Qoraal yar ayaynu ku iftiimin doonaa guu ahaan shuarciga ilaalinta macaamiisha, inagoo ka eegayna dhinacyo badan, sida Xuquuqda uu leeyahay macmiilku, qoraalkan waxaaan diirada ku saari doonaa dhamaan xuquuqaha kala duwan ee uu leeyahay wax iibsaduhu, waajibadka saaran, inagoo ka eegayna shuruucda soomaliland ee uu ugu horeeyo dastuurka, iyo xeerarka ka farcama ee baarlamaanka sida xeerka hay’adda dhawrista tayada ‘’quality control act’’ xeer lr 68/2014, xeerka mihnadlayaasha caafimaadka xeer lr 19/2001, nasiib xumo ma jiro xeer u gaar ah macmiilka oo ay Somaliland leedahay, sida daraadeed sidii loo sameyn lahaana talo bixinta Ayaan ku dari doonaa iyo muhiimada uu leeyahay, waxaan sidoo kale eegi doonaa shuruucda caalamiga ah iyo sida ay u ilaaliyeen wax iibsadaha, qoraalkani wuxuu daba socdaa qoraalo aan ugu talagalay inaan kaga hadlo kaliyaata arimaha khuseeya sharciga, waxa ka faa’ideysan kara oo tixraac ahaan u noqon karaa ama u isticmaali kara qofkasta oo daneeya arimaha sharciga, dhigta ama ku shaqeeyaba iyo guud ahaan qofkasta oo raba in uu wax badan ka ogaado Xuquuqda iyo waajibaadka marka uu wax iibsanayo ee uu tacaamul samaynayo ama isagu wax iibinayo.
Dhamaan teen waxaynu nahay macmiil sida aynu ka wada dharagsan nahay, mar aynu wax iibsanayno iyo mar wax aynu iibinaynaba, sheygaasi ha ahaado adeeg ama alaab ‘’goods or services’’ sida daraadeed sharcigu wuu ilaaliyay qofkasta oo wax iibsanaya si la mid ah ka wax iibniya ‘’buyer and the seller’’.
Macmiil yaynu odhan Karnaa ama ku qeexi karnaa?
Macmiil waxaynu ku qeexi karnaa qofkasta oo iibsada alaab ama adeeg si sakhsi ahaana u isticmaalo kaas oo rabitaankiisa iyo baahidiisa ku iibsanaya.
Macmiil waxa kale oo aynu odhan karnaa waa qofka ugu danbeeya ee isticmaala alaab la soo warshadeeyay ama adeeg ay bixinayso shirkad ama qof caadi ah sida adeegayada ay bixiyaan dadka khabiirada ah ‘’professionalism services’’.
Macmiil waxa kale oo aynu ugu yeedhi karnaa Qofkasta oo isticmaala shay kaas oo aanu isagu sameynin ama warshadeynin, kaas oo dibna u sii iibin, macmiilku waxay noqon karaan dad badan ama waxa ay noqon karaan qof keli ah.
Macmiilku Lacag ahaan markaas uu alaabta iibsanayo wuu bixin karaa, sidoo kale balanqaad ayuu sameyn karaa ‘’promise to pay’’ waxa ay ku xidhan tahay kolba siyaasadda meeshaas uu la tacaamulayo. Sidaas daraadeed sharcigu wuxu siiyay ilaalin buuxda qofkasta oo alaab iibsnaya ama adeeg iibsada, sharcigu wuxuu sidoo kale saaray waajib marka uu wax iibsanayo macmiilku qodobada hoose ayaynu kaga hadli doonaa iyagoo faahfaahsan.
Ilaalinta Macmiilka ‘’ Customer Protection’’
Ilaalinta macmiilku waa hab lagu ilaaliyo dadka iibsada adeegyada ama alaabaha, iyadoo laga ilaalinayo in uu dhacdo dhaqanada cadaalad darada ah marka la joogo suuqa kala iibsiga ‘’unfair practices in marketpalce’’. Ilaalinta macmiilku waxay ka hor tagaysaa in ay dhacdo khiyaamo ama been ka sheegid alaab si loo helo faa’ido ama la Marin habaabiyo macmiilka tusaale ahaan shirkad ayaa shay xayaysiisay kaas oo ay ku sheegtay tayo aanu lahayn ka dib dadkii macmiilka u ahaa ay iibsadeen iyagoo ka waayay tayadii ay rajaynayeen, taas oo kale ayay ka hortagaysaa ilaalinta macmiilku.
Ilaalinta macmiilka waxa doorka ugu weyn ku leh dawladda iyadoo dhawr nooc u ilaalin karta, sida in ay Sameyso Halbeegyo lagu ilaalinaya macmiilka Ka hor intaan la samaynin ama la warshadeynin alaabta in ay Halbeegyadaasi u dhigaan Heer tayeed ayna ka hoos mari Karin, iyo marka la soo saaro shaygii in ay xakameyso sidii suuq uu galayay tijaabintii iyo waliba inaan lagu dul qorin wax dheeraad ah oo aan sheygaasi lahayn iyadoo ka hortagaysa marin haabinta ‘’misleading’’.
Nuxurka ugu weyn ayaa ah in la ilaaliyo dhamaan danaha macmiilka, iyo in la qaado dhamaan talaabooyinka lagaga hortagayo waxkasta oo caafimaadka, maslaxada macmiilka wax u dhimaysa, iyo haddi macmiilka xuquuqdiisa wax loo dhimo sida ugu dhakhsaha badan ee loogu magdhabi lahaa looguna ciwad celin lahaa.
Dhaqanada Aan Cadaaladda aheyn ‘’unfair practices’’
Dhaqanada aan cadaalada aheyn sharcigu wuu mamnuucay waana sharci darro, waxaana tusaale ah in laga been sheego shaygii laga sameeyay alaabtaas, sababta loo mamnuucay dhaqamada aan cadaaladda ahayn ayaa ah in ay dhibaato u leedahay macmiilka, sidoo kale ay dhibaato iyo waxyeelo ku tahay guud ahaan ganacsiga. Waxaana ka mid ah iibinta alaabo ciladeysan, sixir qaali ah, tayo aan lahayn, xayaysiisyada khaldan, alaab sumaysan iwm, sidaa daraadeed dhawrka ugu caansan ayaynu yar xusi doonaa.
- Alaab Aan Sax aheyn/alaab Cilad leh ‘’Defective products’’
Khiyaamadu guud ahaan waa mamnuuc oo hadaynu umad muslim ah nahay ‘’xadiiskii nebigeena Csw wuxuu inoogu sheegay qofkii wax khiyaameeya inaga mid ma aha’’ Nebigu Csw wuxuu mamnuucayay qishka iyo khiyaanadda, Hadaba laba nooc ayay ku xumaan kartaa alaabtii Waxa ay noqon kartaa; in alaabtaasi ay cilad yeelatay markii la warshadeynanayn ama markii ay suuqa soo gashay, sharcigu cid kasta xuquuqdeeda wuu ilaaliyay, maadama macaamiishu ay xaq u leeyihiin in ay helaan adeeg iyo alaab aan caafimaadkooda wax u dhimeyn, waxa la gudboon dawladda in ay shaybaadh casri ah yeelato oo shay kasta ka tijaabiso ka hor intaan muwaadiniintu wax ku noqonin, Tusaale ahaan shidaalka waa in dawladdu leedahay shaybaadh, markabka marka uu keeno shidaalka la baadho lana hubiyo inaanu wax khasaare ah u geysanaynin gawaadhida, iyo dhamaan waxyaabaha shidaalka ku shaqeeya oo dhan, Waxa tusaalehan la mid ah Dawooyinka, saliidaha la marsado, kariimyada jidhka la mariyo ‘cosmeticska’.
