey si wax looga badelo ama la isku waafajiyo qaab doorasheedyada iyo mudeynta doorashooyinka 2022 jadwalkooga.

Arimahani waxa ay u muuqdaan in ay ahaayeen arimo farsamo oo u yaalay gudida diwaangalinta ururada siyaasada oo ku unkamaysa qodobka 6aad ee xeer lr-14/2021 waxaana madaxweynaha laga sugayaa in uu magacaabo gudigii diwaangalinta ururada siyaasada maadaama xeerku dhaqan-gal yahay.

MUDADA XISBIYADA HADDA JOOGA UU WAKHTIGOODU DHAMAANAYO.

Sida ku cad qodobka 8aad ee Xeer lr-14/2021 faqradiisa 1aad mudada xisbiyada qaranku waa 10 sanadood oo ka bilaabanta taariikhda shahaadada xisbinimo la siiyey.

Sida uu dhigayo xeer lr-14/2021 qodobkiisa 9aad faqradiisa 1aad iyo 2aad ururada siyaasada waxa uu hawl galkoodu ka bilaabmayaa 6 bilood ka hor mudada ay gudiga diwaangalinta siiso ogolaanshaha hawlgalka .

Halkani waa meesha uu murugu ka taagan yahay oo dadka qaar u fahamsan yihiin in liisamada xisbiyadu ku eeg yihiin laakiin waxa meesha ka maqan gudigii diwaangalinta ururada siyaasada ee shaqadan qabanaysay ilaa hadda , laakiin ma jiro cimriga axsaabta wax ka dhinmayaa ee waxa ay dhameysan doonaan mudo xileedkooda.

Waxaa is dhex socon kara laba kaambayn oo kala ah ka ururada siyaasada ee doorashadoodu dhacayso Dec 23 2022 iyo kaambaynka sadexda xisbi qaran ugu tartamayaan doorashada madaxtooyada ee Nov  13 2022 , wax dhibaato ahina ma jirto wax diidayaana ma jiraan , sabab murug dalka looga dhaliyaana ma taallo.

Gunaanadka

Waxa aan qoraalkaygan ku soo gunaanadayaa laba talo oo ku kala socda madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Muse Bihi Abdi  iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland  oo kala ah ;

1- Mudane Madaxwayne mar hadii uu xeerku dhaqan-gal yahay oo aad sidaa ayidey waxa aad xeer lr-14/2021 u soo celisay ay ahaayeen hawlo farsamo oo ah xiliga doorashada, waa in aad hadda magacowdaa 7 todobadii xubnood ee gudiga diwaangalinta ururada iyo axsaabta si ay iyaguna 6 bilood ee hadhay ugu diyaar garoobaan hawlahooga shaqo.

2- Shirgudoonka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland waxa aan leeyahay waxa la idinka sugayaa in aad xeerka ku sameysaan faafin rasmi ah , maadaama soo celinta madaxweynuhu kaliya ku fadhidey is waafajinta xili doorasheedyada ( elections timeline ).

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

hormood@hotmail.com