Sharcinimada Adeegyadan Lacagta Hawada Bixiya: Zaad Iyo E-Dahab Ma Yihiin Lacag Sharcigu aqoonsan yahay? (WQ: Garyaqaan Yuusuf Biixi Muxumed)

Sharcinimada Adeegyadan Lacagta Hawada Bixiya
• Lacagta Zaad Iyo E-Dahab Ma Yihiin Lacag Sharcigu S/l Xeer Lr.54 u aqoonsan yahay lacag ?
• Adeegyadan lacagta Zaad Iyo E-Dahab Ma u Diwaan gashan yihiin Nidaama Bangiyada Banking System ?
• Xeerkeenu Ma Ogol yahay In Lacagta Somaliland ay ilaa Xamar Ka Shaqaykarto?
• Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Qofka foojariga samaysta iyo Adeegyadani Lacagta mobilada lagu samaysanayo ?

Mawduucan waxaan si gaaban ugu lafa guraynaa inuu ka jawaabo Qodobadan sare ku xusan anigoo ku koobnaan doona marka hore dhinaca sharciga oo kaliya,
Sidaynu ka warqabno waxa maalintii shalay 25/12/2019 uu gudoomiyaha bangigu ku dhawaaqay in shaqaalaha dawalda oo mushaharkooda lagu siindoono adeegyadan waxaanan jeclaystay aqoontayda yar ee gaaban in madma uu waajib iga saran yahay muwaadin ahaan in aan ku lafa guro afarta qodob ee sare ku xusan iyo talaabdan cusub ee uu qaadayo bangiga dhexe ee uu ku damacsan yahay in uu adeega mobilka lacagta shaqalaha ku bixiyo sida sharciga iyo xeerarka dalka u waafaqsanaanayo,
Aniga oo sharci ahaan ka Eegidoona adeegyadan Lacagta Ee Zaad iyo E-Dahab Sharci ahaan xeerka dalka Somaliland ma u aqoonsanayahay lacag mise uma aqoonsana,
Lacag sharciga Somaliland waxa uu ku qeexay inay tahay lacagta waraaqaha iyo qadaadiicda ee astaamaheedana uu xeerka ku sheegay, waxaana loo aqoonsaday inay ka dhex shaqaynayso gudaha Somaliland,ee aanay dalka ka baxayn, adeegyadan cusub ee lacagta layskugu diraana waxay ka shaqeeyaan ilaa dalalka dibada ee ay xamar ka mid tahay , suaasha muhiimka ahi waxay tahay lacagteena Somaliland xamar ma gaadhaa ? yaase adeegyadan u aqoonsaday lacag? ma sharciga somaliland mise shirkadaha samaytay,
Markii ugu horaysay ee adeegan lacagta hawada ahi waxa uu dalka soo galay sandkii 2009 wakhtigaas oo ay bilawday shirkada isgaadhsiinta ee Telesom waxaana xusid mudan in aanay bulshada Somaliland iyo guud ahaan xukuumadii wakhtigaas aanay fahan buuxa ka haysan sida ay u shaqaynayso , waxaanay ku bilaabmatay lacagta adag ee dollarka , mudo ka dibna waxa Iyana adeega Lacagta Mobilka samaysantay shirkada Somtel oo la magacbaxday E-Dahab, waxaana xusid mudan inaanay cidi waxba ku xidhin sharcina u eegen ee ay ka faa,iideysteen tamarta iyo fahanka dawlada talada haysay . ilaa iminkana in cidkastaa ay adeegyadan lacagta hawada ah lagu samaysto ay abuuraan wax u diidayaa ma jiro madama xeerka dalku xakamayn waayey kuwa ka horeeyey ee sifaha aan sharciga ahayn lacag u samaystay .
Hadaba Adeegyadan Zaad Iyo E-Dahab Sharci ahaan adeegyadoodan sifaha ay qaranka ugu duwaan gashan yihiin muxuu noqonayaa Shaqsiyadooda Qaanuuneed (Legal Intity) , shirkadahan waxay u duwaan gashan yihiin shirkado is gaadhsiineed oo la yidhaahdo Telesom Iyo Somtel waxaana lagu dhaqaa Xeerka isgaadhsiinta Somaliland Xeer Lr. Hadaba shirkadahan is gaadhsiineed ayaa waxay dhexdooda ka abuureen adeegyo bangiyo oo ka baxsan shaqada ay qaranka uga haystaa ruqsada oo ah adeega isgaadhsiinta ,waxaanay bixiyaan adeegyadan lacagta lagu kaysanayo laguna xawilayo oo la yidhaadho Zaad iyo E-Dahab adeegyadan lacagta lagu kaydasado waxa uu ka soo hor jeedaa nidaamka Sharci Ee bangiyada Somaliland mana ah bangiyo ku duwaan gashan inay bixiyaan adeegyada bangiyada ee uu tilmaamay xeerka bangiyada Somaliland, aqoon buuxdana aan u lehayn nidaamka bangiyada sababtoo ah waxaa taas muujinaya in xeerkaba aanay ogayn inuu u ogolaanayo in lacagtan hawada ay sameystaan iyo in shirkad iyo qof caadi ahi uu lacag samayto inay xaaran ka tahay xeerka bangiayda somaliiland
Xeerka Bangiyada Somaliland Xeer Lr,54/2012 uma yaqaano lacag adeegyada Zaad iyo E-Dahab waxaana si cad u tilmaamaya halbeega lacagta Somaliland ee uu aqoonsanyahay sharcigu Qodobka.32aad Xeer Lr.12/2012 Xeer Baanka Dhexe S/L
Qodobka.32aad Xeer Lr.54/2012 Halbeega Lacagta Somaliland
Lacagta dalka Somaliland waa lacagta waraaqaha iyo Qadaadiicda ah lacagtaas oo astaanteedu tahay ‘SL SH’
Lacagtan waxa kaliya oo xaq u leh daabacadeeda iyo fidinteeda bangiga dhexe ee Somaliland waxaana awoodan buuxda u siiyey Qodobka.33aad Ee Xeer Lr.54/2012 Xeerka Banigaga dhexe ee Somaliland mana jirto cid la wadaagta shacab iyo shirkado iyo haayado kale oo qaran oo lacag samaysan kara sida uu dhigayo qodobkan sharci oo dhigan sidatan .