- Xayaysiisyada Marin Habaabinta ah‘’False misleading advertisement’’
Marin habaabibnta wuu mamnuucay guud ahaan qaanuunku, in shay la buun buuniyo oo lagu sheego tayo aanu lahayn lama ogola, haddii ay cadaato in shay lagu xayaysiiyay walxaha uu ka kooban yahay oo ay been noqoto, waxa macmiilku uu xaq u leeyahay in laga celiyo shaygii, hadii uu wax ku noqdana waxa uu xaq u leeyahay in loo magdhabo, isagoo cadeynaya alaabta uu doonayay iyo sida xayaysiiska loogu khalday. Qodobkani wuxuu si toos ah u jabinayaa xuquuqdii aheyd in macmiilku helo xog dhameystiran oo sax ah. Tusaalayaasha xayasiiyada khaldan:-
- In Alaab lagu sheego qiimo aan aheyn qiimihi la siinayay si dadka loogu soo jiito, ama in ganacsatadu tidhaahdo waxaanu samaynay sicir jabin ‘’discount’’ hadana shaygii siinaya intii uu ahaa marka horeba.
- In Alaab lagu sheego waxyaabo aanu koobsanaynin shaygaas ama lagu sheego tayo aanay lahayn alaabtaasi.
- In shay ka mid ah walxaha uu ka kooban yahay oo caafimaadka qofka wax u dhimaysa la sheego inaan shaygaasi kuba jirin alaabtaas, si dadku u iibsadaan.
Xayaysiisyadaas oo loo Mari karo qaab saxaafad ah, xayaysiisyada wargeysyada, majaladaha, Xayeysiiska TV-ga ama raadiyaha, Boodhadhka, riwaayad, Xayeysiisyada dhijitaalka ah ee mareegaha ama taleefannada gacanta, Mareegaha internetka, waraaqaha iibka/tooska ah, Fakisyada, Buugaagta.
- Dhalan gadin ’’Adulteration’’
Dhalan gedisku waa marka sheygii wax laga badalo qaabkoodii asalka ahaa iyadoo lagu darayo walxo aan inta badan ka mid ahayn, sababta ugu weyn ee sharcigu u diiday ayaa ah in tayadii shaygu ka baxayo meesha iyo in marmarka qaar shaygii isku badalayo shay kale, oo aan aheyn kii asalka ahaa.
Waa dhaqanadda cadaaladda ka fog ee ka dhex dhaca suuqa ganacsiga, sharcigu wuu ka hortagay arintaas oo wuu mamnuucay, sababta ay ganacsatadu sidaas u sameynayso ayaa ah in rabaan in ay ku badiyaan tirada oo meesha ka saaraan tayada ‘quality’, muhiimadda ugu weyn ee ay leeyihiin waa in uu badato faa’idadii ka soo galaysay iyo dakhliga ay soo xareynayaan.
Dhamaan dhaqamada aynu sare ku soo xusnay iyo kuwo kale oo u dhaca si qarsoonba waa mamnuuc waxaana muhiim ah in ay ka digtoonaadaan dhamaan dhaqanada noocan ah, ayna ku shaqeystaan si cadaalad ah oo sharciga waafaqsan.
Xuquuqda Macmiilka ‘’consumer rights’’
Qaybteena labaad waxaynu yara iftiimin doonaa dhawr xaq oo la isla aqoonsan yahay guud ahaan, kuwaas oo ilaalin Kara caafimaadka, rabitaanka, tayada alaabta, macmiil kasta oo wax iibsanaya. Xuquuqahan soo socda midba midka kale ayuu ku tiirsan yahay oo waa qaar aan lakala qaadi Karin.
- Xaqa Badbaadada ‘’Right to safety’’
Waxaa loola jeedaa xaqa in laga ilaaliyo suuqgeynta badeecadaha iyo adeegyada kuwaas oo khatar ku ah naf iyo maalba. Alaabta la soo iibsaday iyo adeegyada la isticmaalayo waa in aanay daboolin baahida degdegga ah ee macmiilka, laakiin sidoo kale waa inay buuxiyaan danaha iyo tayada mustaqbalka fog.
Kahor iibsashada, macaamiishu waa inay xaq u helaan tayada badeecadaha shayga ay iibsanayaan ama adeega ay isticmaalayaan iyo sidoo kale dammaanadda badeecadaha iyo adeegyada. Waa inay doorbidaan inay iibsadaan alaab tayo leh oon wax u keeni Karin nafahooda iyo maalkoogaba.
Xaqani Wuxuu u damaanad qaadayaa macmiilka in uu ilaaliyo naftiisa, caafimaadkiisa isaga oo ka ilaalinaya in macmiilka laga iibiyo alaab khatar ku ah, noloshiisa isaga iyo qoyskiisaba, xaqani waxa uu ka mid yahay xuquuqda ugu waaweyn ee uu leeyahay macmiilka ama qofkasta oo alaab iibsanaya.
Tusaale ahaan Alaabaha ay iibiyaan farmasiiyadu sida dawooyinku, alaabaha dumarku jidhka marsadaan, Cuntada moorsan ee la soo warshadeeyo, dhamaan alaabahan waa in ay noqdaan kuwo aan waxba u dhimayn nafta bini’aadamka.
- Xaqa in uu helo Xog ‘’Right to information’’
Xaqani wuxuu ka mid yahay Xuquuqda aasaasiga ah ee wax iibsadaha waa in macmiilku helaa xog dhamesytiran oo ku saabsan adeega uu doonayo ama alaabta uu iibsanayo.
Macnaheedu waa xaq in lagu wargeliyo tayada, tirada, awoodda, badqabnimada, heerka iyo qiimaha alaabta si looga ilaaliyo macaamilka dhaqamada ganacsi ee aan caddaaladda ahayn ‘’unfair practices’’.
Xogtani waa in ay noqotaa xog run ah oo aan beeni ku jirin iyo Marin habaabin ‘’misleading’’ oo waxay noqonaysaa danbi ciqaabeed haddii xog Marin habaabin ah la siiyo, waxaanu xaq u yeelanayaa in uu iska celiyo alaabta haddii shaygii lagu dul qoray uu ka waayo ama tayadii lagu sheegay uu yeelan waayo.
Macmiilku waa inuu helaa xaqan ah dhamaan macluumaadka ku saabsan badeecada ama adeega ka hor inta aanu dooran ama go’aan samayn. Tani waxay awood u siin doontaa inuu u dhaqmo si xikmad leh oo masuuliyad leh waxa ay sidoo kale awood u siinaysa in uu si wanaagsan wax u doorto.
Xogta waxa lagu dulqori karaa shayga ‘’labeling’’ ama waxa la soo raacin karaa warqad sharaxaysa waxyaabaha uu ka kooban yahay shaygaasi.
- Xaqa Inaad wax Doorato ‘’rights to choose’’
Xaqan Waxa macnihiisu Noqonayaa Inaad awood u yeelatid inaad kala doorato badeecado iyo adeegyo kala duwan, oo lagu bixiyo qiimo tartan leh iyadoo la hubinayo tayada lagu qanco. Taas waxa ay ka dhigan tahay in aad wax diidi karto waxna qaadan karto ood dooran karto.
