Sharciyada hawada sarre iyo khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya Q.1aad (WQ: Axmed Muuse)

Si aynu u fahamno khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia ee hawada sare, waxaynu u baahnahay in aynu marka hore eegno sharciyada hawada. Sidaa daraadeed maqaalku wuxuu diiradda saarayaa sharciyada hawada โ€œAirspace Lawโ€ iyo sida uu u shaqeeyo. Markaa maqaallo dhowr ah ayeynu u kala qaadaynaa sababtoo ah aad ayuu ugu badan yahay In aynu hal maqaal kaga wada hadalno, markaa waxaan akhristayaasha siinayaa fursad si aanay ugu daalin akhrinta maqaal dheer, anigoo soo gaabinaya.

7dii bishii December 1944 ayuu Maraykanku ku casuumay in shirka lagu aasaasayey hayโ€™adda duulista caalamiga ah ee loo yaqaan International Civil Aviation Organisation (ICAO) lagu qabto Chicago. Shirkaas oo lagu casuumay 55 dal waxaase ka soo qayb qalay 54 waddan. Shirkaas oo lagu magaacabay Chicago Convention.

Convention-ka waxaa lagu soo saaray sharciyaddii ugu horreeyey ee hawada sida xaaladda nabad gelyada hawada, sharciyeynta diyaaradaha iyo xuquuqaha caalamiga ah ee hawada.

Waxaa shirkaa lagu sameeyay qaab dhismeedkii ugu horreeyey ee maamulka ICAO oo ah mid ku meel gaadh ah, loona aqoonsaday inuu noqdo Provisional International Civil Aviation Organisation (PICAO).

Waxaa kale oo lagu kala saxeexday 96 qodob (articles) oo ah sharciyadii ugu horreeyey ee hawada (Airspace). Qodobadaa waxaan kasoo qaadanaynaa qodobada Article 1 and 2 ee Chicago Convention oo ku saabsan xuquuqda hawada sare maqaalkeenana aad u khuseeya.

Qodobka 1aad: wuxuu dhigayaa โ€œIn waddan kastaa uu xaq iyo xorriyad buuxda u leeyahay hawada ka sarraysaโ€.

Qodobka 2aad: wuxuu dhigaya โ€œIn waddan kastaa uu xorriyad buuxda u leeyahay difaacidda iyo ilaalinta hawada ka sarraysa xadka dhulkiisa iyo badiisabaโ€.

Waxaa qodobadaasi ay dhaqan galeen 5tii March 1947 ka dib markii ay soo wada saxiixeen 52 waddan oo ka mid ahaa waddamadii 54ka ahaa ee ka qayb qalay Chicago Convention, sidaana ay qodobadaasi ku noqdeen xeer calami ah (International Treaty). Waxa kale oo isla sannadkaa si rasmi ah loo ansixiyey hay’adda oo ka baxday ku meel gaadhnimadii.

Waxa kale oo shirka Chicago Convention lagu soo bandhigay xeerka duulista hawada ee loo yaqaan โ€œFive Freedoms of Airโ€. Kuwaas oo labada ugu horreeya oo kala ah:

1. In waddan kastaa uu diyaaradaha rakaabka siiyo ogolaansho ay ku dul maraan hawada dhalkiisa (Overfly permission) iyadoo markaa aanay ku dageynin dalka, sharcigan oo loo yaqaan โ€œFirst freedom of airโ€.

2. In waddan kastaa uu diyaaradaha rakaabka ee hawadiisa dul maraya uu siiyo ogolaansho ay ku degto waddanka xaalad shidaal qaadasho (Refuiling purpose) ama xaalad farsamo (Technical reason) iyadoo aan markaa wax rakaab dejinaynin ama qaadayn, sharcigan ayaa isna noqonaya mid loo yaqaan โ€œSecond Freedom of Airโ€.

Saddexda freedoms of Air waxay iyagu noqonayaan habka ganacsiga (Commercial), halka ay labada hore ka ahaayeen jir maris (Passage). Hadaba, 3-dan kale ayaa iyaguna kala ah:

3. In wadamadu isa siiyaan ogolaansho ah diyaaradahooda rakaabku inay qaadaan rakaab iyagoo markaa geynaya waddan kale laakiin aan ka soo qaadi karin wax rabkaab ah markaa, sharcigan waxaa la yidhaa isna โ€œThird Freedom of Airโ€.

4. In waddamadu ay diyaaradaha rabkaabka ah siiyaan ogolaansho ay ku geyso rabkaab, iyadoo isla markaana ka soo qaadi karta rabkaab kale oo u socda waddankii ay diyaaraddu ka kacday markii hore ee diyaaradda laga lahaa, sharciganna wuxuu noqonayaa โ€œFourth Freedom of Airโ€.