Qodobka 33,aad
Soo Saaridsta Lacagta Waraaqaha Ah Iyo Qadaadiicda.

1. Baanka Dhexe ee Somaliland waa inuu yeeshaa xaq u gaar ah oo uu ku dalban karo kuna soo daabacan karo lacagta waraaqaha ah iyo qadaadiicda uu ugu talagalay inay ku wareegto Gudaha Somaliland.
2. Soo saarista lacagta waraaqaha ee loo cuskado qodobkan waxay noqnaysaa waxa ugu horeeya ee laga jaro hantida Baanka Dhexe ee Somaliland.

Waxa kale oo Xusid Mudan in lacagta Somaliland shilingka ah marka uu bangiga Somaliland u baahdo in la soo daabaco ay marto nidaam dawliya oo ilaa golyaasha baarlamaku u ansixiyaan lacagta dalku u baahan yahay, balse waxaa ceeba ah sharcigana baal marsan in lacag lagu sheego adeegyadan shirkadaha gaarka ah gacanta ugu jira ee habeenba intay doonaan ay kordhisankaraan, iyagu ay isku hayaan samaynta lacagahan (digital money ) waxaana si cad u mamnuucay in qof ama shirkad ganacsi ay samayso ama gacanta ku haysto aalad lagu samaynkaro lacag waxa xaarantimeeyey qodobkan sharci Qodobka.55aad Xeer Lr.54/2012
Qodobka.55aad farqadiisa (X)
Aaladaha Ama Alaabta lacagta sameeya

x) Qof kasta oo Gacantiisa ay ku jirto makiinad, injiin, qalab, aalad, alaab ama wax uu og yahay in loo isticmaalay ama og yahay in loola jeedo in loo isticmaalo sameynta ama been abuurka wax qiime lacageed leh wuxuu ku jiraa dembi xadgudub ah wuxuuna u qoolan yahay xabsi marka ay amarto maxkamada ku shaqada lihi.

Qodobkan sare ku xusan waxa uu muujinaysaa inay mamnuuc tahay in qof gaar ahi uu lacag samaysto ama uu sameeyo wax u dhigma qiime lacageed , qofka ama shirkada sameeyaana waxa uu la mid yahay sidii qof sameeyey lacag foojari ah

Sidaas darteed waxaan halkan ugu soo jeedinayaa sidatan:

1. Adeegyadan Lacageed ee Zaad Iyo E-Dahab oo bulshadu la qabsatay balse aan dhex galin nidaamka maaliyedee ee xukuumada haday tahay in mushar lagu bixiyo iyo in wax lagu cashuuraba waxay halis ku tahay lacagta shilingka Somaliland waana in laga fiirsadaa
2. In xeerka bangiga Somaliland uu mamnuucay in qof gaari lacag samaynkaro ama wax u dhigma oo leh qiimo lacageed .
3. Hadii adeegyadan qaranku ka maarmi waayo in sharciga wax laga badalaa oo laga dhigaa lacag somalilnad ay leedahay lagana wareejiyaa shirkadaha gaarka u haysta ama laga xakameeyaa inaanay shaqsiyaad gaar ahi lacag samaysankarin
4. Inaan xukuumadu qaladaad kale oo ay jiridaha ugu aasayso adeegyadan sharcidarada ah aanay samayn , madama ogolaanshihii ugu horeeyey ay ku khaldantay xukuumadii wakhtigaas talada hasay , markii labaadna ay wasiiradii maliyadu ay u ogolaatay in lacagta somalilandta ay sameeyaan
5. In xukuumadu ay daristo warbixinada caalamiga ah ee laga diyaariyey adeegaydan wakhtigii ay cusbaayeen oo lagu sheegay in Somaliland ay ku danbaynayso lacag la,aan waxaana warbixintaas daabacay TOMORROW TRANSECTION (the first Cashles Country In The Wolrd Will be Somaliland
6. In lacagta Somaliland aanay dalka ka bixin balse adeegyadan lacagta mobilidu ay ka shaqeeyaan ilaa xamar iyo dalal kale oo dibada ah .
Lasoco Qaybtiisa kale

Xaqsoore Waa Alle
Garyaqaan : Yuusuf Biixi Muxumed