Waa sababaha ugu waaweyn ee loo mamnuucay kootadda oo meesha ka saaraysa xaqa kala doorashadda tusaale ahaan marka alaab qudha shirkad ama cid gaar ah kooto loogu xidho waxa meesha ka baxaya in aad shaygaas diidi karto sidoo kale qiiimo ku raali galinayana aad siisato, waad ku qasbanaanaysaa in aad shaygaas qiimihiisa ku iibsato xitaa haddii aanu tayo wanaagsanayn. Sidoo kale xaqani wuxuu faa’ido u yahay macaamiisha maadaama ay shirkaduhu ku tartamayaan suuqa waxa ay alaabtii siin karaan qiimo macquul ah oo waliba tayo leh. Xuquuqdan waxa si fiican loogu isticmaali karaa suuq shirkado badani ka jiraan suuqana uu yahay mid xor ah oo tartan ah oo alaabooyinka kala duwan laga heli karo.
- Xaqa In La Maqlo
Xaqa in la maqlo macmiilka Macnaheedu waxa ay tahay in danaha/rabitaanka macaamiishu ay heli doonaan tixgelin haboon iyo in la dhagaysto marka la joogo golayaasha ku haboon. Micnaha uu xambaarsan yahay qodobkani ayaa ah in ay helaan macaamiishu cid danahooda u dooda oo ka hadasha waxyaabaha ay tabanayaan sidoo kale sheegta waxyaabaha ay diidan yihiin ee ka soo horjeeda danahooda, macaamiishu si ay u helaan xuquuqahan waa in ay ku yeeshaan matalaad dhab ah dhamaan golayaasha kala duwan ee qaranka.
Macaamiishu waa in ay abuuraan ururo leh jiritaan sharci ‘legal personality’ aan siyaasad ahayn iyo kuwo aan ganacsi ama faa’ido doon aheyn kuwaas oo u doodi Kara, una hadli Kara, sidoo kale matalikarana dhamaan baahiyaha macaamiisha, sidii loogu samayn lahaa shuruuc ilaalisa, hadii lagu xadgudbana sidii ay u heli lahaayeen magdhow iyo ciwad celin.
- Xaqa in la raadsado sixid
Waxaynu hore u soo araganay in dhamaan macaamiishu ay leeyihiin xuquuq ah in aan laga iibin wax khaldan, inaan la siin xog khaldan, inaan lagula dhaqmin ficiladda aan cadaaladda ahayn oo uu sharcigu mamnuucay, waxa sidoo kale sharcigu sii sheegay hadii ay dhacdo arimahaasi xuquuqdii kale ee ka dhalanaysay, Macnaha guud ee xaqani waxa uu xambaarsan yahay sida ugu haboon ee loo raadinayo sixid ka dhan ah dhaqamada ganacsi ee aan cadaaladda ahayn ama ka faa’iidaysiga aan damiirka lahayn ee macaamiisha.
Waxa kale oo ka mid ah xaqa in si cadaalad ah loo xaliyo cabashooyinka dhabta ah ee macaamilka, oo aan dhagaha la iska tirin, Macaamiishu waa in ay u dacwoodaan cabashadooda sifo sharci ah, Marar badan waxaa laga yaabaa in cabashadooda ay tahay mid qiimo yar balse saameynta ay ku leedahay ganacsiga iyo bulshada guud ahaan waxaa laga yaabaa in ay aad u weyn tahay. Waxa kale oo u doodi Kara ururada aan hore u soo sheegnay ee macaamiishu leedahay, ama hadii ay haystaan matalaad golayaasha ah, gudiyo iyo wixii u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda macaamiisha, si ay u raadiyaan wax ka qabashada cabashooyinkooda.
- Xaqa Waxbarida Macmiilka
Waxa aynu hore u soo aragnay una soo sheegnay in xuquuqaha macmiilku ay yihiin kuwo iskaabaya oo is dheeli tiraya oo midba midka kale uu ku xiidhan yahay, xaqa ah wax barida macmiilka waxa uu ku xidhan yahay xaqii aynu hore u soo aragnay ee ahaa ‘’right to information’ oo aheyd in uu macmiilku xog helo, Micnaha guud ee qodobakani isla kaas ayuu u dhaw yahay oo waxa weeyaan in macmiilka wax labaro oo hadii alaab cusub suuqa timaado in la baro shaygaasi wuxuu yahay, sida loo isticmaali, faa’iidada uu leeyahay, halka adeega marka aynu ka eegnana waa in macmiilka la baraa kolba adeega cusub, noociisa, sida uga haboon ee uu uga faa’ideysan lahaa adeegaas cusub, nuxurka uu xambaarsan yahay qodobkani ayaa ah in shay aad u baahan tahay shaqadiisa aanad garanaynin sida loo isticmaalayo, magaca shaygaasi, waxa sidoo kale ku hoos jira xaqan ah in macmiilka digniin la siiyo oo loo sheego khataraha ka iman kara adeeg ama alaab uu iibsaday.
- Xaqa in loo hagaajiyo shayga/loo badalo/lacagtii loo celiyo
Macmiilku wuxuu xaq u leeyahay in loo hagaajiyo ama loo badalo shaygii uu iibsaday haduu noqdo mid aan wanaagsanayn oo uu xumaado, laakin waxa shardi ah inaanu samaynin wax dayac ah ama masuuliyad darro ah, oo aan shaygaasi sababtiisa ku xumaanin, waa in sidoo kale uu la imaadaa niyad wanaag ‘’good faith’’ oo uu cadeeyaa in shaygaas aanu isagu kharibin, maadama aynu nahay dad islaam ah Diinteena ayaaba mamnuucaysa khiyaamada iyo been sheegida.
Sidoo kale macmiilku wuxuu xaq u yeelanayaa in loo ciwad celiyo shaygii uu iibsaday hadiii ay yeelan waydo tayadii uu u iibsaday, ama noqon waydo alaabtii uu rabay ama adeega sidii uu doonayay ee uu heshiiska wax kala iibsaga ku galay loogu qaban waayo, waxa muhiim ah in sida ugu dhakhsaha badan leh ula xidhiidho cidii shaygaas ka iibisay, oo wakhtigu wuxu ogol yahay muddo macquul ah oo ma ogola bil ka dib ama muddo badan ka dib inaad shaygii soo celiso ood tidhaadhdo wuu xumaaday, ganacsatada qaar ayaa ku xidha damaanad ‘waranty’ qaar 24 saac qaar kalena sanad ama laba sanno oo damaanad ah ayay siiyaan macaamiisha, badanaa waxa biyaxa damaanadda shirkadaha ka haysta brandka shirkadii soo samaysay alaabtaas.
Waxyaabaha ay ka faa’ideystaan Ganacsatadu si ay u lumiyaan Xuquuqda macmiilka
Waxa aynu soo tirinay xuquuqo badan oo uu leeyahay macmiilku taas oo ay tahay in la ilaaliyo oon lagu xadgudbin xuquuqahaas, taas oo ay ka dhalan karto masuuliyad maaliyadeed iyo mid ciqaabaad, hadaba badanka ganacsatadu waxay ka faa’ideystaan qodobo badan si ay u sameeyaan khiyaamo, iyagoo ka helaya faa’iddo dhaqaale, waxaana ka mid ah, isku xidhnaan la’aanta, garasho la’aanta xuquuqaha macaamisha, wacyiga macaamiisha oo aad u hooseeya.