5. In diyaaradaha rakaabka la siiyo ogolaansho ay ku geyso rakaab waddan, iyadoo markaana ka sii qaadi karta rakaab kale oo u socda waddan kale (third country) oo aan ahayn kii ay ka soo duushay markii hore, sharcigan ayaa noqonaya โ€œFifth Freedom of Airโ€. Shantan sharci ee hawada ayaa noqonaya kuwo keliya ee lagu ansixiyey heshiiskii Chicago Convention.

Inkastoo 5tan sharci ee loo yaqaan โ€œFive Freedoms of Airโ€ yihiin kuwa keliya ee lagu aqoonsaday ee yeeshay xeer (Treaty), hadana waxaa jira afar kale oo dheeraad ah oo ka dhigaya sharciyadii freedoms of air inay noqdaan 9 Freedom โ€œNine Freedoms of Airโ€. Hadaba, 5tii hore ee aynu soo dheegnay ayuun baa lagu ansixiyey Chicago Convention, ICAO-na shantaas ayuun bay ka masuul noqonaysaa. Afartan kale waxaa loo daayey in waddamu iyaga dhexdooda ku galaan heshiisyo u gaar ah oo loo yaqaan โ€œMultilateral Agreementโ€ ama โ€œBilateral Agreementโ€, heshiisyadan oo ogolaansho dheeraad ah siinaya diyaaradaha.

Waxaa ilaa hadda saxiixay xeerarkan freedoms of air 129 waddan oo ay Somalia ka mid tahay, waxaase diiday inay saxiixaan Brazil, Russia, Indonesia iyo China, waxaa iyaguna xeerkan ka baxay waddanka Canada sannadkii 1988.

Waxaa kale oo uu Convention-ku gaar u kala qaaday xeerarkii 96ka ahaa iyagoo gaar ahaan xeerka Article 37 oo khuseeya qaabka badbaadada ee hawada (Aviation safety) oo ay gaar ugu xuseen qaybta loogu magac daray Standards and Recommended Practices (SARPS), ayaa loo qoray qaab lagu magacaabo โ€œAnnexesโ€ oo noqonaya 19 annexes (Annexe 01 โ€“ 19) tiro ahaan, taasoo annexe kastaa uu ka hadlayo qayb gaar ah, tusaale ahaan; Liisanada duuliyayaasha (Pilot Licence), Sharciyada hawada (Rules of Air) iyo Nabad gelyada (Aviation Security). Qodobadan uu dhigayo SARPs-ku ayaa waxaa 3-dii sannoba hal mar lagu sameeyaa dib u eegid.

Hayโ€™adda ICAO iyadoo cuskanaysa xeerka 1aad (Article 1) waxay hawada adduunka u qaybisay wax loo yaqaanno FIRs (Flight Information Regions). FIR-ku wuxuu qiyaas ahaan gaadhayaa ilaa 66,000ft oo joog sare ah (Vertically) oo ah heerka ugu sarreeya ee ay diyaaraduhu ku duulaan, dhinaca baddana marka laga eego ballac ahaanna (Horizontally) wuxuu noqonayaa 12 NM (Nautical Miles). FIR kastaa wuxuu leeyahay magac u gaar ah oo ka kooban 4 xaraf sida Mogadishu FIR waxa loo yaqaan HCSM oo ah ICAO FIR Code.

Wadamada adduunku badanaa waxay leeyihiin dhowr FIR (Flight Information Regions), inkastoo mararka qaar airspace-ka loo sii kala qaybiyo laba qaybood oo kala ah FIR iyo UIR (Upper Information Regions) oo qoybta sare noqonayso (UIR). Waddamada dhulkoodu aad u yar yahay waxay badanaa ay leeyihin hal FIR oo keliya. Somalia waxay leedahay hal FIR oo keliya waan FIR โ€“ HCSM, inkastoo aanay ahayn waddan dhulkiisu yar yahay, halka waddanka UK oo dhul ahaan ka yar Somalia uu ka leeyahay 3 FIRs inkastoo ay taasi ku xidhan tahay air traffic-ga UK oo aad u badan oo aanay mid kali ahi wada maamuli karin hawad UK oo dhan.

Inastoo ay jiraan sharciyo badan oo ay leedahay hawada sare amase aviation-kuba oo ay u dejisay hayโ€™adda caalamiga ah ee ICAO, hadana inta aan ka soo qaatay ayaa ka khuseeya maqaalkeenna aan uga dan leenahay inaan ku eegno khilaafka labada dal ee Somaliland iyo Somalia.

LA SOCO QAYBAHA KALE INSHA ALLAH.

WAAD MAHADSAN TIHIIN.