- Jahliga Macaamiisha ’ignorance of customers’
Qodobkan waxa ay uga faa’ideystaan ganacsatadu in aanay macaamiishu garanaynin haba yaraatee xuquuqdooda iyo maxay xaq u leeyihiin, inta xaq ee ay leeyihiin, sida ay u isticmaalayaan xuquuqahaas, iyo sidoo kale waa maxay waajibaadka saran, noocyada waajibaadka, tani waxay keenaysa in si dhib yar lagu khiyaamayn karo, xuquuqdooda lagu duudsiin karo, inaan waxba layskaga tirin macaamiisha oo sidii danta u ah ganacsataddu ula dhaqanto.
Marka aad wax iibsanayso xuquuqaad badan ayaad leedahay oo ay ka mid tahay xaqa xog helista, xaqa shay nadiif ah oo bilaa cilad ah lagu siiyo, xaqa wax u sheegida iyo in lagu baro shayga aad iibsanayso sidii loo isticmaali lahaa, inaan alaabtu ama adeegu aanu wax u dhimi kareynin hantida, maalka, caafimaadka iyo deegaankaba, dhamaan xuquuqahaas iyo qaar kaleba hadii aanad garanynin aayar baa lagu duudsiin karaa, sababtuna waa garan waashiyahaaga.
- Isku xidhnaan la’aanta/abaabul la’aanta macaamiisha
Badanka macaamiishu ma laha ururo baraarujiya oo u dooda xuquuqdooda, sidoo kale ma jiraan dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqaha macaamiisha, sidoo kale iyagu isma kaashadaan oo ma laha isku xidh wanaagsan, oo midkasta gaarkiisa ayay ugu dhacdaa dhibaatadu, tan waa qodob aad u weyn oo ka faa’ideystaan ganacsataddu, maadama aanay jirin cid la xisaabtami kartaa, ka soo horjeedsan karta, lana gorgortami karta ganacsatada.
Waajibaadka Macmiilka
Waxa aynu soo aragnay Xuquuqda uu leeyahay macmiilka iyo waajibaadka saaran qofka wax iibiyaha ah ‘seller’ sidoo kale waa muhiim in aan wax ka sheegno Xuquuqda uu leeyahay wax iibiyuhu oo noqonaysa waajibaadka wax iibsadaha, sida sharciga ahna markasta oo laga hadlo xaq waxa soo galaya meesha waajib oo masalo sharci ah ayaa tidhaahda ‘’every right has corresponding duty’’ oo micnaheedu yahay xaq kasta oo cid la siiyo waxa daba socda waajib laga rabo in uu ka soo baxo si uu u helo xaqaas. Dhawr qodob oo ku waajib ah qofka wax iibsadaha ayaynu soo qaadan doonaa waxaana ugu waaweyn:-
- In uu xog hayo ‘’The responsibility to be informed’
Waajibka ugu horeeya ee sharcigu ku saarayaa waa inaad xog hayso, oo aad ka warqabto waxa aad doonayso, noocu yahay, sida loo isticmaalo, taas waxa ay kuu saamaxaysaa inaad alaabta ku dalbato rabitaankaaga iyo dookhaagaba oo aad sheegto shayga aad rabto wuxu yahay, wuxuu ka kooban yahay, Tusaale ahaan hadii aad meherad soo gasho oo aad rabto moobil waa inaad garan gartaa inta nooc ee moobil ee jira, nooca aad rabto adigu hadii uu yahay iphone ama Samsung iyo shirkadaha kale ee jiraba, waa inaad garan kartaa moobilkaas sida aad u isticmaali kartid oo aanad si aan loogu talagalin u isticmaalin.
Adeeg haday noqotana waa inaad garan kartaa nooca adeeg eed u baahan tahay, hadii aad adeega internetka u baahato, waa inaad garan kartaa sababta aad adeega ugu baahatay, sida aad u isticmaali doontid, inta shirkadood ee adeegaa bixiya, si marka adeegii laguu qabto aanad u garan waayinba maxaa xigay.
- Waajibka ah in uu si miirqabta wax u doorto ‘’The responsibility to choose carefully’’
Sharcigu wuxu waajib kaaga dhigayaa in aanad dayacin kaalinta aad ku leedahay iibka shayga, oon dayac iyo masuuliyadd darro halkaaga ka iman, qodobkan wuxuun buu sheegayaa inaad ka hortag sameyn karto, shayga aad dooranayso inaad iska xulato marka hore oo aanad qaadan mid leh ceebo ama dusha ka garan kartoba dhaawac, Xuquuqda waxaad yeelan kartaa marka aad si miir leh wax u doorato ee hadhow uu gadaal ceeb qarsoon ka yeesho, alaabaha qaar waxa jira u baahan in ceebahooda markaaba la ogaado iyo qaar u baahan in la tijaabiyo oo muddo la soo isticmaalo.
- Waajibka ah in uu alaabta u isticmaalo si taxadir ah oo nabad ah ‘’The responsibility to use products safely’’
Macaamiishu waa inay raacaan tilmaamaha lagu bixiyay buug-gacmeedyada alaabta ama agabka kale ee ku saabsan isticmaalka badbaadada leh ee alaabta.
Tusaale ahaan waxa jira alaabo u baahan in si taxadir leh loo isticmaalo oo haddii si aan haboonayn loo isticmaalo keeni karta dhibaato deegaan ama mid caafimaad ahaan, Macmiilku waa inuu akhriyaa hagaha sidoo kale raacaa tilmaamaha ‘instructions’ daawaynta qabow/kulul si loo ogaado qiyaasta loogu talagalay. Haddii aad ogtahay in alaabtu tahay mid aan badbaado lahayn, marka hore la xidhiidh iibiyaha ama soo saaraha. Haddi wax ka qaban waydo Shirkadu, la xidhiidh wakaaladda ilaalinta macaamiisha ama dacwad sharciga waafaqsan ka furo maxkmadda awoodda u leh.
- Waajibka ah in uu lahaado xirfadaha macmiilka ‘’ The responsibility to learn costumer skills’’
Waxa kugu waajib ah ah marka aad wax iibsanayso inaad si xirfad leh wax u iibsato, maadama aduunka ganacsiga maanta uu ku badan yahay beenta, khiyaamada iyo waxyaabaha aan u wanaagsaneyn ganacsiga, adigoo og waxyaabahaas oo dhan in lagu dago waa dayac halkaaga ka imid, sidaa daradeed waa inaad la timaadadaa Xirfadaha Macmiilka Soona heshaa dhamaan macluumaadka iyo xogaha kaa caawinaya inaad samayso wax iibsi wanaagsan. Waxa jira dhawr qodob oo qoraayadu qoreen inaad raacdo oo aad ku horumarin karto xirfadahaaga macaamilka:
- Akhri macluumaadka ku qoran calaamadaha iyo hagayaasha.
- Is barbar dhig qiimaha dukaamada kala duwan, oo raadi iibka jaban, tayo leh, adeegiisu wanaagsan yahay.
- Ha ku dagsoomin xayaysiiska oo run ha u qaadan.
- Akhri daabacadaha laga qoro macluumaadka macaamiisha.
- Ka qaybgal xiisado ama aqoon-is-weydaarsi ku saabsan arrimaha macaamiisha iyo dhibaatooyinka.
Somaliland shuruucdeedu sideebay u ilaalisay Xuquuqda macaamiisha
Waxa aynu soo sharaxnay dhamaan xuquuqaha iyo waajibaadka ay leeyihiin macaamiishu, waxa aynu isku xidhi doonaa shuruucda wadankeena iyo sida ay u ilaaliyeen macmiilka, waxa aynu soo qaadan doona ugu horeyn dastuurka jamhuuriyadda Somaliland ee aftida loo qaaday 31/5/2001.
Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka kooban yahay 5 qaybood iyo 130 qodob guud ahaan dastuurku waxa weeyaan heshiis bulsho meel ku wada nool waxa uu sheegaa dastuurku qaabka dawladnimadu noqonayso, Xuquuqda muwadiniita, waajibaadka saaran muwaadiniinta, kala xadeynta saddexda waaxood ee qaranka ‘garsoorka, sharcidejinta, fulinta’. Sidoo kale dastuurku wuxuu dhigaa guud ahaan mabaadiida wadankaas ku dhaqmi doono, isagoo ah xeerka ugu sareeya ee wadanku leeyahay ‘’highest law’’, dhamaan wixii ka hor imaadaana waa waxba Kama jiraan ‘nul and void’.
Hadaynu soo qaadano waxyaabaha uu ku tiirsan yahay dastuurku ee lagu saleeyay/la waafajiyay markii la samanaynayay waxa ka mid ah:-
- Shareecada Islaamka.
- Go‟aan qaadasho ku timaadda talo-wadaag.
- Isu-dheellitirnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta; Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.
- Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda (Decentralisation).
- Dammaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda suuqa xorta ah.
- Qiimo-weynida nolosha qofka oo la imanaysa sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.
- Nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha gobolka iyo adduunweynaha.
Mabaadi’dan sare ku xusan ayuu ku dhisan yahay dastuurkeenu, waana waxyaabaha asalka u ah dastuurka ee uu ka soo farcamay. Waxaynu ka hadli doonaa ama iftiimin doonaa sida uu dastuurku u ilaaliy Xuquuqda muwaadiinta gaar ahaan macaamiisha, sida ka muuqata mabda 6 ee odhanaya ‘’ Qiimo-weynida nolosha qofka oo la imanaysa sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadaha qofka’’ waxa aynu ka fahmi karnaa qodobkan sida uu ilaaliyay dastuurka jamhuuriyadda Somaliland qiimaha bini;aadantinimada, oo ilaahay subhaanahuu wa tacaala uu karaameeyay, oo uu fadli yeelay dhamaan makhluuqaadka kale oo dhan, haday noqonayso Xuquuqda nolosha oo ah shay qaali ah, ilaahayna mamnuucay in naf la jaro, iyadoo qofka loo dili karo si badheedh ah ama in sabab uu ku dhinto la sameeyo, tusaale in alaab dhacday laga iibiyo, ama dawo sun ah laga iibiyo, taas oo keeni karta in uu qofku waayo xaqii nolosha.
Dastuurka somalialnd waxaa sidoo kale uu ku dhisan yahay mabaadi guud oo ah qodobadan soo socda:-
- Sinnaanta Muwaadiniinta.
- Nidaamka Siyaasadeed.
- Xidhiidhka Debedda.
- Dhaqaalaha Dalka.
- Hantida Guud, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Wax-soo-saarka Wadaniga ah.
- Cashuuraha, Takaaliifta iyo Ribada.
- Waxbarashada Dhallinyarada iyo Isboortiga.
- Horumarinta Cilmiga iyo Suugaanta, Hiddaha iyo Dhaqanka.
- Deegaanka iyo Wax-ka-qabashada Aafooyinka.
- Daryeelka Qaybaha Bulshada Baylahsan.
- Shaqada, Farsamada, Daryeelka iyo Badbaadinta Shaqaalaha.
Sida aynu ogsoonahay sharcigu laba si ayuu u hadlaa, marka aynu ka eegno dhinaca uu la hadlayo mar wuxuu u hadlaa si guud ‘’generallity’’ marna si gaar aah, marka aynu ka eegno dhinaca kalena, mar waa in uu si cad wax u sheego ama wax u mamnuuco, marna waa in uu si maldahan oo laga fahmi karo u hadlo, hadaba dastuurkeenu si guud ayuu u ilaaliyay dhamaan xuquuqaha kala duwan ee muwaadiniinta jamhuuriyadda Somaliland, hadaba waxaynu soo qadan doonaa dhawr qodob oo si guud u ilaalinaya Xuquuqda macaamiisha, marna noqon kara in si maldahan looga fahmi karo.
QODOBKA 17AAD
CAAFIMAADKA
- Dawladdu iyadoo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxa waajib ka saaran yahay ka haqab-tirka dalka qalabka ka-hortagga cudurrada faafa, helitaanka daaweyn lacag la‟aan ah iyo daryeelka fayo dhawrka guud.
Qodobka 17 ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland waa qodabadda sida guud uga hadla xuquuqaha macmiilka, waxa uu qodobkan marka koowaad faraya xukuumadda in ay siyaasad guud ka yeelato caafimaadka, siyaasadaas oo uu ka dhalan doono xeerka caafimaadka lagu maamuli doono, waxa isla qodobkan sheegayaa in ay waajib ku tahay xukuumadda dhamaan daryeelka guud ee caafimaadka muwaadiniinta, waa in ay ka ilaalisaa muwaadiniinta waxyaabaha halista ku ah caafimaadkooda, haday tahay alaab la soo dhoofiyay ama alaab la warshadeeyay, alaabahaas oo wax u dhimi kara caafimaadka muwaadiniinta reer Somaliland, waa in ay dawladda heshaa qalab tayadiisa lagu kalsoonaan karo oo baadhi kara shay kasta oo wadanka soo galaya ama lagu sameeyo heer tayeedkiisa.
QODOBKA 24AAD
XAQA NOLOSHA
- Nafta aadamuhu waa deeq Ilaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa,
Waxa aynu soo qaadan doona qodobka 24aad Sida qodobkan ka muuqata wuxuu inoo sheegayaa muhiimadda ay leedahay nafta bini’aadamka, waana hadiyadaha ugu qaalisan ee qofka ilaahay siiyo, sidaas daraadeed waa mamnuuc waxkasta oo uu ku waayi karo, haday noqoto dawooyin/cunto/alaab sumaysan, qaar dhacay, iyo dhamaan waxkasta oo khatar ku ah nafta aadamaha, sidaas daraadeed dastuurka jamhuuriyadda Somaliland sharci ahaan wuu ilaaliyay wuxuuna siiyay ilaalin dhamaystiran, waxa uun muhiim ah in xeer gaar ah laga sameyo, kaas oo ilaalin doona Xuquuqda macaamiisha, sidoo kale aan ka hor imanaynin dastuurka JSL, xeerarka dalka ee dhaqangalka ah iyo kuwa caalamiga ahba.
Xeerka Hay’adda dhawrista tayada xeer lr 68/2014
Somaliland waxa laga aasaasay guddi lagu magacaabo hay’adda dhawrista tayada oo madaxweneihii hore ee jsl uu digreeto madaxweyne ku aasaasay 2010, sidoo kale golaha baarlamaankuna sameeyay xeerkii ay hay’adaasi ku shaqeyn lahayd sanadu markii ay ahayd 2014 kii sanadu markii ay aheyd 2015 ayaa madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda Somaliland saxeexay xeerkaas sidaasna dhaqan gal ku noqday, xeerka hay’adda dhawrista tayada xeer lr 68/2014 waxa uu ka kooban yahay 45 qodob iyo 4 qeybood.
Ujeedada guud ee xeerkan laga leeyahay waxa weeyaan;
- Xeerkani waxa uu dhiiri galinaya daryeelidda heer tayeedka,
- cabbiraadda iyo sugidda kalsoonida agabka,
- adeegga iyo dhaqan galinta;
- Si loo aasaaso Hay’adda Dhowrista Tayada Somaliland oo u taagan horumarinta, daryeelidda iyo dhiiri-galinta heerarka tayo.
- Ogolaansho cadna u haysata shaqadeeda maamul iyo ilaalineed ee tirtiridda wax-soo saarka been abuurka ah ama tayadiisu liidato.
Sida ku cad qodobka 7aad waxa uu dhigayaa Mabaadii’da Guud iyo Ujeedooyinka Gudida loo aasaay waxaana ugu muhiimsan:
- In la baadho lana hubiyo badeecadaha xambaarsan khataro iyo haliso waxyeelo u geysan kara Dadka Somaliland.
- In la dejiyo halbeegyo lana hubiyo inaan laga hoosayn halbeegyadaas
- In la xaqiijiyo in si buuxda loo hubiyo tayada dhamaan wixii dadku isticmaalo
- In la cadeeyo digniinaha luqadaha qalaad ee ku suntan agabka iyo anfaaciga iyo dhamaan badeecadaha keeni kara haliso caafimaad, dhaawac iyo dhimashooyinba.
- In dadweynaha laga ilaaliyo halisaha la xidhiidha badeecadaha.
- Tayaynta, abuurida iyo kor u qaadida heerka caafimaad ee wax-soo saarka wershadaha dalka iyo alaabooyinka soo dega, xoolaha iyo beeraha si loo ilaaliyo caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba shacabka Reer Somaliland.
- Xadaynta heer aanay ka hoosayn Karin adeega iyo alaabooyinka soo degaya (standardizations).
- Hubinta iyo gaadhsiinta baayacmushtarka heerka loo xadeeyey iyo fulinta sharciga loo dejiyo.
- Talo-siinta macaamiisha, shacabka iyo qiimaynta badeecadaha dalka soo gala, kuwa dhoofaya iyo kuwa ka soo baxa wershadaha dalka iyo beeraha.
- U kuur-gelida in baadhitaan lagu sameeyo waxyeelooyinka ay sababaan alaabada dalka soo gala ama ka soo baxda warshada dalka.
- Xaqiijinta iyo sugida fayoobida wax kasta oo dalka soo gelaya ama ka soo baxaya wershadaha dalka ama dalka debediisa loo dhoofinayo intaba.
- Abuurida Shaybaadh qaran (National Laboratory System) oo lagaga baxo dhibaatooyinka caafimaad ee dalka iyo dadka haysta.
Xeerka mihnadlayaasha caafimaadka xeer lr 19/2001
Xeerkan oo ka kooban 31 qodob ayaa waxa la asixiyay 2001 sida ka muuqata taariikhda xeerkaba waa xeerarkii ugu horeeyay ee ay Somaliland yeelato, taas waxaad ka garan kartaa sida aynu ugu baraarugsanayn xeerarka si toos ah u taabanaya nolosheena. Xeerkan waxa la sameeyay markii la arkay Baahidda loo qabo xeer lagu maamulo arrimaha Mihnadlayaasha caafimaadka dadka, lagagana hor tago dhibaatada bulshada ka soo gaadhi karta marka aan loo meel dayin daawaynta, goobaha adeegga caafimaad, Mihnad-layaasha caafimaadka iyo daawada.
Xeerkan waxa lagu aasaasayaa guddi ka kooban 13 qof oo ka kala imanaya hay’adaha dawladda ee kala duwan, waxa ay shaqadoodu tahay guddidan In ay Daba-gal,kormeer iyo qiimayn ku sameeyaan hawlwadeennada ka shaqeeyaha caafimaadka, goobaha adeegga caafimaadka iyo goobaha waxbarashada caafimaadka., iyo in waxa sidoo kale shaqadoodu tahay in ay Hubiyaan, sidoo kalena dabagal ku sameeyaan aqoonta Mihnadlayaasha caafimaadka iyo dhamaan goobaha adeegga caafimaadka bixiya, shaqada ugu weyn muhiimna u ah bulshadda reer Somaliland ayaa ah in ay Talaabo ka qaadaan dhakhaatiirta khaladka iyo gafka sharci-daradda ah sameeya ama Mihnadiisa u adeegsada si baxsan dhaqanka, bini’aadantinimaddaba.
Sida ku xardhan Ujeedadada xeerka gaar ahaan Qodobka 2aad waxa ka mid ah:-
- In loo sameeyo xeer kala haga oo nidaamiya Mihnadlayaasha caafimaadka ee xeerkan ku xusan noocay doonaan ha ahaadeene.
- In loo sameeyo xeer kala haga oo nidaamiya goobaha adeegga caafimaadka iyo goobaha waxbarashada caafimaadka.
- In kor loogu qaado waxbarashada iyo ku shaqaysiga Mihnadda caafimaadka.
- In Gudiddaloo siiyo awood uu ku maamulo xeer-nidamiyaha lama huraanka ah ee lagu xaqiijinayo ujeedooyinka xeerkan.
- La shaqaynta Wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare.
- Ururinta iyo lafo gurka macluumaadka la xidhiidha waxbarashada Mihnadda caafimaadka
Xeerkan sidoo kale waxa lagu dhex aasaasaya guddi ku shaqo leh anshax marinta oo ka kooban 5 xubnood oo hoos imanaya guddida mihnadlayaasha caafimaadka, waxay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan dadka iyaga oon ogolaansho ka haysan bixiya adeegyadda kala duwan ee caafimaadka.
Waxa kale oo xusid mudan in ay guddidani yihiin ruqsad bixiyaal, waxa ay siiyaan liisanka ganacsiga ee caafimaadka haday noqoto kuliyadaha caafimaadka bixiya, dadka ku shaqeeya mihnadda caafimaadka, waxa sidoo kale ay ruqsadda siinayaan guddidani dhamaan dhakhaatirta ajaanibka ah haday furanayaan goobo caafimaad iyo haday si shakhsi ah ugu shaqeysanayaan ba.
Xeerka ilaalinta macmiilka ‘’customer protection act’’
Sida aynu ka war qabno dalkeenu malaha xeerka ilaalinta macmiilka, sidaas daraadeed waxaynu eegi doonaa muhiimada uu u leeyahay bulshadda reer Somaliland, waxyaabaha uu dabooli doono.
Muhiimada Xeerka Ilaalinta Macmiilka
Muhiimadda ugu weyn ee uu dabooli karo ama uu leeyahay xeerkan macmiilku waa:-
- In la sameeyo qaab-dhismeed sharci oo suuqa macaamiisha ilaaliya, oo cadaalad ah, la heli karo, hufan, waara;
- Si kor loogu qaado dhaqamada ganacsi ee cadaalad ah, lagana fogaado dhaqamadda ganacsi ee aan cadaaladda aheyn.
- Si macaamiisha looga ilaaliyo caddaalad-darrada, caqli-la’aanta ama dhaqamada kale ee aan habboonayn ee ganacsiga iyo sidoo kale in laga ilaaliyo macaamilka khiyaanada, marin-habaabinta ama dhaqannada kale ee khiyaanada ah;
- Si kor loogu qaado mas’uuliyadda bulsho, dhaqaale iyo deegaan ee suuqyada macaamiisha;
- Si loo horumariyo wacyiga macaamilka iyo macluumaadka iyo in la dhiirigeliyo doorashada iyo dhaqanka macaamilka xilkas iyo xog-ogaalnimo;
- Si kor loogu qaado kalsoonida macaamiisha iyo xoojinta iyo horumarinta dhaqanka mas’uuliyadda macaamilka iyada oo loo marayo waxbarashada shakhsi ahaaneed iyo kooxeed, feejignaan, u doodid
- Si loo bixiyo nidaam joogto ah, la heli karo oo hufan oo lagu xallinayo is-afgaradka ee khilaafaadka ka dhasha macaamilka;
- Si loo helo hab la heli karo, joogto ah, la iswaafajiyey, wax ku ool ah oo hufan oo lagu hagaajinayo khasaaraha soo gaadha macaamiisha.
- In la helo qaab sharci oo dhinacyaddu ku kala baxaan.
Ujeedka xeerka ilaalinta macmiilku Waxay tahay inay ka ilaaliso macaamiisha badeecadaha tayadoodu liidato iyo dhaqamada ganacsi ee aan cadaalad ahayn ama shuruudaha qandaraasyada ee khuseeya wax kala iibsiga, dayactirka, lacag celinta iyo keenista. Sidaas daraadeed muhiimad weyn ayuu qaranka u leeyahay xeerkani, waa in si dhakhso ah loo sameeya xeerkan, si bulshadda reer Somaliland, uga fogaadaan waxyaabaha halista ku ah nafahooda, sidoo kale la helo xeer ciqaabaya dadka ku dhaqma dhaqmadan aan cadaaladda waafaqsanayn, ee lid ku ah caafimaadka, deegaanka iyo guud ahaan bulshadda reer Somaliland ba.
Aduunwaynaha aynu ku nool nahay waxa lagu qiyaasaa wadamadda leh xeerka macmiilka in ay gaadhayaan 50 dal, qaarkood xeerarkaasi waxay aasaasayaan guddi ilaalinta macmiilka, waxa sidoo kale uu dhigayaa xuquuqaad iyo waajibaadyo kala duwan, kuwaas oo dan u ah macmiilka, qaar ka mid ah wuxuu aasaasayaa guddi ka garnaqda dacwadaha ka imaada macaamiisha iyo cabashooyinkooda.
Sidee ayay shuruucda duwaliga ah ‘International laws’ u ilaaliyeen macaamiisha
Shuruucda duwaliga ah hadaynu in yar wax ka iftiimino, sida ay u ilaaliyeen macaamiisha waxa ugu horeeyay taariikh ahaan sharcigii hamurabi ‘’hamurabi wuxuu ahaa boqor xukumi jiray mesopatania’’ wuxuu ahaa boqorkii ugu horeeyay ee soo saara sharci qoran oo uu ku xukumo, kuna kala ilaaliyo bulshadii uu xukumi jiray. sharciga Hammurabi ayaa ka koobnaa 282 qodob, wuxuuna sharcigan dejiyay jaangooyooyin iyo hagayaal la xidhiidha isdhexgalka ganacsiga, waxa kale oo sharcigani dhigayaa ganaaxyo iyo ciqaab, muhiimadda u weyn ee uu laha Hammurabi ayaa aheyd sidii loo heli lahaa cadaalad, sharciga Hammurabi waxa lagu lagu qoray bir aad u weyn oo far-shaxamaysan oo dib loo helay 1901kii.
Sharcigan hamurabi ayaa waxa ku jiray cuquubaad badan oo lagu ciqaabayo qofkasta oo denbiile ah, sida in la jaro carabka qofka, dhagta, isha, marmarna naaska dumarka, waana sharcigii ugu horeeyay ee qoran ee laga soo dheegtay mabda’ ah in qofkasta oo eedaysane ah uu yahay danbi laawe, ilaa maxkamad horteed lagaga cadeeyo’’.
Sharciga Hammurabi wuxuu koobsaday dhawr shuruuc oo la isu geeyay, tusaale ahaan qodobka 1-5 waxay ka hadlayeeyn dunuubta laga galo maamulka dawladda ‘’offences against administration’’ qodobka 6-25 waxay nidaaminayaan dunuubta laga galo hantidda ‘’offences against property’’ qodobka 26-100 waxay ka hadlaan sharciga dhulka iyo guryaha, qodobka 100-126 waxay nidaamiyaan sharciga ganacsiga, qodobka 127-194 waxay ka hadlaan guurka, furniinka iyo dhamaan shuruuca qoyska, 195-214 waxay ka hadlaan shuruucda xadgudubyada, qodobka 215 ilaa 240 waxay ka hadlaan xirfadlayaasha, tacaamulkooda, xuquuqdooda, iyo ciqaabta dunuubta ay galaan, 241-273 waxan nidaamiyaan sharcida beeraha, 274 ilaa 282 waxa ka hadlaan kirada iyo dadka la soo shaqaalaysiisay lacagta ay leeyihiin, ugu danbeyntiina adoomaha ayuu ka hadlaa.
Tusaale ahaan sida uu u ilaaliyay macaamiisha hadaynu soo qaadaano waxa ku jira qodob odhanaya, qofkii dhisa dhisme kaas oo aan waafajin sharciga dhismaha, haddii uu soo dumo dhismahaasi oo uu sababo dhimasho dhamaan dadkii dhisayay waxa lagu ciqaabayaa dil, waxa aad ka arki kartaa muhiimadda ay lahaayeen dadka maacaamiisha ah iyo sida loo ilaaliyay xuquuqahooda kala duwan.
Hagayaasha ilaalinta macaamiisha ee ay soo saartay qaramadda midoobay 16. 4. 1985
Taariikhdu markii ay ahayd 16.4.1985 ayaa golaha amaanka ee qaramadda midoobay ‘’security council’’ waxa ay hagayaal ama tilmaamayaal ka soo saareen sidii loo ilaalil lahaa macaamiisha, kaas oo cadadkiisu ahaa 38/248 in muddo ah oo lagu shaqeynayay ayaa mar labaad waxkabedel lagu sameeyay taarikhdu markii ay ahayd 26/7/1999 waxaana dib eegis ku sameeyay golaha amaanka qaramadda midoobay 22/12/2015 cadadka wuxuu ahaa 70/186.
Ujeedadada laga lahaa hagayaashan wax aka mid ah:-
- In laga caawiyo wadamada sidii ay u gaari lahaayeen ama u ilaalin lahaayeen ilaalin ku filan dhamaan macaamiishooda.
- Si loo fududeeyo qaababka wax-soo-saarka iyo qaybinta ee ka jawaabaya baahidda iyo rabitaanka macaamiisha.
- In la dhiirigeliyo heerar sare oo anshaxeed oo loogu talagalay kuwa ku hawlan soo saarista iyo qaybinta adeega ama alaabaha ay isticmaalayaan macaamiishu.
- In laga caawiyo wadamada sidii ay u joojin lahaayeen dhaqamada ganacsi ee xad-gudubka ah ganacsiyada heer qaran iyo heer caalami taaso si lidi ku ah macaamiisha.
- Si loo sii kordhiyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca macaamiisha.
- Si loo dhiirigeliyo horumarinta xaaladaha suuqa taas oo keensanaysa in macaamiishu heli karaan doorashadda qiimaha jaban.
- Si kor loogu qaado isticmaalka joogtada ah.
Sida ka muuqata hagayaashan waxa lagu dabaqayaa ganacsiga, macaamiisha isticmaasha haday alaab tahay ama adeeg, waxa sidoo kale hagahani dhigayaa mabaadi’ guud oo lagu amrayo in wadan kastaa ku ilaaliyo suuqiisa ganacsiga waxaana ka mid ah;
- ku dhisan cadaalad ah iyo sinaan.
- In dhaqanka ganacsigu aanu noqonin mid sharci darro ah, anshaxa ka baxsan.
- Hufnaanta iyo banyaalnimadda.
- Wax-baridda iyo wacyigelinta.
- Ilaalinta siraha gaar ah.
- Habka loo xalinayo khilaafaadka iyo cabashooyinka.
Hagaayashani waxay wadamadda farayaan in ay sameystaan siyaasaddo iyo shuruuc adag oo lagu ilaalinayo dhamaan Xuquuqda macaamiisha, xeerarkaas iyo siyaasadahaasba waa in ay waafqaan tilmaamahan soo scoda ee uu sheegay habraacyadani:-
- In ay macaamiishu helaan dhamaan adeegyadda iyo alaabaha ay u baahan yihiin.
- In si gaar ah loo ilaaliyo dadka nugul lagana ilaaliyo waxyaabaha aan faa’idadda u lahayn macaamiisha.
- In laga ilaaliyo macaamiisha waxyaabaha khatarta ku ah caafimaadkooda.
- In ay heli karaan hab garnaqsi ama nidaam ay u gudbiyaan dacwadaha iyo cabashooyinka.
- In la dhiirigaliyo kor u qaadista waxyaabaha u danta ah dhaqalaaha macaamiisha.
- In ay heli karaan xog dhamaystiran macaamiishu si ay wax u dooran karaan.
Hagayaashani waxay ka kooban yihiin ilaa 98 qodob oo hagayaal ah, waxa ay yihiin kuwo aad u dhamaystiran oo hagi Kara dhamaan wadamadda, sidoo kale waxa ay yihiin kuwo si wanaagsan u ilaalin Kara danaha macaamiisha, caafimaadkooda, deegaankaba. Waa kuwa kale oo ilaalin ku samayn guud ahaan ganacsiga, waxa uu sidoo kale ka hortagayaa dhaqanadda aan cadaaladda waafaqsanayn.
Gunaanad
Waxa aynu qoraalkan yare e kooban ku soo aragnay cida uu yahay macmiilku, waxa aynu sidoo kale isbarbardhignay waxyaabaha macmiilka iyo wax iibiyaha, iyo macmiilku marka uu isticmaalayo alaab iyo marka uu isticmaalayo adeeg.
Qoraalkan waxa aynu sidoo kale aragnay xuquuqaha kala duwan ee uu leeyahay macmiilku ee ay ka mid yihiin xaqa nabadgalyada shayga/adeega, xaqa in uu helo xogta shayga ama adeega, xaqa doorashadda, xaqa in la dhagaysto cabashadiisa, xaqa waxbarida, iyo xuquuqo kale oo uu leeyahay macmiilku.
Waxa aynu wax ka tilmaanay waajibaadka saaran macmiilka markasta oo uu wax iibsanayo, waxaana ka mid ah waajibaadkaas in uu si habsami leh u isticmaalo shayga, in uu hayo xogta shayga uu iibsanayo, in uu si miirqabta u doorta adeega iyo shayga uu rabo in uu iibsado.
Waxaynu wax ka soo sheegnay laba shay oo ay ka faa’ieystaam ganacsatadu si ay u lumiyaan Xuquuqda uu leeyahay macmiilku waana; aqoon la’aanta macaamiisha ku aadan xuquuqdooda, iyo isku dubnaan la’aantooda.
Waxa aan ku soo xusay qoraalka nuxurka ilaalinta macmiilku waxa uu yahay, sidoo kale dhaqamada aan cadaaladda aheyn, oo ay ka mid yihiin xayaysiisyadda marin habaabinta ah, dhalangadiska shayga asalkiisa lagu sameeyo, iyo alaabaha ciladaydsan, wakhtigoodu dhacay loo keeno macaamiisha.
Waxa aynu soo sheegnay shurrucda Somaliland sida ay u ilaalisay Xuquuqda macaamiisha oo ugu horeeyo dasuurka jamhuuriyadda Somaliland, aasaaskii hay;adda dhawrista tayada iyo sidoo kale xeerka hay’adada dhawrisra tayada.
Ugu danbeyn waxa aynu wax ka taabanay muhiimadda uu leeyahay xeerka ilaalinta macmiilku, sida uu u ilaalinayo dhamaan macaamiisha, waxa aynu soo sheegnay ujeedada ugu weyn ee uu leeyahay xeerkani.
Dhanka marka aynu eego shuruucda caalamiga ah, waxa aynu soo qaadanay sharcigii Hammurabi oo ahaa boqoradii taariikh ahaan lagu xuso dhinaca shuruucda qoran, waxaana uu u noqday marjac ay culumo badan oo qaanuu ka ahi raacaan.
Waxa sidoo kale qoraalkan aynu ku yara ifiiminay baaqa ama habraac. Hagayaal ay soo saartay golaha amaanka ee qaramadda midoobay kuwaas oo ka kooban 98, waxayna dhigayaan mabaadi’ lagu ilaalinayo macaamiisha, wadamaddana ku qasabaya in ay ku dhaqmaan.
Tallo soo jeedimaha:-
- In la sameeyo siyaasad guu oo ilaalinaysa Xuquuqda macaamiisha, sidii looga hortagi laha waxyaabaha ka hor imanaya caafimaadka guud ee dalka.
- In la sameeyo xeerka ilaalinta macaamiisha
- In la sameeyo xeer hoosaadyo lagu kabayo xeerkan ilaalinta macmiilka.
- In la xoojiyo, miisaaniyadda loo kordhiyo, si heer qaran ah loo kabo gudida
- In la keeno mashiino casri ah oo hubinaya tayada shay kasta oo wadanka soo galaya ama wadanka dhexdiisa lagu warshadeynayo.
- In la abuuro hay’add ama guddi ka garnaqa dacwadaha/cabashooyiinka macaamiisha.
- In la raaco habraaca ay dajisay golaha qaramadda midoobay gaar aahan golaha amaanka.
Tixraac
- Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland 2001
- Xeerka hay’add dhawrista tayadda xeer lr 68/2014
- Xeerka mihnadlayaasha caafimaadka 19/2001
- Sharciga Hammurabi
- Hagayaasha qaramadda midoobay ee ilaalinta macaamiisha 1985
- UPDATE: International Law and Consumer Protection by Antonella Corradi.
- https://www.investopedia.com/articles/pf/10/know-your-consumer-protection-laws.asp
- wikipedia.org/wiki/Consumer_protection
- https://consumeraffairs.nic.in/acts-and-rules/consumer-protection
Qore: Garyaqaan Mahad Mohamed Hussein.
LLB.